FOOLAADKII FALSAFADDA & ARAGTIYAHOODI (2)

FOOLAADKII FALSAFADDA

&

ARAGTIYAHOODI

               (2)

SUQRAAD KA HOR

Qaybtii koowaad ee taxanahan waxa aan uga soo hadalnay macnaha falsafadda iyo meelkasoojeedkeeda. Qaybtan labaad waxa aynnu ku eegi doonnaa falsafaddii iyo aragtiyihii filasuufyadii Suqraad (Socrates) ka horeeyay kuwaa oo iskuqaadkooda loo yaqaan falsafaddii Suqraad ka horreysay (presocratic philosophy), si gaar ah waxa aan qormadan ugu dulistaagaynnaa labo dugsi: dugsigii Maayliitas (Melesian School) iyo dugsigii Baaytagooras (Pythagorean School). Haddaba, filasuufyadii Suqraad ka horreeyay waxa ay leeyihiin labo sifo oo ay mid kaga duwaaneeyaan mufakiriintii iyaga ka horreeyay midka kale ay kaga duwan yihiin filasuufyadii iyaga ka dambeeyay ee Suqraad ugu horreeyay. Mufakiriintii iyaga ka horreeyay waxa ay uga duwanaayeen markii ay u fiirsadeen dhugmana u yeesheen cajaa’ibta dunida iyo koonka ku xeeran oo dhan, waxa ay raadiyeen jawaabo caqligooda iyo dubaaqoodu aqbali karo, oo aan ahayn kuwii soojireenka ahaa ee sheexariirooyinka, kutirikuteenta, iyo kuwa diimaha ee ka baxsan awoodaha abuurta iyo garashada aadmiga. Iyaga ka hor mufakiriintu waxa ay jawaabaha ka dooni jireen sheekoxariirooyinka, kutirikuteenta iyo diimaha. Midda ay Suqraad uga duwanaayeen waa: Suqraad falsafaddiisu waxa ay ku wajahnayd arrimaha anshaxa, akhlaaqda iyo saykoolojiyada iyo garashada aadmiga, laakiin filasuufyadan aynnu ka hadlaynnaa waxa ay abbaareen abuurta iyo asalka ama meelkasoojeedkeedka koonka (nature and the origin of the world).

Haddaba inta aynnaan faallaynta labadan dugsi gudagelin wax aan jecel ahay in aan xuso hannaanka adeegsiga magacyada filasuufyada iyo magaalooyinka aynnu arki doonno. Magacyada waxa aan ku qoray af Soomaali aniga oo adeegsanaya codadka/dhawaaqyada af Ingiriisiga, aniga oo dabbaqayada codadka iyo higgaadda af Soomaaliga. Tusaale ahaan, filasuufka koowaad oo magaciisu yahay THALES waxa aan qoray TAYLIS, halkii ‘th’ ahayd baan ‘t’ ka dhigay. Pythagoras waxa aan qoray Baaytagooras. Filasuufka aanan magaciisa af Ingiriisiga ah adeegsan waa Suqraad (Socrates) oo aan kan Carabiga adeegsaday, waayo waxa aan qiyaasayaa in Soomaalida badankoodu sidaa (Suqraad) u yaqaannaan.

Dugsigii Maayliitas

Dugsigii Maayliitas waxa uu ahaa dugsigii u horreeyay ee falsafadeed ee Giriigga ka hanaqaada waxaa ku kala dambeeyay saddex filasuuf oo kala ahaa Taylis, Anagsimaandar iyo Anagsimiinis.

TAYLIS

Taylis (Thales) waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay filasuufkii koowaad, dabcan taa macnaheedu ma aha in isaga hortii aan cidi fekerin oo abuurta koonka u fiirsan dabadeedna wax ka oran, balse waa in uu yahay ninkii koowaad ee warkiisu na soo gaaro. Taylis oo ku dhashay magaaladii Maayliitas (Miletus) oo ku oolli jirtay dhulka maanta Turki loo yaqaan waxa uu noolaa, sida la qiyaasayo, intii u dhaxaysay 624 ilaa 546 Ciise hortii. Taylis oo ahaa xisaabyahan, cirbixiye iyo injineer waxaa laga weriyaa dhawr sheekooyin badan oo dhabnimadooda aan cidina hubin karin. Waxaa ka mid ah in uu oddorosay qorraxmadoobaad dhacay sannadkii 585 CH; iyo in uu ceel ku dhacay isaga oo samada ku faruurxiran.

Waxaa la yiri markii Taylis ceelka ku dhacay ayaa waxaa aad ugu qososhay oo ku maadsatay gabadh jaariyad ahayd iyada oo wayddiisay sababta Taylis samada ugu foogan yahay tiiyoo uusan war ka hayn halka uu cagihiisa dhigayo. Sheekadan waxaa laga dheehan karaa in ay tahay duurxul filasuufyada lagu dhaleecaynayo oo lagu leeyahay filasuufku waa ruux ku foogan wax isaga iyo dunida aan waxtarmaad u lahayn waana ruux maqane-jooge ah. Balaato iyo Aristootal labaduba waxa ay iskuraaceen in Taylis ahaa sabool tacabka adduunyada iska diidday oo falsafadda u go’ay, kolkii arrintaa in badan lagu dhaliilayna Taylis waxa uu go’aansaday in uu dadka tuso in saboolnimadu ayan ahayn qool luqunta uga maran oo uu iska furfuri la’ yahay balse ay tahay tu uu isagu doortay. Waxaa la yiri si Taylis taa dadka ugu caddeeyo ayuu sannad dhan xiddigis ku mashquulsanaa dabadeedna waxa uu oddorosay in guga soo socdaa noqon doono ku barwaaqo kagadaalna beerihii saytuunka oo dadkii lahaa ka rejodhigeen abaar darteed buu kumi iyo taano ku wada kiraystay ka dib na sidii uu filayay baa dhacday roob badan baa da’ay beerihiina miro badan baa bikaaciyeen, markaa ayuu haddana beerihii dib u kireeyay, laakiin kolkan lacago badan buu ku kireeyey, halkaana maal badan buu ka tabcaday. Sidaa ayuu Taylis dadkii dhaliilayay ku tusiyey in falasuufyada maalqabeenno noqon karaan haddii ay sidaa doortaan.

Taylis waxa uu rumaysnaa in biyuhu yihiin hooyada uunka ee wax walbaa ka soo uskumeen. Koonka oo dhan hal walax (sigle element) ayuu ka soo uskumay walaxdaasna waa biyaha ayuu Taylis aaminsanaa. Taylis waxa uu ku doodi jiray wax walba biyo ayaa ku jira: geed, carro/ciid, iyo xataa noolayaasha dadku ka mid yihiin jirkoodu waa dareere biyo ah. Waxa uu qirsanaa in biyuhu noqon karaan dhammaan saddexda maaddo ee kala dhagax, dareere iyo gaas. Taylis dooddiisu qayb ahaan waa saxnayd baan oran karnaa waayo maanta waxa aynnu og nahay in jirkeenna boqolkiiba lixdan uu biyo yahay halka maskaxdeennu boqolkiiba toddobaatan biyo tahay. Waxa kale ee uu aaminsanaa in magnadku naf leeyahay taasina ay tahay sababta magnadku birta u dhaqaajiyo. Waxa kale oo Taylis rumaysnaa in dhulku ku taagan yahay biyo, oo biyuhu yihiin kuwa dhulka kor u haya.

Sheekooyinka Taylis laga weriyo waxaa ka mid ah: waxaa la wayddiiyay maxaa ugu dhib badan? Waxa uu ku jawaabay in aad naftaada ogaatid. Maxaa ugu sahlan markii la waydiiyayna waxa uu yiri: in aad dadka kale talo siisid.

Doorka falsafadeed ee Taylis muhiimaddiisu ma aha in uu jawaabo muhiim ah bixiyay ee waa in uu su’aalo waawayn iswayddiiyay sida: waa maxay wax walbaa? (what is everything?) Iyo waa kee shayga qur ah ee wax walbaa ku biyoshubanayaan (what is the unity?) Tan kale oo Taylis ka dhigtay filasuuf iyo saynisyahan waa in uu jawaabaha ku raadiyay u fiirsasho iyo sababyn (observation and reason) halka isaga hortii jawaabaha laga dooni jiray sheekoxariiro, kutirikuteen iyo diimaha.

Waxaa la sheegaa in Taylis harraad iyo da’ u dhintay. Sow la yaab ma aha in ninkii aaminsanaa in uunku biyo ka abuurmay uu harraad u dhinto? Walow dhinac kale la sheego in uusan harraadu dhiman ee jar ka dhacay, goor habeen gudcur ah.

ANAGSIMAANDAR

Filasuufki labaad ee Maayliitas ka baxay uu ahaa Anagsimaandar (Anaximander) oo moolaa 610 ilaa 546 CH sidaa oo kalena ahaa arday Taylis wax ka bartay. Isagu sida Taylis walaxda keli ah ma uusan magacaabin ee waxa uu ku sheegay walax aan la qeexi karin oo bilaa xudduud ah (undefined, unlimited, and indefinite substance) walaxdaas oo apeiron loo yaqaan waa garsoore ah oo shay walba ama arrin walba mid ku lid ah u sameeyay sida qabow iyo kulayl, mugdi iyo iftiin, nolol iyo geeri, gar iyo gardarro.

Anagsimaandar waxa uu ahaa nin xirfado badan oo inta uu filasuuf yahay in ka badan saynisyahan ah. Waxa uu aamisanaa in bini’aadanku asal ahaan kalluun ka soo uskumeen, tan oo ka dhigaysa raggii ugu horreeyay ee aragtida taddawurka (evolution) aaminsan. Waxa uu ku talin jiray in dadku aysan kalluunka cunin maadaama kalluunku yahay walaalka bini’aadanka.

Anagsimaandar waxa kale oo rumaysnaa in qorraxdu dhulka wax badan ka wayn tahay iftiinka dayaxuna yahay ku ka yimaada iftiinka qorraxda. Waxa kale oo uu rumaysnaa in dhulka sabbaynayo hawo cidlo oo aysan jirin wax haya ama celinaya. Anagsimaandar waxa kale oo ku doodi jiray shay walbaa uu abuurtiisi hore ku noqonayo (kullu shay’in yarjicu ilaa ahlihi). Anagsimaandar sidaa oo kale waxa sameeyay khariidadda caalamka iyo qalab lagu xisaabiyo gooraha iyo xilliyada (time and seasons).

ANAGSIMIINIS

Filasuufkii saddexaad ahaana kii ugu dambeeyay ee Maayliitas ka soo baxaa waxa uu ahaa Anagsimiinis (Anaximenes) oo noolaa 585 ilaa 528 CH kaas oo Taylis iyo Anagsimaandar ba wax ka bartay. Laakiin Anagsimiinis labadiisi macallinba waa uu ka leexday waxa uu na rumaysnaa in walaxda qur ah ee uunku ka uskumay yahay hawada (air) walow uu Talis kala mid ahaa in walaxdu maaddo (material) tahay. Anagsimiinis waxa uu ku dooday in hawada awood u leedahay isbeddal samayn sida in au noqoto biyo, daruur, dabayl, dab iyo carro. Waxa uu qabay in hawadu isbeddalka ay samaysaa iyo walaxda ay isu beddashaa ay ku xiran tahay hadba khifiifnimada iyo cufnaanta hawada. Haddii ay aad khafiif u noqoto dab bay noqotaa; haddii ay cufnaatana dabayl bay isu rogtaa, haddii kol kale aad u sii cufnaatana daruur bau isu beddashaa, haddii mar kale ay sii cufnaatana biyo ayay noqotaa, dabadeed carro ayay noqotaa ilaa ugu dambayn ay dhagax noqoto.

Anagsimiinis waxa uu qabay in dhulku fidsan yahay uu na ku dulfadhiyo hawo. Waxa kale oo uu rumaysnaa in daruurtu tahay uumi adkaaday (thickened moist air). Sidaa oo kale waxa uu ku doodi jiray qorraxda iyo dayuxu yihiin xiddigo dab lagu khafiifiyay, sidaa oo kalena ay fidsan yihiin oo hawo ku dulsabbaynayaan. Kol kale waxa uu ku dooday in xiddiguhu maadaama ay aad inooga fog yihiinna aynnaan kulaylkooda dareemi karin.

DUGSIGII BAAYTAGOORAS

Dugsigii Baaytagooras waxaa aasaasay Baaytagooras oo rumaysnaa in xisaabtu tahay dhammaan aasaaska hubaasha ayna xisaabtu maamuusho wax walba. Waxa uu ahaa dugsi saamayn wayn reebay ilaa maantana raadkiisi weli falsafadda waa uu ka dhexmuuqdaa.

BAAYTAGOORAS

Baaytagooras (pythagoras) oo noolaa intii u dhaxaysay 570 ilaa 495 CH waxaa la qiyaasayaa in uu ku dhashay magaalo la oran jiray Samos oo aan ka fogayn Maayliitas. Baaytagooras falsafadda waxa uu ku qaabbilay indho saynis iyo kuwo xisaabeed. Waxa uu ahaa xisaabyahan xisaabta raad wayn uga tagey. Waxaa loo badiyaa in uu wax ka bartay dugsigii Maayliitas dabadeedna dugsi isaga magaciisa (Pythagorean School) sita ayuu ka muday magaaladii Korotoona (Crotona) oo ku oolli jirtay koofurta Talyaaniga oo berigaa Giriiggu xukumi jireen. Dugsiga Baaytagooras waxa uu lahaa labo dhaqan oo aad u kala duwan, dhinac waxa uu ahaa dugsi aqoonta sayniska iyo xisaabta lagu barto, halka dhinaca kale uu ahaa dugsi diimeed shaqan suufinnimo leh oo ardada iyo sheekhoodu bulshada ka soocan yihiin leeyihiinna xeerar iyo dhaqanno iyaga u gaar ah. Xerta Baaytagooras aad bay u barakaysan jireen sheekhooda.

Baaytagooras waxa uu aaminsanaa in xisaabtu tahay qaanuunka koonka maamula nambarradu muqaddas bay agtiisa ka ahaayeen. Waxa uu aaminsanaa in nambarrada dhabanka ahi u taagan yihiin samaanta halka kuwa kinsigu xumaanta ka wakiil yihiin. Waxa kale oo Baaytagooras rumaysnaa in nafta guurguurto marka qofki dhinto ay naftu dib u soo dhalato oo noole kale gasho. Waxaa la weriyaa in uu maalin arkay nin ey garaacaya dabadeedna uu ninkii u sheegay in uu eyga garaacista ka daayo, waayo buu yiri Baaytagooras eyga baroortiisa waxa aan ka maqlay nin saaxiibkay ahaa oo mar hore geeriyooday. Sidaa oo kale Baaytagooras waxa uu aaminsanaa in muusiggu ruuxda dahiro.

Baaytagooras waxa uu dadka adduunka ku nool ku mataalay sidii oo ay yihiin dad dhooban garoon kubbad lagu ciyaarayo, dadkaas qaarkood garoonka waxa ay u yimaadeen in ay ciyaarta dheelaan, qaar kale in ay ganacsi ka sameeyaan oo dadka garoonka jooga ay macmacaan iyo sambuus ka iibiyaan, ama ay iyagu ka iibsadaan, halka qolada saddexaad garoonka u yimaadeen daawashada falalka iyo dhaqannada dadka garoonka buuxa. Kuwo dambe waa filasuufyada ayuu yiri, waayo filasuufku waa ruux ku mashquulsan daawashada koonka iyo abuurtiisa. Waxyaabaha Baaytagooras laga dhaxlay waxaa ka mid ah eraga theoreim (theory).

 

Waxaa qoray Cali M. Diini

SHEEKOOYIN