Gabay Baaq iyo Baroordiiq ah W/C Cabdijibaar Aadan Gaas.

 

12998739_782641968537306_7305582189993715729_nWaa Gabay  Baaq iyo Baroordiiq ah oo ka hadlaya  Aafadii cuslayd ee ka dhacdey  Badda u  dhaxaysa  waqooyiga Afrika iyo  Qaarada Yurub ee Madeterian Sea,  Aafadan ayaa aheyd mid aad u culus oo saamaysay guud ahaan Geyiga Soomaaliyeed  Shanta Gobol ee Soomaaliyeed,  guri walbana  waxaa gaadhay  geerida  sokeeye iyo xigaal, Abwaanka oo arrinkaas ka duulaya  ayaa wuxuu bulshada Soomaaliyeed dhinac walba ka tusayaa inay u tabaabulshaystaan siday  dibadda iyo dhul shisheeye uga maarmi lahaayeen. Wuxuu yidhi Abwaanku:-

 

  • Baddu may liqdeen wiilashaad, baxa tidhaahdeen
  • Mana ay baroorteen hablihi, barada sii joogay
  • ————————
  • Shisheeyuhu inuu belo yahoon, lagu badhaadhaynin
  • Dhallinyaradi booqdaye u tagay, ba’he waydiiya
  • Inaanay maganna noo bixinahayn, waa bar aan hubo’e
  • Siyaasiga kan daba boodayana, ugu bushaareeya
  • Badhkii naga socdaaliyo warsada, barada ceptown
  • Roondadu markay badatayiyo, belo taxaabaysa
  • Nin ragihi bi’iisuu wershaa, bili karaacaaye
  • Buste wayn ragii lagu deday,e baco lasii saaray
  • Ee baafka lagu sii genbiyayiyo, baaldi wixi yaaley
  • Ee la yidhi burkaa nooga taga, ba’he weydiiya.
  • Bayruud kuwii lagu xidhxidhay, bananka siinaay ah
  • Suuriya kuwii u baxsadiyo, dimishiq baasheeda
  • Ee ruushku buufinahayooy, ba’ahe waydiiya.
  • Sidii baarqab geel lagu daroo, baasha ka higooday
  • Oo koox ba’naanniyo eryaday, koromo buubaal ah
  • Kuwa badhaq nuglaadaye warsada, toos u baydadaya
  • Baddii ay bannaanada jiraan, dhoodi badheheedi
  • Bari iyo nugaal iyo hadduu, baasha mudug joogo
  • Haddii uu berbera iyo burciyo, booramaba joogo
  • Baradii hargeisa iyo hadduu, xamar belwaynaayo
  • Beledwayn haduu raaxadii, bilicdi uu joogo
  • Jawhar iyo babaygii halkaa ,webiga bawdkiisa
  • Bu’aaliyo kismaanyiyo hadduu gedo banaan joogo
  • Baay iyo bakool iyo hadduu, buur hakaba joogo
  • haddii uu bariisanayo hooy lama beleeyeene
  • Baddu may liqdeen wiilashaad, baxa tidhaahdeen
  • Mana ay baroorteen hablihi, barada sii joogay
  • Haddii ay bangeelle iyo jiraan, balanbal hoostiisa
  • Haddii ay barqanayaan halkiyo, baro gobaadeedki
  • Guriceel banaanadi kuyaal ,ay barxanayaanba
  • Burji weeye geeluye hadduu, baasha kala joogo
  • Barqo dhereg dhulkii weeye uu, nala bulshaynaayo
  • Bilicdii cadaadiyo hadduu, badhaxley noo joogo
  • Ama baro xarardheere iyo ,bawdka galinsoor ah
  • Burtinle iyo bacaadwayne iyo, soolashii bariga
  • Boocame hadduu joogi laa, maba basaaseene
  • Buuhoodlewayniyo Shaxdii ,baallo Qararroodle
  • Bartii Adhicadeeyiyo Nugaal, waa barxanaysaaye
  • Callo bari sanaag baa nimcad,i buuxisoo xidhane
  • Baddii looma dhicin oo kalluun ,baaxad laa wadhane
  • inkastay belaayiyo jiraan, cadawna baal joogo
  • inkastuu siyaasigu bakhsuu, baaqigii gadayo
  • Inkastuu bartii caymataba ,bool kusoo xidhayo
  • Boqolaal kun baa nagu jiroon, baayac gelahayne
  • Bogcad waliba way fuudhsantahay, waana loo bogiye
  • Ballan xoog leh baan ogahay ,iyo barakacoodiiye
  • Berri iyo salaasada tan kale ,biliga aan dhawro

 

Waxaa Curiyey: Cabdijabaar  Aadan Gaas.

Ammin: 18.04. 2016

SHEEKOOYIN