GAADIIDKA NOLOSHA. Qore : Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

GAADIIDKA NOLOSHA

Tilmaanta laga baxshay Nolosha waa mid fara badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin, qaar baa Nolosha ku tilmaamay sida Bus la saaran yahay oo kale, qaarna Safar la wada safrayo oo qof walba marka uu meesha uu rabo gaaro uu Safarka ka harayo.

Sida ay doonto tilmaantaas ha noqoto waa mid iskugu imaanaysa hal meel ama iskugo soo Biyo shubanaysa hal God oo Biyaha ay iskugu yimaadaan, micnaha waa Tilmaan hal meel loo wada wado, tilmaanta hadalka kaliya ayaa lagu kala duwanyahay, balse macna ahaan halka loo socdo waa mid la wada fahmi karo dhinaca la doono hadalka halaga keeno.

Waxaan jeclaan lahaa tilmaamahaas lag wada baxshay qaabka Nolosha Dunida in aan anna qaybtayda ka qaato oo maanta aan bal  sidan u dhigo Warka, ayna noqoto oraahadan Oraah aan aniga leeyahay, aniga oo ku sifaynaya inta ay la egtahay Aqoontayda,Aqoontayda marka aan leeyahay ma ahan mid aan aniga leeyahay ee waa mid aan kasoo bowsaday Dad kale, ama Qibradaha Nolosha ay I bareen.

Sifada aan maanta u sifaynayo safarkeena Nolosha wuxuu noqon doonaa mid dheer oo micna badan laga dhuuxdo, waa laga yaabaa in qaabka aan wax u cabirayo aad u riyaaqdaan ama aad igu diiddaan, muhiimadda waa in la isla fahmaa qaabka ay Nolosha u socoto.

Nolosha waa sida Gaadiid Safar lagu galayo, gaadiidkaas oo kala leh Magacyo badan nuuca aad rabto adiga u dhig, haddaad rabto Baabuur dheh, haddaad rabto Doon dheh, haddaad rabto Diyaarad dheh, haddaad rabto Tareen dheh, ama Faras, waxa aad doonto ku sifee, Magaca Gaadiid ayaa inoo dabooli kara gabi ahaan.

Gaadiidkaas oo  kala leh Busteejooyin uu Qof walba uga dagayo marka la gaaro meesha uu ku egyahay safarkiisa, sidaas si la mid ah waxaan meesha ka marnayn in tilmaan lagu qeexo gaadiidkaas in uu Waddooyin kala gaddisan usoo maray kaamilidda safarkiisa, ama in uu geeyo Qof walba halka ay tahay in uu ku haro kuwa kale oo cusubna uu kasii qaato, mar walba Gaadiidkaas waa mid mashquul badan oo aan nusqaamin iskana buuxa.

Waddooyinka uu soo marayo Gaadiidkaas waa kuwa mar walba ay su’aal ka taagantahay Nabad qabkooda, maxaa yeelay gaadiidka wuu halaabi karaa wuuna gaddoomi karaa oo mar walba waa Gaadiid aan dhamaystirnayn, qatarta uu gaadiidkaas la kulmi karana iyada oo badan, hadana, waxaan u dooran lahaa in uu yahay Gaadiid Shil gali kara mar walba .

Dadka qaar waxaa laga yaabaa Qoraalka qaybta kore ee aan uga hadlayo sifaynta Nolosha in aysan ila fahmin waxa aan ka wado tilmaamaha aan soo sheegay, waxaansa jeclaan lahaa in aan xoogaa yar sii iftiinsho .

Safarka Gaadiidka ee laga hadlayo waa Dunida, Masaafuriinta saaran gaadiidkana waa Maqluuqa Dunid inta Nafley sheegata ee uu allah abuurtay Dad iyo Duur joogba, Busteejooyinka Gaadiidka looga dagayana ama laga soo fuulayo waxaan ka wadaa mar walba oo uu qof dago in ay ka dhigantahay in uu qofkaas Dunida ka hayaamay oo uusan dib dambe usoo laaban doonin, Dadka cusub ee soo koraya ama soo fuulaya gaadiidkana ay yihiin Dad cusub oo markaa Dunida kusoo biiray micnaha markaa dhashay.

Shilalaka aan tilmaamay ee uu gali karo gaadiidkaas waa Nolosha oo ah mid Caqabada badan oo nafley oo dhan ay la kulanto, nuuca ay doonto Caqabaddaas ha ahaato, waxaa hubaal ah in inta dunidan ku nool guud ahaan ay la kulmaan Dhiibaato, Murugo, Farxad, iyo filan waa markaa fajaciso ku noqda noloshooda.

Qof walba wuxuu soo fuulaa Gaadiidka Nolosha marka uu dhasho, waxaana gacan ka gaysta in uu soo fuulo Waalidkiisa oo Tigidhka fuulintaanka gaadiidka nolosha ayaga ayaa usoo gooyay maalinta ay is calmadeen oo ay Guri galeen, waana maalinta ay go’aansadeen in ay Guri yagleelaan Awlaadna Dunida keenaan, waa maalintaas maalinta ay soo jareen Tigdhkii uu ubadkooda ku raaci lahaa safarka ay  ayagaba ku jiraan ama Gaadiidka ay ayagaba saaran yihiin.

Qof walba wuu aaminsan yahay in uu safarka Nolosha qayb ka yahay uuna la kulmi karo inta ay la kulmeen kuwii isaga ka horeeyay, mar walbana waxay ku xirantahay Caqabadaha ama dhibaatooyinka uu kala kulmo safarkiisa xaddiga ay la egyihiin, waa laga yaabaa in xaddiga dhibaatada uu kala waynaan karo, balse, ma ahan oo kaliya dhibaato waxa lagala kulmi karo safarkaas Nolosha farxadna kama marna, oo waxaa la oran karaa safarkaas waa mid ay ku idishahay dhamaan qaybaha kala duwan ee Nolosha lagala kulmo.

Xaaladdu sida ay doontaba ha iska ahaato waa hubaal in safarkaas aan waligiis la isku wehlin doonin oo qof walba marka la gaaro meesha loo asteeyay in uu ku dago uu ku dagayo, ma ahan mid la iskugu jixin jixayo oo aad dhahayso qofkan xoogaa ha ila joogo waa Waalidkey, Wiilkayga, Gabadhayda, ama Gacalisadayda, waa safar aan laga aqoon wax Naxdin la yiraahdo oo cid isku jixin jixayso ma jirto, Qof walba Amar Alle ayuu ku socdaa oo naftiisa marka la dhaho sidaa samee Waddo kale uma furna in ay samayso mooyee, sida dhabta ahna waa Ruuxa qofka ku jiro waxa amarka la siinayo, waana safar aan laga aqoon wax Musuqmaasuq ah,, waa safar u socdo sida loogu tala galay, Waddada mar la dhaho mooyee waddo kalana ma jirto.

Waa safar runtii marna la dhibsado marna la jeclaysto, waana safar ay ku idishahay Baahida Qof walba, waa safar Qof Faraxaddiisa ay tahay qof Murugadiisa, waa safar Masaalixda Dadka saaran Gaadiidka uu qofba si u dareemayo, micnaha wax Qof farax galin karo ayaa qof ka caraysiin kara, wax qof ka farxiyo ayaa qof kale ka nixiyo, waa Safar sahankiisa aan horay loo samayn oo sakan walba uu noqon kara kan kuugu dambeeya, waa Safar runtii Mucjiso ah oo qof walba xaalad u gooni ah uu isagu marayo, waa Safar xanuunka ku hayo aysan kula qaybsan Karin Hooyada aad caloosheeda kasoo baxday, kaamana qaadi karto haddii ay kaa qaadi lahayd, wax cid kuu qaban kartana aysan jirin, waa Safar runtii qof walba uu kaligiis ku yahay, waana mid aan la aqoon Jihada uu ku socdo.

Mucjisada safarka ayaa ah in qof yaqaan halka uu kasoo fuulay Gaadiidkan uusan jirin haddii la waydiiyo, halka uu ku dagayana ma yaqaan oo meesha uu u socdo wax fikrad ah kama haysto, waa Safar Sahayda la sito in ay kugu filnaanayso iyo in kale aan la aqoon, Safar yaab leh iga dheh!

Wax gaadiidku inala jibaaxiyaba, waxaa mar walba uu istaago Steejkiisa(BUSTEEJO) ama meesha uu istaago ka dagayo Dad aad u badan oo Xigtadeena ah, Adeer, Aabo, hooyo, Walaal, Xaas, Eedo, Habaryar, Saaxiib, nuuc walba oo xigta aan ku tilmaami karno ama aan aqoon u leenahay mar dambana soo laabashadooda in aysan jirin waa hubaal, sidaas si la mid ah waxaa jira kuwa kale oo soo fuulaya Tarreenka, kuwaas oo noqon kara Caruurteena ama ehelkeena iyo asxaab nuuc walba iyo wixii  Qaraabo ah oo Nolosha ku salaysan.

 

Dadka qaar ee ka haraya safarkaas waa kuwa nagu leh saamayn badan oo boos banaan oo nolosheena ah baneeyay waanaaga ay lahaayeen dartood, qaarkoodna wax badan oo ay inoo hayeen aan tabno, waa Safar runtii sida saxd ah aan waxba ka naxayn, horayna waan u soo sheegay in wax jixin jix la dhaho aysan ka jirin gaadiidkaas Nolosha loo saaran yahay, waa Safar runtii tiiraanyo badan dhaxalsiiyay Dad badan, Dad badana Farxad ugu deeqay, waa Safar aan waliba la isaga harayn halka lagu dago oo laga sii qaadan doono Gaadiid la dhaho Gaadiidka abaal marinta taas oo qofka looga abaal marin doono wixii uu kusoo samaystay wanaag iyo xumaanba safarkii hore ee gaadiidka nolosha.

Dadka qaar ee nala saaran Gaadiidkaas waxayba dagayaan inaga oo war u hayn goorta ay faarujiyen kuraastooda, inta aan inaga isku Kooxda ah isku mashquulsanahay ayaa kuwana kusoo biirayaan Safarka kuwana ka harayaan, waa Safar xaqiiqdii Cajiib leh oo Dadka qaar aysanba ku baraarugsanayn,

Safarka gaadiidkaas waa mid Farxad iyo Murugaba ay ka buuxdo, qof walbana si u dhadhaminayo waqtigiisa, waxaa kaloo jira Rajooyin badan oo la leeyahay, wax badan oo la tabayo, wax badan oo lala yaabo, is maca salaamays aan lagu farxin iyo kuwa lagu farxo, waxaa kaloo meesha ku jira in safarkaas xoog Dadka qaar looga dajinayo oo kuwa kale ay qasbayaan Dadka.

Waa Safar uu qof walba kusoo bandhigay waxa uu gudo iyo waxa uu galo wanaag iyo xumaanba, waa  Safar runtii ay qasab ahayd in aan soo bandhigno dhinac walba oo aan leenahay, waa Safar dadkeena qaar ay Saamaxaad baaxad badan la yimaadeen, waa Safar kuweena kale ay la yimaadeen Deeqid fara badan, halka kuwa kalana ay Bakhiilnimo ayaga oo ku jira ay ka hareen Safarka, waa Safar runtii qof walba uu soo bandhigay dhinaca uu is leeyahay waad kaga qayb qaadan kartaa safarkan aan la aqoon goorta uu dhamaanayo iyo goorta uu soo bilowday.

Nolosha sideedaba waa middaas nuucyada badan, waana middaas waddooyinka badan oo hadba waddo kula aadayso, waa middaas ku dhadhansiinaysa Macaankeeda iyo qaraarkeeda, waa middaas muragada badan, waa middaas Fakarka badan, waa middaas qorshaynta badan, waa middaas Shahwada adag ee Dadka qaar ka dhigtay kuwa uun u nugul shahwadooda.

Xaqiiqdii safarada waa kuwa laga barto ama laga dhaxlo Khibrad, si Khaladka aan maanta suubino aanan bari u suubin, ama dulqaad aad ugu yeelato Caqabadaha yar yar ee ku xaganaya, balse, safarkan nolosha ku saabsan waa mid haddii mar aad ka baxdo waddadiisa ama aad ka dagto gaadiidkiisa waxa kaliya ee aad wax ku garan karto ay noqonayso labada Jid waa Janno iyo Jahannamo midka aad shaqaysatay.

Qofba Nuuc ayuu u noqdaa safarkaas nolosha, kuwa ayaa marka ay Baska soo fuulaan isla markiiba ka daga oo wax ay ka tagaan aysan jirin farxad iyo murugana aan ku arkin safarkaas, maxaa yeelay waqtiba uma helin ay ku dhadhanshaan Dhibka iyo Dheefta Safarka (waa Sakhiirada).

Safarka Allaha noo wanaajiyo, runtii marka dib loo xisaabtamo qof maanta is oran karo wax badan oo wanaagsan ayaa kaa horeeyo ma jiro, waa marka uu qofku si dhab ah u xisaabtamo ,Qofka xisaabtamo mar walba wax badan ma rajeeyo, maxaa yeelay wuxuu ogyahay xisaabtiisa waxa ka go’aya iyo waxa ugu darsooma, marka runta laga hadlana haddii aysan na galin Jannada Alle naxariistiisa, hubaal in qof walba halaagsamayo, hanuunintana waa Alle xagiisa, isaga ayaana kol hore doortay halka aan saldhigan doono aakhirka dambe ee nolosha aan dhamaan.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

SHEEKOOYIN