FILANWAA Q10AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q10AAD 

Sagal markii ay Maxamed la ku lantay waxay kala hadashay arrimo xaasaasiya, kuwaasoo ubadnaa waxyaabihii dhacay iyo haddalada ku tidhi kuteenka ah ee dadka qaar ka faafiyeen Canab.

Sidoo kale Sagal waxay ka codsatay Maxamed in uu iska ilaawo wixii dhacay isla markaana ilaaliyo walaaltinimadii qotada dheerayd ee muddada badan soo jirtay,waxay ku dheeraatay in ayna Canab hadda iyo mar hore toona ayna raali ka ahayn ninkii loo guuriyay, mar walbana ay ka xuntahay dhibaatadii soo gaadhay, inkastoo ayna usheegin in Canab la furay oo ay madax banaantahay, haddana haddaladeeda ayuu ka dhadhansanayay inay wax badani isbadaleen, sifiican ayay waxwalba ugu qeexday,balse Maxamed kuma qancin hadalkeeda, wuxuu ku yiri: “lagama yaabo inaan kaa aqbalo in hagardaamadii ay Canab ii gaysatay ka dhigto wax iska basiida, isla markaana dhibaatadii sida ula kaca ah Canab ugu badheedhay in dad kale dusha laga saaro” dood dheer kaddib Maxamed waxa uu Sagal u sheegay in uuna haba yaraate aqbalayn in wax damboo arrina ay isugu yimaadaan isaga Canab.

Kulankaas kaddib, Sagal waxay usheegtay saaxiibteed Canab waxyaabihii ay kala kulantay Maxamed fadhigii ay wada yeesheen, waxay tirii: “ qalbiga Maxamed waxaa saldhigtay Jacaylka uu kuu qabo oo aad uweyn, balse waxaa ka sokeeya tabasho badan, wuxuu tirsanayaa godob aan la koobi Karin, wuxuu ii sheegay arrimo murugo badan dhaxalsiiyay oo runtii aniga laftayda dareenkayga gilgilay, wuxuu yiri Maxamed cidlo ayay igaga dhaqaaqday, waliba way iga qarisay arrinta guurkeeda anagoo wada kulanay maalin ka hor galbiskii arooskeeda” waxay intaa uraacisay, Maxamed markii uu maqlay guurkeeda inuu la kulmay dhibaato aan la sookoobi Karin, ilaa heer uu ku dhawaado inuu waasho, sidaa darteed ay adagtahay  sida Maxamed lagu qanciyo.

Canab oo aad uga xun wixii dhacay ayaa saaxiibteed Sagal ku tiri: “Walaalo maxaan sameeyaa waad ogtahay Maxamed si xad-dhaafa ah ayaan u jeclahay isaguna sidaa ayuu u hadlayaa, waa kaaf iyo kali dheeri, laakin dhib malahaan waa iska xaal adduun, inkastoo taladu iseegtay oo cabsi awgeed aan waxaan usameeyay, haddana waxaa habboonayd inaan maalintuu guriga iigu yimid aan  wax walba u sheego, balse way dhacday, waana amar illaahay, sidaa darteed  hadda waxaan u ahay diyaar wax walba oo khalada oo dhacay inaan dusha saarto, dabcan ma garanayo wax intaa ka badan oon u samayn lahaa Maxamed.

Canab arrintaasi quus ayay kusii abuurtay, sidoo kale qorshihii ay damacsanayd wax badan ayaa iska badalay oo caqabado ayna filayn ayaa soo mudh baxay, waxaa intaa usii dheer dhago hadal iyo dhaleeceen ay kala kulantay qaar ka mida asxaabteeda oo ku eedeeyay in jacaylkii Maxamed ay ka dooratay nin lacag leh, markii lagu dan gaadhayna la soo furay, waxaa sidoo kale soo wajahay rajo xumo dhanka Maxamed ah oo haba yaraate wax kalsooni ah u hayn.

Waxaa horay loo yiri qof qoyan biyo iskama dhowro, Canab waxay marlabaad go’aansatay in ayna ka tanaasulin jacaylka ay Maxamed u qabto, marxalad kasta iyo meel walbana ay umarto sidii ay u meel marin lahayd hammigeeda mustaqbalka ku salaysan, marar kala duwan ayay ku fikirtay inay arrintu ku wanaagsanaan lahayd haddii uu jiri lahaa isgaadhsiin ay ku wada hadlaan iyada iyo Maxamed in wax badani uqabsoomi lahaayeen, maadaama ay ka baqayso inay si fool ka foola u hor fadhiisato.

Nasiib wanaag waxay soo ogaatay in dhawaan Maxamed gurigooda Telefoon layn ah la soo galiyay, dadaal badan kaddib waxay soo heshay Numberka Telefoonka, balse nasiibdaro way ku dhici weyday inay wacdo ama la hadasho, waxay ku calool adkaysatay bal inay raadiso qaab kale oo ku habboon oo ay ku wada hadlaan, kaddib saaxiibteed Sagal ayay mar labaad ka codsatay inay gacan ka siiso sidii ay isugu soo dhaweyn lahayd iyada iyo Maxamed, haddi uu ka ogolaadana ay uwada kulmi lahaayeen si khilaafka iyo madmadowga dhaxdooda yaala xal looga gaadho. 

Sagal markii ay Maxamed is arkeen, waxay u sheegtay in mudoo laba toddobaad ka hor Canab la soofuray oo ay hadda madax banaantahay, waxay ka dhawaajisay ujeeddada ay ugu timid ay tahay inay doonayso inay jawi farxadeed dhaxdooda ka abuurto, islamarkaana danaynayso in dib loo sooceliyo wanaaggi iyo walaaltinimaddi, kaddib, waxa ay ugu dambayntii Maxamed ka codsatay si shuruud la’aana inuu uga aqbalo inay wada kulmaan isaga iyo Canab. 

lasoco qaybaha dambe 

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN