Filan waa Q39AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q39AAD

Waan ka xumahay in xusuustii Canab maanta  aad shandadeyda ka hesho, yeelkeede waxaan filayaa in arrintaasi wax ka soo qaad lahayn, maxaa yeelay  ammin fog ayaa ka soo wareegtay, waxaan filayaa Canab inay maanta tahay marwo la qabo, inkastoon jeclaa inaad nolasha wadaagtaan, haddana calaf ayaa isku kiin diiday, sidaa owgeed waxba ha gocon wixii dhacay ee halkaa ku illow, haddana waxaan kugu la talinayaa inaad arrinkaa iska xidho.

Maxamed, aad ayuu u canaantay walaashii Nuura, wuxuuna u sheegay inay  gef ka gashay, wuxuu yidhi “Waan ka xumahay, runtii waxyaabo  gurracan ayaan iska dhaadhiciyay balse maanta ayaan wax walba ogaaday, haddaan arrinta sidan ula socon lahaa hubaal maalintii ay Canab iga codsatay inaan kulano si aan uga wada hadalo wixii dhacay, waan soo dhawayn lahaa,  balse ayaandarro, waxaan u haystay inay Canab I dhagartey , waxaana xilagaas go’aan  ku gaadhay in aanan nolashayda Canab  hor fadhiisan.

Male waa been, waxaa horay loo yidhi hubsiino halbaa la siistaa, balse waa goormaa? Mar haddii qofkii aad adduunka ka eeganaysay oo axdi iyo ballana wada dhigateen oori nin kale noqotay, waxyaabo badan oo qalooc iyo  qumanaan ah ayaa dahnigeyga ku soo dhacayaa, taasina waa arrinta Maxamed irdho iyo dareen  iyo tuhunka badan ku abuurtay, balse hadda wuxuu garowsaday in Canab guur ayna diyaar u ahayn lagu jujuubey”

Maalintaa wixii ka dambeeyay Maxamed waxaa si aayar aayar ah maankiisa ugu soo xoogaysanayay xusuustii iyo xiisihii jacayl ee waayo kala dhaxayn jiray Canab, waxayna arrintani ku abuurtay gocosho ah inuu dib u raad guro wanaagii iyo waayihii wacnaa ee ay isla soo mareen isaga iyo Canab xilligii ay sheeko wadaaga ahaayeen.

Waxaa hore loo yidhi “Ibni aadan iswaayay arrinbaa kala gaysay”Canab in  ammin door ah ayay magaalada Baladweyn  ka maqnayd, kaddib markay u adkaysan weyday dhagxumada dhallinyarada magaaladu isla dhaxmarayeen,iyagoo ku dhaliilay inay Maxamed cidlo kaga dhaqaaqday.

Canab cadhadii iyo ciilkii ay dhaxashay kalgacaylkii ay Maxamed u qaaday iyadoo la cataabaysa waxay cararkii cagta dhigtay  xeebaha Yeman, arrinta ugu weyn ee ay  tol iyo xigaal uga fogaatay waxay ahayd, bal inay ka indho qarsato dadkan iyagoon xog-ogaalba hayn haddana iyada uun eeda dusha ka saaraya, laakiin jacaylka ee ay Maxamed u qabtay wuxuu ku sii xoogaystay kaddib markii ay Canab ka fogaatay deegaankii uu Maxamed ku noolaa.

Doomaha lagu halaagsamay  iyo halista badmaaxyada, Canab illaahay wuu ka badbaadiyay, iyadoo nabad qabta ayay dalka Yeman uga sii gudubtay Sucuudi Carabiya, inkastoo socdaalkaasii  xusuusta maankeeda wax weyn u dhimay.

Sucuudiga markii ay gashay waxay kala kulantay dhibaato kale maxaa yeelay cidna kama  ayan aqoon  widaay iyo walaalna ugama horreyn, basle bilo kaddib way la qabsatay waxa ayna heshay shaqo, dad badan oo Soomaali ahna way isbarteen.

Si walba ha ahaate Canab waxay noqotay qof bulshada ay la nooshahay aad moodo inay ka irdhaysantahay, inta badan marka ay shaqada ka soo baxdo ama xilliyada fasaxa, ma aado meelaha dhallinyaradu iyo bulshadu iskugu yimaadaan, waxay isku maaweelisaa dhagaysiga heesaha iyo akhrinta buugaagta sheekooyinka jacaylka, xusuus iyo xiiso aad u xoog badan oo xiskeeda ragaadiyay ayaa xaalkeeda ka dhigay bukaan socod jacayl.

Ugu dambayntii Canab waxay iska dhaadhicisay inay kaligeed cidlo heesayso oo jacayl aan loo ogayn kallinimo ku daashaday,  tallan iyo falayqayn dheer kaddib waxay go’aan ku gaadhay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxamed ula xidhiidho,  guul iyo  guuldarroba wax ay kala kulantaba.

Maalin maalmaha ka mida waxay wacday saaxiibteed Filsan oo joogtay Magaalada Baladweyn, waxay u sheegtay inay harjadkii ku gashay dalka Sucuudi carabiya, rafaad iyo dhibaato badan kaddib hadda xaaladeeda caafimaad ay wanaagsantahay, balse waxay tidhi: “Arrimihii aan isla ogayn ee aan dalka uga dhoofay si aan isku illowsiiyo hadda umbay iigu daranyihiin oo jacaylkii Maxamed si dhaba u dareemayaa”, waxay intaa u raacisay iyadoo hadalkii sii wadata ujeeddada ugu wayn ay kuula soo xidhiidhay in ay tahay, bal sidii ay warbixin uga siin lahayd xaaladda Maxamed.

Sheeko dheer kaddib waxay ka codsatay saaxiibteed Filsan, warqadii ay u dhiibtay barigii ay soo tahriibaysay inay u gayso Maxamed, una sheegto inay nabad qabto.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN