Filan waa Q42AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q42AAD

 

Mobil Nokia ah oo Faysal jeebka ugu jiray intuu soo bixiyay ayaa wuxuu yidhi: “waa tan  shaashada iisaaran ee bal si fiican u dhowr.

Maxamed intuu sawirkii aad  ugu dhaygagay ayuu ku yidhi saaxiibikii Faysal: “ma garanayo, laakiin waxaad moodaa in gabadhan wajigeedu igu yaallo, runtii waa gabadh aad u qurux badan, tan oo kale lama daayo, saaxiib haka laba labayn, wax walba hakugu qaadatee waa inaad gacanta ku dhigtaa, dumarku iyagoo muxubo kuu qaba ayay marmarsiiyo iyo mala awaal  kugu maaweeliyaan,  ogow qofna qof ma diido, laakin Isfahan daro iyo shaki umbaa nacayb u sababa.

Anigu laba jeer ayaan isku dayay sidii aan ku helilahaa lammaane noolasha aan isla wadaagno, inkastoo caashaqa calafku ka waynyahay haddana wali kuma guulaysan inaan hanto oon  hantiyo waxaan ku hanwaynaa, sidaas ay tahayna wali hamigayga kama saariin oo ilaa hadda waan jeclahay  Deeqa iyo Canab, lagamana yaabo inaan sidaa kaga hadho ilaa aan geeriyoodo ama aan guur la wadaago mooye.

Faysal, haa saaxiib waa siddaa aad sheegtay, ninka raga ah waa kan kaga dhabeeya waxaa uu ku hamiyo, aniguna waxaan rajeynayaa inaan gacanta ku dhigidoono Fartuun wax walba ha igu qaadatee, laakiin waxaan ku weydiiyay Canab waan maqlaye Deeqana maxay ahayd?

Maxamed: haa haa saaxiib, waxaan moodayay in sheekada Deeqa ee filanwaaga ahayd ku soo gaadhay, laakiin dhib ma lahaan maalin kale ayaan kaaga warami doonaa, hadda waa xilli dambe inshaa’alaah mar kale ayaan kulmi doonaa, ee nabad galyo.

Faysal, haye aboowe waad mahadsantahay, waxaa laga yaaba bari inaan Muqdisho ku laabto, dabcan lambarka linelineka ee xaafadda waan hayaa, waana soo wadda xiriiri doonaa saaxiib, kulan dambe oo xiiso leh haddana nabadgalyo.

Maxamed xiili dambe ayuu xaafadda ku soo laabtay, intuu casheeyay ayuu qolkiisii hurdo isku diyaariyay, ma seexan oo warqadii maanta Canab u soo dhiibtay ayuu falanqayn, fikir iyo falcelin ugu dhaqaaqay, arrinta markuu dhinacyo badan ka fiiriiyay isla markaana isla kaashaday warqadan iyo warqadii uu ka helay shandada walaashii Nuura, wuxuu xaqiiqsaday in ay Canab tahay qof wanaagsan oo daacada ah jacaylkuna uu dhab ka yahay.

Waxaa kalloo lay aab ku noqotay Maxamed, Deeqa oo magaceeda runta uu yahay Fartuun, muddo dheerna xidhiidh ka dhaxayn jiray balse khilaaf iyo arrimo Filanwaa ah  oo soo kala ka dhexgalay ay sabab u noqotay in xidhiidhkoodii waayada badan isla soo wadeen is af garanwaa ku dhammaado, haddana ay wali si dhaba u jeceshahay rag badan oo qaar kood qurbaha ka yimidna ay  dartii u diiday, iyaddoo naawilaysa inay mar uun Maxamed nolasha la wadaagto.

Wuxuu yidhi Maxamed: “Waxaan moodayay Deeqa inay iska kay ilowday, sababtoo si xun ayaan ugalay, qofka ibnu aadanka gurrac iyo gafba waa ka dhacaa, Deeqana wixii qalooca ee ay fashay si cad ayay u qiratay raali galin buuxdana way ka bixisay, balse, anigu si aan fiicnayn ayaan ula dhaqmay, waan ka xumahay deeqa niyad jab iyo rajo xumo ayaan ku riday, ma garanayo waxaa aan falalka aan haboonayn u sameeyay, horay ayaan Canab u xumeeyay, waxaa aan noqday qof calool ku qaad badan oo dadka ka aargoosta, kaas oo aan lahayn naxariis dulqaad iyo samir

Deeqa markii ay muqdisho tagtay noolasheeda waxyaabo badan ayaa iska badalay, inkastoo fikirkii iyo dhibaatadii baaxada lahayd ee ka dhaxashay jacaylkii ay maxamed u qaaday walii diifteedi ka muuqdo, haddana waxay go’aan ku gaadhay calafku waa halkiisa inay noolashadeeda maarayso cishqiga ay maxamed u qabtana ay cindiga ku hayso, Deeqa maskaxiyan iyo muuqaalba aad ayay isubadashay, hayad waddanka laga leeyahay oo xarunteedu magaalada Muqdisho tahay ayay shaqo ka heshahay,

Waxaa intaa dheer oo gabogabo u maraya qorshe socdaal safar oo iyadda iyo qaar kamidda ehelkeeda loogu dhoofinayo dalka Sweedan oo baryahanba dacawoodu socotay,laguna rajo wayn yahay bilaha soo socda ay baxaan.

Maxamed oo arrimahan filawaaga ah  iyo wararka Deeqa iyo Canab ka fikiraya lana yaaban sheekooyinkan guuldarada ku dhamaaday ee haddana wali maankiisa ka dhax guuxaya, ayaa wuxuu is weydiiyay, siddi uu xal degdega ugu heli lahaa dhacdooyinkan  noolashiisa saamaynta ku yeeshay,  talo, tilmaan iyo tashi ayuu naftiisa kula dhaqaaqay, jawaab uu qanco iyo go’aan uu ku dhaqaaqo isagoon wali helin  ayaa waxaa qolka ugu soo galay Aabihi wuxuuna u sheegay in wiilkii  inaabtiga ahaayeen ee Faarax uu soo doontay walaashii Nuura toddobaadka soo socdana Faarx Muqdisho ka soo dagi doono.

Maxamed iyo aabihii oo ka arrinsanayaa qaabkii iyo qorshihii loo wajihii lahaa arooska walaashii, ayaa waxay banaanka guriga ka maqlayn mushxarad iyo alaas, il bidhiqsiyo kaddibna waxaa u soo gashay hooyaddi, waxayna ugu hambalyaysay in Cabdi cade oo ah da’dii ka yarayd Maxamed oo adeerkii oo daganaa miyiga la joogay uu hadda guriga gabadh uu la soo baxay uu keenay.

Lasoco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN