Filan waa Q33AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q33AAD

Deeqa oo nafistay isla markaana culays badani ka dagay maadaama wixii ay muddada dheer qarinaysay ay shaaca ka qaaday, ayaa waxay tidhi: “ Goor ay ahaatoba jawaabta waan kaa sugayaa, balse, ogoow inaan anigu qirtey dambigeygii, qaatayna qaladkaygii, adigana laba mid ayaa kuu furan, inaad iga dhaqaaqdo oo ah inaad iga aarsatay iyo inaad  nolosha ila qaybsado oo ah inaad i cafiday!

Maxamed wuxuu yidhi: Haye abaayo habeen wanaagsan ma hadli karo hadda, waa xilli dambe, midda kale, madaxa ayaa I xanuunaya, bari ayaan kula soo hadli doonaa.

Maxamed waxaa ka soo hadhahay fajac iyo filanwaa, waxaa la yaab ku noqotay sheekada Deeqa uga sheekaysay, isagoo kaligii isla talamayaa ayaa wuxuu yidhi:

“jacaylkii, kalsoonidii, qosalkii iyo farxadii, balantii iyo axdigii, iyo haddaladii macaanaa ma wax aan uurka jirinoo afka baarkiisa umbay ahaayeen, wallee nin aduun joogoow maxaa aragtii kuu laaban, Canab ayaan la yaabanaa ee tanaaba ka sii daran”

Maxamed wuxuu isweydiiyay, waa maxay danta ay ka lahayd Deeqa Muddadaa intaa le’eg inay dhagar iyo been kugula socotay, maxaase ku kalifay inay waxaan samayso?

Haddayse daacad tahay ama ay kalsooni kugu qabto, maxay shalay kuugu sheegi weyday arrimahan faraha badan ee ay hadda ka sheekaynayso, wuxuu yidhi Deeqa waan aaminay naftaydana waan u hibeeyay, laakiin waan ka xumahay inay sidaa ii gashey, dhib malahaan wax walba waa dhacaan oo rag aniga fiican ayaa haween dartood dunida uga hayaamay.

Su’aalo aad u tiro badan ayuu muddo kooban kaligii isweydiiyay, basle jawaab uu ku qanco ma helin, arrintani waxay ku sii abuurtay, jahwareer iyo fikir aad u badan, rikoodh miis agtiisa yaalay intuu soo qabsaday ayuu shitay cajalad ay ku duubanaayeen qaar ka mida heesaha Fanaanka weyn ee Maxamed Mooge, codka dhawaqa rikoodhka intuu gaabiyay ayuu si dereen  dhugasho leh u wehashaday, erayada heesta halku dhigeedu yahay, waayeelka jaqafsaday, wax aad mooda inay heestu ka hadlayso waxa qalbigiisa ka dhax guuxaya.

  • Khalqigana badhbaa jira
  • Intay kugu jalwaystaan
  • Waaqle kugu jarwiciye,
  • Allaylaha sidii jagi
  • Dhalintu isku jiidheen
  • Wacadkii n ajaxnaa
  • Aduun baa ku joogsaday,
  • Waxba jeerba yaan hiban
  • Jirabkan aad imarisaye
  • Ilaahi joogay baa jira
  • Allahii joogaybaa jira,

 

  • Ifka waxaad la joogtaa 
  • Janaduu ku geeyaa 
  • Amase naarta jahanaba, 
  • Jacaylkuna sidoo kale 
  • Nimcuu kuu jiheeyaa 
  • Amase laama ku la jaba,
  • Allaylaha jamashadaydii 
  • Iyo jolola-daadii
  • Sida rimayda jiilaal 
  • Jalwis baan ka qaadee,
  • Waxba jeerba yaan hiban
  • Jirabkaad imarisaye
  • Ilaahi joogay baa jira
  • Allahii joogaybaa jira.

Labaadan jeer in ka badan ayuu heesta ku soo ceshaday.Maxamed ma seexan, oo habeenkii oo dhan wuxuu ka fikiriyay falcelina arrintan filanwaaga ah, iyo jawaabta deeqa ka sugayso, sidoo kale qaabkii uu sheekadan ugubka ah hooyadii iyo qoyskaba ugu sheegi lahaa ama uu maarayn lahaa, arrimahan isku murugsan.

Ugu horrayn wuxuu hoosta ka xariiqay,in uu deeqa ka aargoosto oo dhibka ay hadda ka cabanayso mid ka daran uu mariyo, noolasha ku ciqaabo, maadaama ay iyadabu, wax naxariisa u galin oo mudo laba sano ku dhawaada been iyo khiyaamo kula socotay,

Ammin xilli dambe ay tahay ayuu dhinaca dhulka dhigay, wax yar markuu hurday ayuu durba  soo kacay, ileen waa nin tashuush bani ku furanyahayee.

Maxamed wuu dib u raad guray waayihii noolaleed ee Deeqa, ka hor inta ayna is baran ilaa yaraanteedii, waa nin naxariis badan oo bani’aadanimaddu ku dheertahay, waxaa qalbigiisa ka daadagi weyday mushkiladan Deeqa noolasheedii la kowsatay, iyo ciqaabtan baaxada leh ee gabadha ku habsatay.

Wixii uu ka tabanayay intuu ilaaway, ayuu wuxuu aad isku waydiiyay, tallow ma jiraa qof maanta adduunyadda guudkeeda ku nool oo xaaladan oo kale soo maray, wuxuu yaqiinsaday, inay Deeqa silac iyo noolal cidhiidhiya intaba inay cimrigeedi ku soo qaadatay.

Maxamed markuu waagu baryay ayuu hooyadii u tagay, wuxuu u sheegay inay dhacday arrin filanwaa ah oo aad murugo badan, wuxuu yidhi: “gabadhii Deeqa ahayd, shil gaadhi ayay ku dhaawacantay, waxay hadda ku jirtaa  xaalad aad u adag  oo u dhaxaysa geeri iyo noolal, sidaa darteed waxaan rabaa, inaan idinku wargaliyo  in dhammaanba howshii arooska faraha laga qaado, gurigii la soo kireeyayna bishan oo kaliya ku eekaado, arrintana si qaabkan ka duwan in qaraabada loogu sheego, cadow badan ayaa jira oo ku farxayaa inuu baaqdo arooskaygu”.

Wuxuu intaa u raaciyay in xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsanatahay, wuxuu yidhi “waan dareemaya hooyo inaad iga fikirayso, laakiin waxaan rabaa inaan kuu sheego, wax walba amarka ilaahay ayay ku socdaan, waxaan islahaa farxad ku noolow si aad u’ilowo dhibaatadii kaa soo gaadhay Canab, balse, nasiibka ayaa sidaa noqday, in kastoon walbahaar dareemayo, haddana waan ku niyadsamahay qadarka Alleh, hooyo adoo dagan oo aaminsan xukunka Eebe weyne, sidaa yeel, mida kale aad ayaan kaaga mahad celinayaa, sida wanaagsan eed ii garab istaagtay wakhtiga Canab ixumaysay, iyo iminka oo calaf nakala geeyay aniga iyo Deeqa, waxaa xaqiiqa ah oon qirayaa,  iqaad iyo I dhig labadaba hooyo ayaa laga hellaa, waad mahadsantahay hooyo ilaahay ha ii kaa daayo hooyo”.

Maxamed hooyadii, ayaa waxay u la hadashay si degan, oo waano waalid ka muuqato, islamarkaana Maxamed niyada u dhisaysaa, waxay tidhi: “hooyo aroos iyo howshiisa u kaadiyo gabadha sidey wax ugaadheen?

La saco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN