Fursadaha waxbarasho ee bannaan aanse laga faa’ideysanin W/D: Ramla Goobdoon

waxbarasho

Fursadaha waxbarasho ee bannaan aanse laga faa’ideysanin

Mar haddii la dhaho waxbarasho, waan garan karnaa waxa ay tahay iyo micnaha ay leedahay. Waxbarashadu ma ahan mid kooban, waa mid ballaaran, islamarkaana noocyo badan leh. Waxbarashadu, waxey qeyb ka qaadataa hormarka dad iyo dal, door weyn ayeyna ka ciyaartaa shaqsiyadda qofka, wey kala saartaa; xumaanta iyo wanaagga.

Umad walba, oo dunidan ku nool, isla markaana, heer sare ka taagan, waxa u suurtagaliyay waa Waxbarashada. Umaddii aan heysanna, kama baxdo jahli, naceyb, xaasidnimo, isfahan darro, kala dambeyn la’aan iyo wax kastoo xun!

Haddaan u laabanno waxbarashada dalka ka jirta, runtii, waa mid xaalad adag wajahaysa, isla markaana, aan laheyn Manhaj dagsan ee la raaco, Macallimiin aan aqoon buuxda laheyn ama aan u tababarneyn waxa ay dhigaayaan, qalab waxbarasho oo tayo leh, IWM. Sidaas oo ay tahay, waxaa ka jira gudaha dalka, goobo badan oo wax lagu barto, sida: Iskuullo, Machadyo si gaar ah loogu dhigto maaddooyin qaar iyo Jaamacado.

Dhalinyarro badan, oo ku nool gudaha dalka iyo dabiddiisa, isla markaana, leh hammi waxbarsho, oo aad u sarreeyo ayaa badan, balse, dhibka jira ayaa waxa uu yahay in waxyaabaha la barto ay koobanyihii. Tusaale, dhallinyarrada badankood, waxa ay bartaan waxyaabo isku mid ah, sida; Caafimadka oo laga barto qeybta Kal-kaalisinimada kaliya, Computer iyo wixii lamid ah. Mar waa wax lala yaabo, marna waa wax quus iyo ku galinayo niyadjab. La yaabka waxaa keenaya, waxa dhallinta qaybahaa kaliya ku aruursha, halka quustu ka imaanee, in ay soo kici doonaan jiil yaqaan dhawr walxo oo kali ah.

Waxaa xaqiiq ah in ay jiraan fursado badan, oo aad u muhiim ah, isla markaana, loo baahanyahay in wax laga barto, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Cilmiga la xiriira Police-ka, sugidda ammaanka, ilaalinta nabadda iyo xasilinta.

Police, kama dhigno in la noqdo Askari oo kaliya, waxaa jira waxyaabo badan oo la xiriira sida:

Dambi barista, oo ay hoos imaadaan kuwan soo socda:

  1. Dabagalka qof dambiile ah.
  2. Qaabka looga hadalsiiyo dambiile dafirayo dambigiisa
  3. Sida loo sawiro Dambiile la la’yahay, markii qof marqaati ah uu ka sheekeenaayo
  4. Soo baaridda iyo tagitaanka goobaha ay ka dhacaan dilalka, kufsiga, gubidda IWM.

Cilmiga Maxkamadaha.

  1. Guddoomiye Maxkamadeed
  2. Diyaarinta kiis Maxakamadeed
  3. Qareen ama Abuukaate
  4. Xogheyn maxkamadeed

Cilmiga Ganacsiga

  1. Suuq geeye; micnaheeda ma ahan, in badeeco cususb aad suuqa gayso, sidoo kale, inaad soo ogaato baahida suuqa ka jirto, ka hor intaan la soo deign ama saarin badeecadda.
  2.  Hormarrinta iyo bilaabidda ganacsi cususb, adigoo mas’uul ka noqonayo wixii faa’ido iyo qasaaro ah (Enterpreneurship).
  3. Soo jiidashada Macaamiisha.

Cilmi Nafsiga (Psychology): Bulshadeenna aad ayey ugu baahantahay, dad ku soo taqasusay cilmigan, waxey qeyb ka qaadan kartaa in la helo, xiriir wanaag ka dhaxeeyo bulshada oo dhan, hagaajinta isdhexgalka, xoojinta hammiga qofka iyo xal u helidda cudurro badan, oo lagula tacaalo waxyaabo aan xiriir la lahayn.

Caafimaadka.

  1. Sida ilkaha loo habeeyo.
  2. Qalliimada, sida: Dhagaha, Sanka, Wadnaha, Cancer-ka ku dhaca maskaxda IWM.
  3. Cudurrada haweenka.
  4. Cudurrada Caruurta.

Dhammaan waxyaabahan kor ku xusan, waa kuwo aad baahidooda ay u badantahay, haddana, ana helin kaalintooda ama in la siiyo ahmiyad gaar ah. Waa laga yaabaa in dhallinyarro badan, oo dalka ku nool ay jecelyihiin in ay bartaan, balse, waqtiga uu u saamaxeynin, haddana, waxaa jiro dhallinyarro kale oo helayo fursadahaan, isla markaana, ay tahay in ay ka faa’ideystaan.

Dhib ma lahan haddii ay adagyihiin, laakiin, waan baran karnaa, isku daya in fursadaha aad haystaan aysan idinka qasaarin, xitaa waan baran karnaa sida loo dhigo si aan u gaarsiinno kuwa aan waqtiga u saamixin.

 

Ayaan wacan dhammaan aayaha nolosha.

Ramla Goobdoon

rahmaaz002@hotmail.com

 

 

SHEEKOOYIN