FINANKA WAJIGA W/Q: Dr. Naaji

FINANKA WAJIGA

 

Finanka wajiga waxa ay dhibaato ku hayaan dad badan, gaar ahaan dhallinyarada. Wajiga oo ah halka badi quruxda qofka laga go’aamiyo iyo dhallinyarnimada oo ku beegan waqtiga qofku ugu xarragada badanyahay, ayaa xanuunkani ka dhigaa mid walwal galiya dad badan.

Finanka wajiga waxa ay keenaan, in ay wajiga ku dhaafaan haar ama baro madow. In kastoo finankani ay ku dhici karaan da’ kasta, dadka ay da’doodu u dhaxeyso 12 sano-25 sano, ayaa ah kuwa ugu badan ee uu saameeyo. Wiilasha ayuu aad u saameeya marka loo fiiriyo gabdhaha. Finankaasi waxa ay ku fidi karaan qoorta, dhabarka iyo xabadka. Finankani intooda badan waa meel dhaxaad, 4-5sano ka dibna ayagaa iskood u baaba’o, dad yar un baa u baahda daawo, balse bukaannada qaar sanado badan ayey la ildarnaan karaan.

 

Maxaa bababa finanka wajiga? Sideese ku sameysmaan?

4 waxyaabood ayaa u sabab ah sameysanka finanka, gaar ahaan xilliga qaangaarka:

  • Waxa aad u weynaado xilliga qaangaarka qanjirro laga helo duleellada timaha iyo xaadda oo soo daayo dareere saliid oo kale ah. Qanjirradaasi waxa ay soo daaynayaan dareere xad dhaaf ah, waxa ayna xirayaan duleelladii timaha. Qanjiradan waxa ay ku badan yihiin: wajiga, qoorta, qeybta kore ee dhabarka, xabadka iyo qeybta kore ee gacmaha, waana meelaha ay finanku ka soo baxaan.
  • Dareeraha qanjiradaasi waxa quuto cooc gaar ah oo jeermiska bakteeriyada ah, lagana helo maqaarkeenna. Godkii tinta ayuuna isku badinaa jeermiskaasi, halkaasne waxaa ka dhalanayo gaduud iyo malax.
  • Jeermiska bakteeriyada waxa uu keenaa in uu godka caabuqo, ka dibna uu sameysmo nabar gaduudan oo damqanayo.
  • Afka godka tinta oo xirmo waxa uu keenaa barar.

 

Maxaa finanka wajiga sii xumeeya?

– Make-up ka adag iyo kan saliidda badan.

– Bajinta iyo tuutuujinta finka, oo ugu sii dara finka.

– Dhididka badan iyo galidda meel cabburan, sida wax ku karinta jiko kulul. dhididka badan waxa uu ka qeyb qaadan doona xirmidda godka tinta.

– Finanka waxa sii badin kara cadaadinta badan ee wajiga sida camaamadda oo wajiga lagu xerto, koofida wajiga ku dhaggan, indhashareerrada IWM.

– Daawooyinka qaar sida Phenytoin oo loo adeegsado xanuunka qallalka.

– Waxa la sheegaa, in cunnooyinka sonkorta badan iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay sida subagga Iwm ay u daran yihiin finanka, balse, wali wax caddeyn ah loo ma helin.

– Daawooyinka ilmaha kala dheereeyo qaarkood.

Sidee loo daaweeya Finanka wajiga?

Hadafka daaweynta waa in la baabi’iyo dhibcaha si looga hortago in wajiga haar ku sameysanto. Dhaqaatiirta ama farmashiistaha ayaa kugula talin doono daawada aad qaadaneyso, waxa ayna ku xirnaan doontaa hadba sida heerka Finku yahay. Daawooyinkaas waxa ay noqon doonaan kuwa boomaatooyin ah ama/iyo kaniini afka laga qaato. In kastoo finanka intooda badan iska dhib yaryihiin wax daawo ahna u baahneyn, haddane kuwa caabuqa badan leh (barar, gaduud, malax iwm) waxa ay keeni karaan haar, waxaana wanaagsan in ladaaweeyo. Daawadu waxa ay yareyn doontaa finanka, hasa yeeshee, wajiga sidiisi hore ku ma soo celin doonto.

 

W/Q: Dr. Abdullahi Osman Yusuf (Dr.Naaji)

F.G: qormadan waxay ku soo baxday markii hore wargeyska GOBOLLADA DHEXEtirsigiisa oktoobar.

SHEEKOOYIN