Gabay Baroordiiq u ah, Qoraa, Abwaan Xuseen Sh Axmed Kadare.

Gabaygan Magacii waa MUDAN XASUUS, waxaan ugu talo galay inaan kaga qayb galo, xuska iyo xasuusta Sooyaalka Marxuum Laashin Xuseen Sh Axmed KADARE, Marxuumka oo aynu ka dheregsanahay taariikhdiisa waxqabad iyo heerkii uu bulshada Soomaaliyeed ka taagnaa, sidoo kale wanaagii iyo waxtarkii uu uga tegay bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay maanta qoraalkan aan ku gudbinayo Gabaygan, ayaa ah mid aan la ilaawi karin, waxaan leeyahay” Wixii qoranba quruumo hadhee, Muxuu hadal qiimo leeyhaay, Qoraaga, Abwaanka, Mu’alifka, inaga tegay ayaa mudan in laga sheekeeyo milgihii iyo miisaankuu ku lahaa Bulshadiisa waana kan Gabaygii.

 

 

 

Gabay miiran, miid lehiyo duluc, Mug iyo miisaan leh

Mabdi’iisu yahay murtiyo, Dhaxal ma guuraana

Murugada dhacdiyo aan ka tirin, Minanka aafoobey

Malkadii Kadare aan ka tirin, Macalinkii guusha

Ayaan marin maqal jaalkayoow, Miimka hadafkiisa.

 

Mashaqhiyo adduunyadu badnaa,maalin lagu hoogo

Dunida macaan iyo qaraar, Madalba waa cayne

Marbaad farax la muusooneysaa, Lana muraaqoone

Marbay miirka tiiraan culus, Maanka kaa geliye

Waa laba mataana dhibkiyo, Madhax wanaageede.

 

Malagu waa qoraal oo ma jiro, Ruuxu maldahayaaye

Inkastoo midweyn iyo saqiir,Maydin gabigeenba.

Mashaayiikh koleey tahay marwiyo,Miman maqawiira.

Mid nawada sugaayiyo,Qabrigu, Marin jid weeyaane.

Geeriduse markay ruux mulkidaad,Murug dareentaaye.

 

Mucjisadii afkeeniyo naxwaha,Miraha suugaanta

Murti iyo raggii lagu ogaa,Godad lamiisaamay

Maansiyo raggii tirin ogaa,Muunad gabygii leh

Manhajkiisa ninamkii ka baxay,Hadal macaankiisa.

Mayaay hooray oo kale ragguu,Maaxday godolkoodu.

Layskama marsheeyee raggii,Mariyay taariikhda.

Mowqifkiyo raggii beegsan jiray,Meeshii laga haysto.

Aragtidi Abwaan muujiyee,Tixa ku maareeya.

Raggii magaca soomaaliyeed,Muujaybaa tagaye.

Kadarana hadduu mawdku helay,Waa madoowdahaye.

Maantana inaan gabay tirshaa,Lagama maarmaana.

Madashuu banneeyaan cidina,Noo matala hayne.

Inuu mucalimkeenii ahaa,Waa mid igu wayne.

Koonkaan allaha maamulaan,magan sanaayaaye.

Qabriguna madow iyo maxbuus,Muranla weeyeene.

Malaa’ iga su’aaliyo jawaab, Miiran baa jira’e

Naxariis inuu muud sadaan,Mowle uga tuugay.

Janadii inaan laga martiyin,Waa middaan rabo’e

Xuural cayn inuu meel dago,Waanku mala wayna.

Micigiisa nabigeena noqo ,Maalin iyo laylba.

Koleey dunida moodaye akhira, Meel San lagu seexi.

      La midoow saxaabadii dhammaan,Mooro kula fiidso

 

10969078_915267901840133_270782691_o                    

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

SHEEKOOYIN