Gabadhi gar leh W/Q Cabdi Nuur Waddani

 

quotescover-JPG-64

Gabadhi gar leh,

 

Waa sheeko dhaqameed ku saabsan waxa ay gabadhi mudantahay iyo sida shala gabdhaha loo turi jiray loona maamuusi jiray, inkastoo aysan taasi maanta jirin oo aysan gabdhaheenu ka helin rageena karaamadi ay ku lahaayeen haddana weli waxaan heysanaa dhaqankeeni suubanaa oo aan ka heleyno haddaan u laabano wax yaaba badan oo nolosheena ku saabsan.

Waqtigu waa goor galab ah halka la joogaana waa miyi, Xasan waxaa uu saaka kasoo dhaanshay meel aad uga fog ceelka reerku cabo, socod dheer ka dib xasn waxaa uu yimid ceelki ratigiisi ayoow shubtay galabki marka qoraxdu ka jabtana waasii rartay, Xasan gadoonki danbe asigoo ratigi sii fulinaya gurigiisiina usii dhaw ayuu tubta dhaxdeeda ugu tegay Xaayeey oo eri la jirta.

Xaayey waa gabadh hadda soo kacay, qurux iyo bilicna la soo baxdey, ragga gayaankeeda ahina jabadka ugu wada jiro siduu nin weliba ula haasaawi lahaaoo sheeko ula wadaagi lahaa, nin kastoo arkaana hammi baa ka gelaya, jooga iyo jimaada, intii gabar lagu eegan jiray ayaa isu raacdey, gabar dhumuc iyo dherer leh, dhismaha jirkeeduna aad moodo inta masaar loo qaatay in la qorqorey. Xasan laftiisu waxaa uu ku jiraa ragga damacu uga jiro Xaayeey habeenno badan oo asu u soo dhedeystana waa ay u diiday shukaansi ama haasaawe, balse, dhaqanka waagaas jiray oo kan beriga ka duwanaa waxaan fududeyn inaad gabadh maalmo iyo bilo aad dhayal wax uga dhaadhiciso ogolaanshiiyo is afgaradna ka hesho.

Xasan markuu Xaayeey arkay ma dhaafine waa bariideyay, asigoo aan waqti saasa haysan oo ka baqaya in ratigu gelgelmaha ka fadhiiato ayuu gabadhi ku tuurtuuray hadalo iska kaftan ahaa, balse, inanti ka yara carootay, Xasan asigoo raba inuu gabadha si fiican uga sii careysiiyo ayow hadalki sii badiyay markuu arkay in Xaayeey xanaaqday, dabeedna oo aad u carootay ayaa Xasan ku tiri bax dabaalyahaw” Hooyadaa waxaa ku sameeye”

Xasan kama aamusin kamana tegin gabadhiye caydi ayuu isna uga hal celiyay waxaana uu yiri: “Adiguba aabbaha waxaa kugu same”, Xaayeey oo awal hadalada Xasan yiri ka careysneed ayaa ooyin biriq la tiri marki Xasan eraygaas yiri, dhanki gurigu ka jiray ayeeyna u oroday inta madaxa gacmaha saaratay, barroor iyo qoob iyo qaylona waa isku dartey.

Xasan isna dhabaga(Wadada) ayow qabsaday oo ratigiisi ayuu iska hore u hoggaansaday asoon dhiila sidaasa qabin.Xaayeey iyadoo ilmada qubeysa ayeey gurigi tagtay nasiib wanaag Xaayeey waxay gurigi ugu tagtay aabbeheed,hooyadeed iyo wiilal kale oo la dhashay(Walaalaheed) qofkasta dareenbaa galay marki la arkay sida gabadhu u ooyeeyso, oo waxaa niyada la iska wada yiri: “Tolow gabadha maxaa ku dhacay miyaa lasoo faraxumeeyay” laakiin Xaayeey ayaa aabbaheed ku yiri: Hee dheh bal aamuse aaBbe ee ii warRan maxaa kugu dhacay? Xaayeey ayaa aabbaheed uga warantay wixi ku dhacay,

Xaayeey waxay aqoon u lahayd Xasan aababheedna waxay ku tiri wiilka reerkaas ayaa i caayay oo saas galabta i yiri, durba wiilashi ayaa soo wada booday oo halkasta isagoo dhaaranaayana yiri haddaan daba raacaya ninkaas walaasheey caayay laakiin aabbihi ayaa yiri : “Far ma qaadi kartaan Xasan haddow hadda noo yimaadna lama hadli kartaan”Aabbe waa nin la socda dhaqanka oo kasoo horjeeda in lagu xad gudbo, iyagoon is arkin cida ay dhibka ka tirsanayaan, waayoo waxaa jira xeerar hadhow qofka qabaaya haddow falcelin sameeyo asigoon dhibkiisa soo sheegan.

Xaayeey aabBaheed waxaa uu maalin isugu yeertay odayaal reeraha ahaa oo meesha iyana deganaa Xasan aabbihiisna waa uu wacay isna, waala isu wada yimid dabeedna arrinti dhacday ayaa odayaalki xeerbeegtida ahaa loo sheegay garti ayeeyna odayaalki galeen “Gari laba nin kama wada qosliso” waa tii hore loo yiriye guurtidi waxay garta saareen Xasan, iyagoo sheegay in Xasan gabadha ku gefay Xasan reerkiisana laga rabo in ay gabadhaas raali geliyaan oo u galiimaan, dhaqankeenu waa mid qurux badane haddii sidaas oo kale gar loo galo waxaa reeban in wixi guurtida talada goyneysa soo saarto laga biya diido oo laga soo hor jeesto qofkastana waa u hoggaansami jiray go’ankaas guurtidu gaartey.

Qofki aan aysan u cuntamin am aka biyo diidana ee u arka gar aan sugneyna, amase aqoontiisu ka gedmantahay, sida garta loo naqo waxaa u bannaaneyd inuu si hoose marka la kala tago oday odayaasha ka mida u waydiiyo bal si uu u helo ujeedka garta looga heklay iyo sidey garta u gooyeen odaygaasna waa u faalleyn jirey.Xasan aabbihiis oo xoogaa fahmi waayay sida wiilkiisa garta loo saaray ayaa nin nimanki garta naqaayay ka mida waydiiyay bal inuu fahansiiyo dabeedna ninki waxaa uu ku yiri, wiilkaaga waxay gabadhu tiri: Hooyadaa waxaa ku same” isaguna waxaa uu yiri adiguna “Aabbaha waxaa ku same” Sidaas darteed waxaan wiilkaaga eeda u saarnay.

Gabari horta cay malaha, haddiise gabartu caydey isaga,   saw maad maqal, Hooyo aan gaban gole geela laguma soo qaaddo” taasoo ka dhigan haddaan hooyadu wiil lahayn, lama soo qaaddo, Hooyadii wiil dhashaa waa la sheegaa wiilkeedana lagu xifaaleeya, gabarse aabbaheed laguma caayo oo waa xeer ka bax.Haddii Gabartu markay wiilka caydey ee tiri” Hooyadaa waxaa ku same” uu ugu halcelin lahaa” Hooyaday ku samayn maayee adigaan kugu samayn” Gartaasi wiilka kuma godanteen ee waa la gaar marin lahaa.Labada arrin ee gartu ugu qadooday ayaa ah, inuu Haween aflagaadeeyey, oo dhaqankeena ku xun, inuu aabbaheed ku caayey oo dhaqankeena ku xun.

Arrinka labaadna waa iney gabar iyo wiil mar walba Gabari gar leedahay, oo maanta ninka gabadhaada dhengad la dhaca iyo kan wiilkaaga dakhra waxaad u xumaaneysa ninka gabadhaada dhengada la dhaca. Ninka wiilkaaga dila iyo kan gabadhaada kufsadana waxaad necebtahay kan gabadha kaa kufsada, markaa mar walba Gabadhi Gar leh.Xasan aabbihiis ayaa si wanaagsan intuu madaxa u ruxay yiri:” Alleylehe Gabadhi Gar leh” waana gudoontey gartaas iyo inaan galiino aniga iyo wiilkaygu, Xil iyo xumeyna bixino.

 

 

W/Q Cabdi Nuur Waddani

SHEEKOOYIN