FILANWAA Q13AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

FILANWAA Q12AAD

Maxamed markuu yimid goobtii lagu balansanaa waxa uu arkay gabadh meel aan ka dheerayn sii jeeda, oo hubqaad iyo hannaan isku darsatay, hab dhismeedka jidhkeeda, jooga iyo dhererka isku qotoma ee aan hilibka badani saarnay, caato weydana aan ahayn ayaa ashqaraar ku abuuray, midabka iyo muuqaalkeeda quruxda badan isagoo ilqoodha ka eegayaa ayay Deeqa soo jeedsatay.

Maxamed oo quruxda Deeqa la dhaygagay ayaa isweydiiyay tallow miyaad riyoonaysanaa waxaa la yaab ku noqotay inay gabadh sidan oo kale ay Magaalada Baladweyn joogto, isagoo isla xanshashaqaya ayuu hoosta ka yiri, mindhaa waaba Beerluladii bari hore Abwaan Hadraawi sheegay, dabadeedna hadal wuxuu ka bilaabay Asalaamu calaykum.

Deeqa intay istaagtay oy marada afka saartay, iyadoo xishoonaysa ayay ku tidhi: Wa calaykuma wasalaam,

Maxamed iyo Deeqa oo aad u faraxsan ayaa isweydaarsaday  kulanti wanaagsan iyo aragti xiiso leh, waxyar kaddib Deeqa oo aad  u riyaaqsan waxooga xishood ahina ka muuqdo  ayaa Maxamed ku tidhi: “Walaalo ina keen guriga ayaan ku sheekaysan doonaa, kaddibna waxaa la aaday xaafadda  Deeqa deganayd oo aan sidaa u durugsanayn.

Casar dheer qol ay sii diyaarisay oo si heer sare loo habeeyay, udug badana ka soo carfaayo ayay tidhi soo gal, kaddibna sharaab qabowna soo ag dhigtay,

Maxamed aad ayuu ugu farxay sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay loona maamusay, isagoo dhoola caddaynayaa ayuu u mahadceliyay Deeqa, waxa uuna yiri: “Qofka wanaagsani ma qarsoomo” intaa kaddib hilow iyo xiiso badan oo ay isu qabeen, waxay guda galeen sheeko dheer, mudo dhorw saac ah haasaawe iyo sheeko qosol leh xili ay isla jeex jeexeen ayay deeqo maxamed ku tiri: “Walaalo waan jeclaanlahaa inaad caawo  oo dhan iisheekayso, balse maalmahan waxaa jira rag hubaysan oo xiliyada dambe dadka waddada maraya baadha, markaa walaalo waan kuu baqayaa ina keen aaan ku sii dhaweeyo”.

Maxamed isaga oo maqsuuda ayuu soo istaagay, markay irida guriga marayaan labadoodu ayuu ku dhahay macasalaama, walaalo waad mahadsantay, dabcan guriga ku laabo inshaa’alaah waxba arkimaaye, wuxuu intaa u raaciyey qalad ayaan samaynay, sheekada macaankeeda ayaa inala tagtay, waaban ilownay inaan guriga marti ku ahayn, Deeqa waxa ay damacday ilaa Buundada Geed jacayl in ay sii dhawayso, balse lafaheeda ayuu ubaqay, wuxuuna ku yidhi maya dhib malahan iska laabo, marka aan guriga tago ayaan ku soo wici doonaa ee nabad galyo .

Nasiib wanaag dad wada marayay ayuu ku lugdarsaday, waxbana ilaahay ma tusin, durba gurigi ayuu tagay isagoo nabad qabaa, inta uuna dhan kale uleexan ayuu telfoonkii la soo booday oo qolkiisi la galay,kadibna wuxuu Deeqa ka codsaday waxyar ka bacdi inuu soo wici doono.

Deeqa aad ayay ugu faraxday kulankan caawa dhaxmaray iyada iyo Maxamed, wixii ay maanka ku haysay ayaa u rumoobey, hadal iyo haasaawe habeenno badan telfoon lagu wadaagay isfahankii ka dhashay, wuxuu horseeday inay si fool ka fool ah isku arkaan iyada iyo Maxamed, isku soo dhawansho aan xuduud lahayni ayaa durba ka curtay barshadan maalmahan yar ku eeg, ee aan cimrigeedu ka badnayn saddex toddobaad oo kaliya.

Maxamed  casho iyo cunto midna xiiso umahayn, wax yar kadib Deeqa ayuu telfoonkii ka wacay,  halkaasaana lagasii amabaqaaday haasaawe ubadan kulankoodi islac caawa ahaa iyo sheekooyin kale, waabarigii mar ay tahay ayaa lays maca saalameeyay, jawi farxadeed ayaa lagu kala seexday.

Maxamed si weyn ayuu ula ashqaraaray quruxda Deeqa iyo qiimaha qaadir ku manaysatay, wuxuu aad ula dhacay oo qalbigiisa xusuus filanwaa ku noqotay, xushmada iyo xishood gabarnimo, iyo sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay.

Sidaasi daraadeed Maxamed durba dareen jacayl ayaa galay, waxaa horay loo yiri nin qoyani biyo iskama dhowro, wax hadda u hadhay oo caqabad ku ah inuu xiriir gaara la yeesho wax diidaya majiraan, maadaama uu dabeecadeeda bartay, muuqeeda quruxda badana ubogay, dabacsanaan iyo soo dhaweyn aad u heer sarreysa iyo waliba Isfahan kala kulmay, tallaabafa xigta waa sidii loo abuuri lahaa jawi kan hadda ka duwan iyo haasaawe dhab ah.

Dhanka kale Deeqa marnaba maankeeda ma gelin, inuu magaalada joogo wiil sidan u dabeecad wanaagsan, waxay ku noqotay filanwaa, aad ayay ula yaabatay, markii uu ku yiri waligay ma guursan, xitaa qof aan sheeko wadaag nahay ma jiro, waxay is tiri waa nin ragga oo waxbaa u dabran ugu yaraan waa nin xaas le, laakiin Deeqa ma ogo in qalbiga Maxamed holcaayo oo dakharadii shalay wali diiftoodii ka muuqdaan.

Galabtii xigtay ayaa cabbaar telfoonka lagu sheekaystay, waxaana lagu balamay sidii caadada ahayd caawa, waxaa intaa dheer oo uu Maxamed ka dhawaajiyay  inuu doonayo inay  caawa arrin gaara ka wada hadlaan haddii uu Eebe idmo, kaddib Maxamed magaalada ayuu u dhaadhacsy,  wuxuu daawasho utagay ciyaar ka socotay Garoonka Mujamac Diiba Ex xaradii  hore ee Daraawiishta.

Xili maqribkii ah ayuu xaafada ku soolaabtay isagoo aad ugu xiiso qaba codkii dabacsanaa ee deeqa, markuu guriga yimid, nasiib daro Telfoonkii wax shanqadha wuu ka waayay, cilad farsamo owgeed, fiilo ayaa meel kago’day, xiligaana shaqaalihii shirkadu way rawaxeen, yaab…..

lasoco qaybaha dambe….

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse 

yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN