Gabay Maqsad ma leh Qabyaaladi. Curiye: Ibraahim Cawil, Cali Cuuke

Gabaygan waa mid ka tirsan silsiladda Hana-qaadday ee (Dabargoynta Qabyaaladda) Silsiladdan dabargooynta qabyaaladda ayaa ah Silsilad Gabayeed ay isu xilqaameen, Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoonyahano iyo Ardeyba leh, kalana joogta adduunka dacaladiisa, Silsiladdan ayaa ah Silsilad Suugaaneed hal ujeedo ah oo ka mideysan inuu qof weliba ku cabiro Hal abuurkiisa qaabka uu arko, dhibkeeda iyo sida looga badbaadi karo, Silsillada ayaa ka socota, Golayaasha Suugaaneed, ee Barta xidhiidhka Bulshada, “ Facebook” Golaha Tartanka Suufgaanta, iyo Golaha Abwaanka iyo geedka Suugaanta.

Magaca: Maqsad maleh Qabyaaladi ( GABAY)
Curiye: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke
Xilliga: 25/08/2014
Goobta: Garoowe, Puntland, Soomaaliya.
1. Miinlayda Gabayeed Baryahan, Muuji malahayne.
2. Maantana Muraadkey Ayaan, Maanso Ku Caddeyne.
3. Mawjadaa Mid ii Kaydsan baan, Kaga Magawsiine.
4. Madaxdeenna Golahaa Mar Hore, Mariyay Dawgeede.
5. Dhammaan Mahad Ayaan Ugu Hayaa, Macallimiintay’e.
6. Marinkood Haddaan Qaado Oon, Meelo Kale Aadin
7. Ma’ Maddaan Kusoo Meeriyoon, Milicsi dheeraado.
8. Maqdac Weeye Aan Laga Koreyn, Muran Qabyaaleede.
9. Miskiheed Inaan Goyno Waa, Noo maslaxaddeene.
10. Is Maqiiqa Soomaali Diley,Maydka Tira-beelay.
11. Mugdi Meelkastaba Gaaray iyo, Dhiigga Mulacyeeyay .
12. Markaan milicsadaabey qalbiga, Meel I Gubataa.
13. Maqsad Maleh Qabyaaladi Waxay, Mariso Mooyaane
14. Madaxnimo Haddii Ay Heshiyo, Maamul Iyo Dawlad.
15. Mahadnaqa ILaahey Ma Jiro, Mawle Barigiiye .
16. Marinkii Qaybyaaladi Lahayd, Mariye Xaalkiiye .
17. Maskaxdood allow soo dabbaal, Waa Macno la’aane.
18. Maqsad Maleh Qabyaaladi Waxay, Mariso Mooyaane
19. Madax Sare Waxaa Loo Ridoo, Mooshin Lagu Oogey.
20. Manficiyo Waxaa Looga Jarey, Maalka Lacageed ba.
21. Macnihiyo Waxaa Hoos U Dhigey, Magaca Soomaali.
22. Waa Qabyaalad Meeqaamka Dili, Loo Mushxaradaa.
23. Maqsad Maleh Qabyaaladi Waxay, Mariso Mooyaane.
24. Marti soorka ,Maamuuska Wacan, Wey Mudugisaaye
25. Madaxnimada,Meeqaamka Sare, Wey Maxkamadeyne.
26. Midowgiyo Midnimadey Dishaa, Macangag Beertaaye.
27. Muraadkeedu Waa Baaba’ Iyo, Maafish Iyo Hooge.
28. Iska Moosa Soomaaliyeey, Waa Mas Iyo Goode .
29. Maantana Intaasaan Ragow, Soo Madiidixaye.
30. Waxaan Gabay Kusoo Meeriyoon, Meelna Uga Dhaafin
31. Maqsad Ma Leh Qabyaaladi Waxay, Mariso Mooyaane !!

Mahadsanidiin GABAY 234

SHEEKOOYIN