FIQI TOLKIIS KAMA JANNO TAGO! W/Q:- Xuseen M. Cabdulle ”Wadaad”

Fiqi tolkiisa kama janno tago!

Ummaduhu, waa inay leeyihiin xeerar dhaqameed aan qorneyn oo dadka kala celiya, kuwaas oo ah kuwa la isla yaqaan, una diidaayo in qofku wixii uu rabo sameeyo, kuna khasbaaya qofku inuu ixtiraamo dadka ku xeeran. Hadda ogoow, waxa aan ka hadlaayo maahan sharci qoran oo leh awood fulineed ee dowladeed, balse, waxa jiray oo duntaas shabaqaa isku haayo, waa uun shuruuc dadku isla dhigteen iskulana oggolaadeen geedka hoostiisa, ilmuhuna ku soo barbaareen dhaqannadaas faca weyn.

Waxaa jiro waxyaabo badan oo aad u fiican, loona baahan yahay inay joogto noqdaan, kuwaas oo wanaajihaayo adduunyadaada iyo aakhiraada, kuwaas waxaa ka mid ah: ”Walaalkaa marqaatiga ku fur, megtana la bixi” Waa murti qiimo badan una baahan inay dhaqangal iyo joogto noqoto. Waxay muujineysaa kaana fogeyneysaa kaana reebeysaa, waxa la yiraa: ”Shahaaddo-Suur”, Marqaatigii waa furtay, gasooyinka ama moorooyinka magta laga aruurihaayana ka mid ayaad noqoneysaa oo taada ayaa ugu horreyso moorada xoolaha laga soo dareerinayo. Waxaad suubsatay tii Aakhiro, tii caymiska bulshadana waa ku jirtaa oo kama bixin, sharaf iyo xushmana waad ku heshay. Waxaanse rabaa oo aan u araranayo ayaa ah: ” Fiqi tolkiis kama janno tago”.

Waxay ila tahay in fiqigu yahay caalim ku xeeldheer cilmiga diinta gaar ahaan; ”Cilmi fiqi”. Waa qofka, marka diintu ay miliqdo loola noqonaayo inuu kala furfuro, saxa iyo khaladka, xaqa iyo baadilka, xalaasha iyo xaaraanta kala sooco. Fiqigu, waa qof laga sugaayo inuu tusaale fiican u noqdo bulshada uu fiqiga u yahay, waa inuu noqdaa qof ay hagayaan maskax, qalbi iyo niyad fiican oo aqooni gundhig u tahay.

  1. Fiqiga, lagama rabo, loogamana fadhiyo inuu xaalkiisu ahaado ”Laabta ka soco” ee waa inuu noqdaa mid go’aan adag oo cad leh, docna aan uga leexan kitaabka iyo sunnaha. Qofka laga rabo sifahaas cuslus, waxay ila tahay inuu yahay, qof dadka u dhexeeyo, balse, ma ahan inuu noqdaa qof dad gaara meel ugu xiran, waxa ay rabaanna u fatwoodo, kuwaas oo kula ballamay: ”Laabta ka soco”.
  2. Fiqi tolkiis kama janno tago, haddii bulshadu ay saldhig ka dhigatay oo ammin walba iyo meel walbaba lagu hadaaqaayo, dhallinyarada iyo jiilka ka dambeeyana saas uun loo maqashiihaayo, soow adduunyo iyo aakhiqo ku dheelnimo maahan? oo noqon mayso uun ”Laabta ka soco” oo iyadu noqoneyso dardaaran qarsoon oo qofka la huwinaayo.

Fiqiguna, waa uun qof bulshada ka mid ah oo wax ka qabatimay dhaqammadaa ”Laabta ka soco” oo markaan loogu sii daray waxyaabo kale oo ay ugu horreyso ”Fiqi tolkiis kama janno tago”, haddii uu isku dayaa middaas iyo laabta ka socana, waxaa la sii hor dhigaa ama lagu soo hor-qooraa, tu kale oo la sii micnaa kuwaas, taas oo ah: ”Tolkaaga iyo kobtaada dhexdaa looga jiraa”. Xaalku waa uun ”Laabta ka soco” Rabbiyoow adaa jooga!! Ar waa yaabkaas! Haddii xaakimkii lagu barbaarshay ereyadaas bulshada dhexdeeda ku culus kuna weyn, ma waxaan ka sugnaa xukun togan mise taban? Soow xaalku noqon maayo uun: ”Mihii cir laga sugaayay ayaa ceeryaamo ka timid”. Seeyse ku dhecee adoo tiin abuurtay inaad timir gurato. Mugga, waxaa uun cad waxay noqohee, in xaakimkii saas ku soo barbaaray oo qabatimay xukunkiisu inuu noqdo; ”La joojiyaa bannaan la jiifiyaana bannaan”.

Kol haddii xukunku uu noqdo la joojiyaa bannaan la jiifiyaa bannaan, lays weydiimaa in muhu caddaalad taal iyo in kale. Waa dhab, waana lama huraan in caddaalad la helaa, taas oo horseedda nabad waarta. Caddaaladduna waa inay hoos ka billaabataa korna u duushaa ee maahan in ay kor ka soo degtaa sida dhibcaha roobka. Dhaqanka oo caddaalad la huwiyo, wuxuu horseed u yahay caddaalad guud oo la helaa, maxaa yeelay, haddii isagu caddaalad noqdo, xorna ka yahay siyaasad iyo arrimo kale, isagaa horseeda siyaasad iyo siyaasiyiin hufan.

Dhaqan uu saldhiggiisu yahay; ”Laabta ka soco”, oo micnuhu uu noqonaayo hoos isula dardaaran caddaaladda ka dhan ah, una noqonaayo kabtaada iyo tolkaaga dhexdaa looga jiraa. Si caddaladi u timaad, sow ma habboona in taas iyo laabta ka soco xal loo helo?.

Guriga xariirka:
huswadad@hotmail.com

W/Q: Xuseen M. Cabdulle ”WADAAD”

Xuseen M. Cabdulle “Wadaad”

SHEEKOOYIN