Filan waa Q41AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q41AAD

Wuxuu yidhi “malaha waxay moodaysaa inay calaacalkaa calool jileeca dabacsanaan  iiga helayso, tahriib ma ahaane waligaa ha soo laaban haddaad doonto.

Balse, Maxamed go’aankaa naf la tashiga markuu hoosta ka xariiqay wax yar kaddib,  wuu is dajiyay, isagoo dabacsanaan ka muuqato ayaa wuxuu yidhi: “Malaha gabadhu waxa ay sheegayso waa run oo jacaylka ay kuu qabto dartii ayay waxaan u samaysay yaab!!

Maxamed galabtii ayuu magaalada u dhaadhacay, nasiib wanaag waxay si kaddisa ammintii uu  salaadda maqrib Masaajika ka soo baxay  irridi ugu kulmeen, wiil ay saaxiibo ahaayeen oo la odhanjiray Faysal Cali, isla markaana iskuulka wada dhigan jireen  oo maalmahaa uun Muqdisho ka yimid, bariido kal iyo laaba kaddib,  waxay horay u aadeen Maqayaada Hotel Hiiraan,  iyagooriyaaq iyo qosol ka muuqdo ayuu mid waliba maankiisa dib u milicsaday maalimihii ay ardayda wada ahaan jireen.

Faysal iyo Maxamed ardayda kale way iskaga dhawaayeen, waxa ayna ahaayeen saaxiibo gaara, taasina waa sababta ay arragoodu xiisaha gaara u yeesho.

Waxaa dhax martay sheeko xusuus iyo xiiso leh oo u badan waayihii waxbarshada iyo dhallintii ay waxbarasho wadaaga ahaayeen oo qaar ka midda dalka ka harjaday {tahriibay}, qaar kalana waxbarashidii halkoodi ka sii watay oo Jaamacaddo galay  halka qaar ka mida ay dhinteen.

Faysal markuu dugisa sare ka baxay wuxuu u wareegay Magaalada Muqdisho halkaasuuna waxbarashadiisa ka siiwatay, wax hadba sheekada dhinac loo rogo oo la wada qoslaba, ugu dambayntii Maxamed  ayaa wuxuu saaxiibkii Faysal si gaara u weydiiyay, inuu guursday oo guri yeeshay iyo in kale muddadii ay kala maqnaayeen.

Maya saaxiib ma guursan ayuu ugu jawabaay  wuxuu yidhi Faysal: “ Runtii waan jeclaa inaan guursado laakiin ayaan darro wax walba waa calaf,  xilligan la joogana qof wanaagsan way adagtahay si lagu helo, wakhti ayay igu qaatay sidii aan u dhax gali laha badweynta haasawaha dhallinta jacaylka.

Gabadh la yidhaadhdo Fartuun oo  Xaafadda Nuur xawaad dagaanaan jirtay ayaan Xamar isku baranay, waliba anigu Faysal ahaan aan si aada u jeclaa.

Ma garanayo waxaan ku tilmaamo Fartuun, gadhaasi waxay ahayd qof aad u qurux badan, dabeeco wanaagsan, bulshaawiya oo karti badan, wax badan ayaan  isku dayay siddi aan mustaqbal ula wadaagi lahaa, balse ayaan darro kuma guulaysan, waxaana guuldaradaa u sababeeyay laba arrimood midkood.

Waa midda koowaade Fartuun waxay ii sheegtay inay wiil Maxamed la yidhaahdo aad u jeclayd, balse ay ku kala tageen arrimo Filanwaa ah oo dhankeeda ka yimid, ilaa haddana ay ninkaas jeceshahay, in kastoo wax xiriira iminka ka  dhaxayn.Waxaan maqli jiray “

  • Naftaydu nafbay rabtaa 
  • Naftuna naf kalay rabtaa 
  • Wadnaha nabarbaa ku yaal 
  • Jacaylkana waa u nuglahay!!!

Waxaa kaloo horay loo yidhi qof meeli u cadahay meeli ka madow.Taasi waa qodob oo qalbigu laba uma qaybsamo.

Tan labaad wiil ay ilma abti yihiin oo dhawaan Yurub gallay ayaa qoyskoodii u soo dacwooday Fartuuna dadkaas ayay ku jirtaa oo waxay igu tidhi hadda guur diyaar uma ihi, haddi aan qof guursan lahaana Maxamed ayaan nolasha la wadaagi lahaa.Dhankayga xaaladdu waa sidaa, bal ii warran oo xagaaga maxaa iga dambeeyay?

Kolay sheekaddii adiga iyo Canab idin dhexmartay waan maqlay, waxaa hadda ka hor iiga sheekaysay Istaahi Cumar oo aanu Jaamacadda wada dhigano,  aad ayaan uga xumahay saaxiib dhibaatada ku soo gaadhay, waan ogahay oo dookha iyo jacaylku kula tashanmaayaan dadka maanta joogana balan iyo aamin toona ma lahaan.

Sababtoo Fartuun ayaa wax yaabo  badan oo ka mida nolashadeeda iiga sheekaysay, wax yaabihii saamaynta ugu reebay waxaa kamid ahaa waxay igu tidhi: “ Dhib iyo rafaad badan ayaan wiilkii aan jeclaa dartii u maray, isna cidlo ayuu igaga dhaqaaqay, haba i diide waxaa iga daran bay tidhi aragtidayda ayaaba dhib ku noqatay, ilaa heer isaga owgii aan magaalada Baladweyn uga tagay.

Maxamed oo yaaban ayaa intuu madaxa kor u qaaday u yeedhay ninkii ka shaqaynayay maqayaada wuxuu ku yidhi waxaad noo keentaa casho fudud iyo cabitaan,Maxamed wuu dareemay qofka uu ka sheekaynayo, cid kale ma ahee  waa Deeqa, laakiin si uu xaqiiqsaddo wuxuu Faysal weydiiday maadaama gabadha fartuun ay  Xaafadda Nuur xawaad dagaan jirtay, dabcan waxaa laga yaaba inaan wajigeeda aqoonsato ee tallow sawir ma ka haysaa?.

Mobil Nokia ah oo faysal jeebka ugu jiray intuu soo bixiyay ayaa wuxuu yidhi: “waa tan  shaashada iisaar ee bal si fiican u dhowr.

La soco qaybaha dambe.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN