GABADHII SOOMAALI UGU CAQLI BADNAYD. W/Q: Suldaan Nayruus

GABADHII SOOMAALI UGU CAQLI BADNAYD.

Iyada oo muddo lagu kari waayey guurka wiil lagu khasabayo ayaa aakhirkii waaridkeed yiri, “Habaar iyo duco mid qaado”, kolkaas bay markii ay halkaasi gaartay yeeshay ducada waalidkeed, jeerkaasina lagu daray wiilkii. Gabadhu, waxa ay ahayd inan Alle isugu daray qurux iyo qiimo. Xilligaas wiilka lagu darayo waxa ay soo dhammaysatay dugsi sare, dhawr bil ka dib na waxa u qorshaysneyd in ay jaamacad ku biirto. Wiilku se, waxa waxa uu ahaa wiil nolosha ka dhacay. Waxbarasho waxa uu uga haray dugsi dhexe, waxa uuna bilaabay balwad. Waxa uu ku faraq xirtay maqaafaadyo iyo mooryaan. Waxa uu la noolaa hooyadi iyo aabbihi oo wiilna ay keligiis ka dhaleen, waxa ay dhaleenna, keligi uu kala joogay. 4 gabdhood oo la dhalaytay ayaa dibedda ku maqan oo reerka soo gacanqabata. Lacagta biilka ayuu waaridkiisa ku sandulleeyey in laga siiyo wax uu jaad iyo tubaako ku cuno, iyaguna waa khasbanaadeen, iyaga oo naftooda uga baqa mararka qaar, maadaama uu kal hore waaridcaasiyoobay.

Odayga wiilka dhalay ayaa dhawr jeer ka codsaday in uu guursado, laakiin muxuu keenaa, marqaan iyo qaaddiro ayaa isku beddelaysee. Kolkaas buu gabadhaan u doonay, waxa uuna ugu doonayey, bal in uu carruur kala haro, haddii uu isaga dhib mooyee uusan dheef ku qabin. Reerka gabadha waa arkaan wiilka gabadha ay ku darayaan in uusan u qalmin, laakiin iyaga nolol ahaan hooseeyey, waxa ay u xisheen dhaqaalaha reerka, maadaama carruurtii oo dhan u dhooftay oo wiilkaas keliya u joogo, masruuf fiicanna qaataan. Xitaa waxaa ku jirtay, haddii ay carruur dhasho armaa mustaqbalkana iyana la dhoofiyaa, lacallana markaas noloshiinnu is beddeshaa! Gabadhu, iyadu waxa ay eegeysay mustaqbalkeeda waxbarasho, guurka waxaas qashinka ah oo kalena weligeed kuma soo dhicin.

Gabadhii kolkii loo aqal geeyey, runtii aad bay misena uga sii laabjabtay ruuxaas qurunkiisa, shurufkiisa iyo ustaggiisa. Wuxu waxa uu ahaa bahal balwad iyo nadaafaddarro isugu darmatay. Waa sida uu subixii uga baxo, qado iyo qubays midna ma soo doonto, kolkaas buu sida uu majliska qaadka uga soo tago, isaga oo aan musqusha ku leexan inta qolka soo galo oo isku agtuuro, xaajaysi bilaabaa, kolkaas baa shiirka ka soo kakamaya darti ka kala yaacaa dareenkeedii. Gabadhii mucjisadan maalmo dhan ayey aad u fekeraysay, oo talo rogrogaysay. Dhawr gobdhood bay kala tashatay, waxa ayna kula taliyaan in ay isaga cararto, oo deegaanka oo dhan ka tagto, misena taladaasi waa u qalmi weydaa, habaarkii waaridka ayaana horyimaada. Muddo dheer oo talo keligeed ah ay falanqeynaysay, aakhirkii waxa ay go’aansatay in ay iska deyso niyadjabka, reerkeeda dhaqato, isla markaasina inta kartideeda tijaabiso ay la timaaddo tab ay wiilkaan uga dhigto midkii ay ku fekeri lahayd in ay guursato.

Inta taladaasi qaadatay bay markii hore wiilkii ugu dhaqaaqday in ay daraaseyso. Waxa ay soo ogaatay in uu jecel yahay: ciyaarta Laadhuuga, sheekooyinka iyo heesaha. Waxa kale oo ay fahantay jaadka uu ka xiiseeyo raashinka. Kolkaas bay waxa ay go’aan ku gaartay, in ay debin inta u dhigto oo ay madaxa ka qabsato sida ay rabtana uu yeelo markaasi.

Subax uu baxayey, ayey inta bariday oo tuugtay bay ka codsatay in maanta duhurkii ay casuumayso, oo inta uusan aadin saaxiibbadi uu soo maro. ‘Haye’ ayuu ku yiri. Inta qaadkiisii horay u soo qaatay, saaxiibbadina uu ku yiri, waan idiin imaan, ayuu u yimid, mise maxaa qolka fadhiga cunto kala duwan taalla. Inta uusan u fariisan ayey ku tiri, “Qaali dhidid baa kaa da’ayee, musqusha ayaan biyo kuu geeyey”. Inta musqushii ku leexday ayuu sidii inta ku galay biyo isku daadiyey. Markii uu soo baxay ba, macawis feereysan, shukumaan iyo furnaad ayey u keentay. Inta dharkii hore iska bixiyey ayuu qolkii fadhiga soo galay. Cuntadii buu feeraha iska saaray. Markii uu dhammaystay ayey u keentay kibriid uu sigaarka ku daarto iyo haashtariig uu sigaarka isaga demiyo. Inta alaabtii ka gurtay, oo u furtay qaadkii bay misena u keentay baco uu qashinka isaga aruuriyo, una keentay darmuus shaah qayilaad ku jiro, isla markaasina heeso qaraami ah u daartay. Wiilkii inta illoobay nimankii ayuu qaadkii meeshiisii ku cunay, oo weliba ka helay sheekooyinka macaan ee ay saaxiibtiisa uga qisaynayso iyo ciyaarta Laadhuuga ay la dhalayso. Dharka khafiifka ah ee macaadinteedu ka muuqato inta ka helo ayuu dhawr jeer ka dul baxaa.

Maalintii koowaad, markii uu barwaaqadaas ku dhammaystay, ayey subixii markii la gaaray ay ku tiri, “Berri ma kuugu celiyaa?”, suuye, “Haah walaalay”. Sidii shalay oo kale si ka daran ayey u casuuntay. Dhawr beri bay sidaas u samaysay. Maalintii kale ayey ka aamustay, markaas buu markii uu baxayey, ka codsaday in ay sidii oo kale u samayso, waa se ka cudurdaaratay iyada oo eegaysa falcelintiisa, kolkaas buu inta xabadka saaray oo labada dhaban markii ugu horreysay ka shunkaday, aad u baryey. Waa ka yeeshay. Wiilkii waa ka go’ay saaxiibbadiis, waxa uuna u go’ay xaaskiisa. Odaygii iyo habartii baa la yaabay is beddelka wiilka ku yimid! Inta ay hawashaan ku jirtay ayey misena wadday in ay odayga iyo habartana kalsooni ka abuurato, taasina waa ku guulaysatay, waxa ayna gaartay in masruufka sida loo soo qaado iyada loo dhiibo.

Maadaama wiilku guriga ay ku soo xirtay, waxa ay ku fekertay in ay ka yarayso qaadka marduufka ah ee uu qaato iyo labada baakad ee sigaar ah. Marka uu qaadka la yimaado, sida ay kol ugu sheekaynayso, jeer Laadhuu ula ciyaarayso, marna ay ula faraciyaarayso, bay sida uga duufinayso arkaa iyada oo xilligii uu ka kici jiray la joogo, iyo isaga oo saddex mijood u hartay iyo baakad sigaar ah. Inta iska duuduubo ayuu seexdaa. Kolkaas bay maalintii dambe saaxiibti u sheegtay in uusan lacag khasaarin ee in ku filan uu qaadka ka soo qaado. Sidii ay sidaas ugu wadday waxa ay gaarsiisay in uu rubac gaaro iyo baakad barki sigaar ah.

Maalin baa iyada oo ka fekeraysa tillabada xigta ay qaadi lahayd, waxa ay soo maqashay in ay bilaabanayaan tartanka ciyaaraha degmooyinka. Kolkaas bay jeclaatay in uu ka qeyb galo oo ay ugu beddesho midda Laadhuuga, oo ay jaadka uga jarto. Arrintaas bay inta la socodsiisay bay weydiisay in uu ka qeyb geli karo. Markaas buu u sheegay in uu ba laacib hore ahaa isla markaasina yaqaanno maamulaha kooxda degmada u ciyaarta. Inta faraxday ayaa hadda waa u dheganugul yeehee, kula talisay in uu ka qeyb galo. Intaas kaga ma herine, inta subixii ba kaxaysay ayey geysay meeshii, kolkaas baa ninkii madaxa kooxda ahaa oo waa hore isugu dambeysay inta xabadka is geliyeen, isku burureen. Waxa uu ka codsaday in uu kooxda ku biiro, markaas buu inta ka yeelay oo siiyey dharkii kooxda, ‘subax walba iyo galab walba imow’ yiri, isaga oo u sheegay in uu balwadda joojiyo, oo aan loo oggolayn ciyaartoyda. Markii ay gurigii geysay ba sidii ay u maaweelinaysay ayey galabtii markii la gaaray, inta maaliyaddii u gelisay, kolkaas geysay meeshii. Haddana subixii kallihisay. Inta uu tabarbarka qaadanayo kama harto kamana tagto, aad bayna u dhiirrigelisaa, kolka guriga la yimaana u sheegtaa in uu ugu khatarsanaa ciyaartowda. Sidii ay tabtaas ugu wadday, waa ka jartay qaadkii iyo sigaarkii, waxa uuna ka qeybgalay tartarka ciyaaraha.

Markii ay ka jartay, ayey misena ku bilawday in ay sheekooyinkeedii u beddesho dhinacda hormarka, dhageysigii heesahana ugu beddesho Qur’aanka, kolkaas bay ku hanuunisay in uu salaadda tukado, dabadeedna masaajidda ay ku xirto, isla markaasina kula talisay in uu waxbrashadii dib ugu laabto, kolkaas bay inta dugsi sare ka bixisay, jaamacad misena ku biirisay. Intii uu jaamacadda ku jiray ayey kula talisay in uu shaqo raadiyo si ay uga xarooban biilka gabadhaha. Sidii uu wax u raadinayey, NGO buu shaqo ka helay. Markii uu jaamacaddii dhammeeyey ayuu misena UNDP shaqo ka helay. Maalintii uu shaqo bilaabay ilaa iyo hadda mushaarkiisa waxa uu ku soo dhacaa koontadeeda, iyada ayaana qoondaysa.

Wiilkan sidii uu gabadhan u guursaday, weligi dhar iyo catar ma soo iibsan, waxa uu guriga ugu yimaadaa dharka iyo udgiyeyaasha ugu qaalisan ee uu ku soo baxayo. Abidki gar iyo shaarub iyo kuwa cawrada iska ma xiirin, oo saaxiibtiis baa u kallan. Waqi keligiis inta musqul galo iska ma qubaysan, ma ba dhici karto iyada oo aan u qabeyn in uu suuliga ka soo baxo. Ma bixi karo iyada oo dharka ay rabto inta u geliso, u saliideyn, u shanlayn, kabaha u baalashayn, oo markaas inta labada dhaban ka shummiso aysan sagootin, oo weliba inta uu ka libdhayo, dhoollacaddayn iyo gacanhaatin ku sagoontin. Kolkaas buu marka uu magaalada soo galo, waxa uu noqdaa ninka ugu ooga qurxoon, ugu dhar bilicsan, ugu udud badan, ugu na deggan! Kolka uu guriga imaanayo, waa madaxweyne dalkiisii ku soo laabtay.

Hadda gabadhii waxa ay ku nooshay noloshii inta aan la guursan ay fekeri jirtay mid ka macaan. Guri weyn oo ay iyadu iibsatay bay deggan tahay, oo ay ka shaqeeyaan laba gabdhood oo shaqaale ah. Gaari raaxo ah oo noocii ugu dambeeyey ahna waa ku socotaa. 6 carruur ah oo qurxoon ayaa u joogta oo dugsiyo qaali ah dhigta. Dhaqaale ay maamusho oo ay sida ay doonto ka yeesho. Waxa ay la nooshay nin indhiihisa ka jecel oo, rabbaayad ah oo ay boqorad u tahay, oo aan far dhaqaajin karin in uu iyada oo la tashado ma ahane, oo weliba aamisan in ay noloshiisa oo dhan leedahay. Wiilka hadda gabdhihii oo dhan baa daba ordaya, kolkaas buu mid kasta ku dhahaa, “Abbaayo ninkaan heer kaan naag baa soo gaarsiisaye, iyada iga doono!”, markaas bay gabdhihii oo dhan ka fiigeen.

W/Q: Suldaan Nayruus

SHEEKOOYIN