GABAY MISE GARAB- DAAR W/Q:Cabdullaahi Shire Yuusuf.

suugaan

GABAY MISE GARAB-DAAR

Qof waliba wax baa Eebbe u fududeeyaa,mid baa fuundi nimada ku sabcan oo ay u sahlan tahay qaab ka wax loo dhiso,mid baa yaqaan sancada birta iyo tumideeda,mid baa ku caan-baxa dawo dhireedda oo qofkuu cudur ku arko durbadiiba geedo uu yaqaan usoo jara markaas na bukaan kii  firgigix dhahaa, oo xanuunkii ka biskoodaa,mid kale nawaxaa looga  danbeeyaa haddalada xigmaysan sida maansada iyo maahmaahda,oo isaga oo jeenjeensan,kana fekerin suugaan dux iyo macno wanaagsan ku haqab-tira bulshada uu la nool yahay.

Soomaalidu waxay ka mid tahay dad ka wax curinta lagu

kuunyo.Waxaa marag ma doonta ah in sooyaalka taariikheed ee Soomaalida laga helayo suugaan fac-weyn taasoo,macnaha ahaan iyo miisaan ahaan baaad u cuddoon,kuna qoton ta xaqiiqo iyo xigmad ballaaran.Adoo meeldheer ka dayin,waxaad raadisaa jilib hoosaad kiina inta nin oo gabyi jirtay,Soo tiro aad u badan maaha?

Haa,runtii wey badan yihiin.Ogoow jilib hoosaad kasta oo Soomaaliyeed,intaas iyo in ka badan ba way lahaayeen;hadda ba waxaamuuqata in Soomaalidu yihiin umad suugaan ta deeq Eebbe u siiyay.

Wax tirintu ama wax curintu,waa in qof ku adeegsado hadallo koob kooban,kaasoo leh hab iyo dhismo qurxoon.Hal abuur ka wax tiriya ee saxda ah,waa in wuxuu ka gabyay,ka geeraaray ama ka heesay dareen dhaba ka keenaa,amaba dhacdo ka tiriyaa.Suugaanta Soomaalidu na fikradaas bay asal ahaan waafaq San tahay.

Marka aad u dhabbo-gashid, maansada ama guud ahaan basuugaan teenna qaan gaarka ah,waxaad dareemasaa inay tahay haybad gaara oo aan qof walba lagu xuddumin.Sida dhaqan ku ahaa,dad ka wax curiya ama af-tahan ka ah,geed ka shir ka waa looga danbayn jiray,waxaana badnayd in oraah dooda golayaal badan looga haasaawijiray lana dhihi jiray “hebel wuxuu yiri” iyo wax la mida.Raggaas Af-maalka soocan ahaa,aaminidooda iyo u dhego furnaantoodu ciyaar ciyaar kuma imaan jirin,nin kastoo gabyaa sheegta barqo cad baa fagaare lagu xujayn jiray,kol kaas baa siriqdu  la roori jidhay oo uudibirta laan-dayrta la murxi jiray, ama dabin ka bood imtixaankii ka gudbay noqon jiray.Wax ba yaana u ararane,hal abuur kii hore waxaylahaayeen waxyaaba aad loola amakaago,sida: gole-ka fuulnimo,sadaalin,iyo inay wax aysan baran wax ka ogaayeen.Intaas aan sheegay kuma eka laakiin, suugaan toodu way ka qoto dheerayd,anse aan intaan eego.

Gole-ka fuul nimadu: Waa in qof ku wax tirin karo,isaga oowax uruurin,una soo fekerin,waana inaysan wakhti badan ka qaadan, oo uu sidii Faataxada dabada isugu xiraa,Hadda ba,waa run in taas hibo Eebbe ku deeqo tahay.Shire quube yuusuf yeey AHUN oo tilmaamaya sida gabaygu ugu fudud yahay, waa kii gabay giisii macaanaa ee ‘Tab iyo xeelleey’ uu ugu magac daray kulahaa:

  • “Sida geel tubdheer lagu wadaan,yara taxaabaaye
  • Sida Teeyo nirigloo dhashaan,soo tukubiyaaye
  • Tahliil uma cabbine Eebbahay,waygu taawilaye
  • Nin taleefan haystaan ahiyo,taar hawoo lala”.

Sidoo kale,Sayid Maxamed cabdille xasan oo ahaa nin  gabay badan.

  • ” Unkad diririglayn baan ahiyo,dirir ka cawleede
  • Daad soo rogmaday baan ahoo,dooxadoo yimide
  • Aan dabiibto gabaygaygu waa,dab iyo baaruude

Intaas aan gole ka fuulka ku dhaafo. In wax la saadaaliyo marar ka qaar,waa caadi oo wax adag maaha,tusaale ahaan meel is maan-dhaaf ka jiro waa sheegi kadhaa,in dagaal kaasoo socdo,hal abuur kase saadaalin toodu taas waa ka qodo fogtahay,waxaa ba dhacda in boqolaal sano ama tobonaan sano ka dib wax dhici doona ay sii sheegaan,hadda ba  ma garab-daar bay leeyihiin?Ma wax aynaa arkayn baa la shaqeeya?Ma haatuf baa wax u sahla?Dadka kale miyay Alle xaggiisa uga dhawyihiin?Waydiima haas iyo kuwa kaloo dooraba wax badan baan ka fekeray,mase helin war-celin ku haban arrintaas oo aan ku qanco.Si kasta ba ha ahaatee,waxay ila dhaafi wayday inay tahay hibo Eebbe bixiyo oo uu addoomihiisa barkood ku taawilay.Dhawr tusaale aan eegno:

Alle ha uraxmee gabyaagii aad ka qaaliga u ahaa,oo mirahacuslaa,waa Salaan Carrabay e,baa wuxuu doonay gabar,waxaa lagu xiray,laguna xujeeyay inuu faras ka abtigii keeno,oo yarad ahaan kubaxsho.Salaan abtigii waa u tagay,waase u diiday abtigii faras kii.Galab tuu rabay inuu anba baxo buu gabay sadaalina tirshay,waxaa

ka mid ahaa:

  • Xuseenoow wanaag male adduun,laysku waalaaye
  • Haddaa farasku inuu weynyahay,iyo wehel dad moodayso
  • Galab baa waraabuhu cunaa,ama la waayaaye
  • Wajaq cudur na waysagaa dhacaa,oof-wareen melege
  • Adoo werenweryiyo qaylo timid,Wegen xillaw haysta
  • Oo weerar dhacay baa nin kale,weligii fuulaaye
  • Tol widhiidhi galay geed wahdiya,ururka waayeelka
  • Wiglo jeedal lagu toociyoo,warasayoo booday
  • Bar bariiqo lagu waabiyuu,wadana xiimaaye
  • Markaasay wuxuushtiyo cunaan,haad Allow waraye”

Abwaan ku gabayga wuxuu ku sheegay,in faraska la waayi karo, ama bahal cuni karo ama ba uu bakhtin karo. Ilaahay idankii, xooga ka dib faras kii waa bakhtiyay,oo inta wiil ku booday buu kufayoo garka wadnahaa go’ay.Waxaa jira wax la yiraahdo Gabay guhaan guhaan’oo ah in gabay ama geeraar ama qayb kaloo maansada kamida wax lagu habaaro sida la arki jiray na 95%(boqol kiiba sagaaahan iyo shan) baryadaas waa la aqbalaa,gabaygaasina saa waa noqon karaa.

 

Xilligii dawladdii Cabdirashiid Cali Sharma’arke

AHUN,baa waxaa la musuq maasuqay nin wax barasho dibadaa helay,oo booskiisii qof kale la gashay.Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) oo gabyaa waayahaas caarran ahaa,baa gabay ugu caqli ceshay nin kii la khiyaamay,wuxuu gabaygaas ku caddeeyay,in dawladdu aysan ba sii jirayn oo la af-ganbin doono.Markaas uu gabayga tirinayo waa 1968dii(kun sagaal boqol lixdan iyo sideedii) si farshaxanimo ku jirto buu u qiyaasay oo ye:

 

  • “Cisho aan fogayn waxays bedelin,ciidan faro weyne
  • Caaddaas rag koray baa nabsigu,hoos usoo Celine
  • Caanuhu dhawaan bay ka quban,ciil dar loo qabaye
  • Inay curaddo khayr lihi kacaan,ciidan la arkeeye”

Gabaygu intaa waa ka badnaa laakiin anaa intaa soo xigtay, intii ujeedkayga khusaysay.

Gabyaa la dhihi jiray Shire Yuusuf Axmed oo shire quube ku magac dheeraa,ahaa na gabyaa aad loogu qadarin jiray suugaan ta dhammaan carriguu ku noolaa sida Nugaal,Sool,Mudug iyo waliba  dhulka itoobiya sheegato ee hawd ka ah,baa xilli ku aaddanaa todobaatan iyo dhawrtii wuxuu tiriyay gabay saadaalin ka bixinaya miyigii iyo baadiyuhuu ku noolaa siday noqon doonaan.

Waxaa la sheegaa inuu ka biyo diid sanaa raashin loo bixin jiray qaab hanti-wadaag ah,kaasoo si aan munaasib ahayn loo maarayn jiray markuu gabayga marshay.Isagu guddi iyo maamul ma gali jirin, wuxuu na dhaliil sanaa qorshaha guddida tuulada Magacley.Wuxuu yiri:

  • “Hadday magacley guri fiican tahay,lagama guureene
  • Guddidii xumayd iyo habruhu,ganac ma waayeene
  • Cirmartay la guurayn jireen,lagama gooyeene
  • Garanuugtu kama waabateen,GORAYGII dheeraaye
  • Goodirada kuwii laysan jiray,kama gabraar teene
  • Gucumaale aar iyo libaax,giida ma hayeene
  • Gaduuudaniyo weer kama kaceen,ariga gooyaaye
  • Sida gaado loo qabo xisbiga,lama giriifeene
  • Gaaroodi iyo saalo iyo, gubad ma qiiqeene
  • Gabiib kama dhigteen towradii,geesiga ahayde
  • Sida geel libaax galay shacbigu, dib uma guureene
  • Aniguna galbeed uma keceen,gu’gan hortiisiiye

 

Goortaa  gabayga uu tirinayo, xaaladda dalka soomaaliya waa daganayd,waana lala yaabanaa wuxuu sheegayo laakiin, gu’yaal kadib markii Jabhadii KULMIS(SSDF) samaysantay wixii oo dhan waa dheceen.Baraagihii waa la burburshay,tuulooyin kii waxay noqdeen gabiib ciidan ka Af-weyne suu rabo ka yeelo,kooxduu ka carooday ee gudida tuulada ka ahayd iyana injidii waa waayeen,waddankii miinaaciidankii dawladdu ku aaseen,reer guuraaga uu gabyaagu ku jiray na galbeed bay uqaxeen.

Waxaa dhici jidhay,in abwaannadii  muunadda wanaagsanaa ee soomaaliyeed,ay suugaantoodu ku sheegi jireen waxyaabo kala duwan.Iyaga oo geel jira ah waligood na kitaab marsan bay mas’alooyin aad u adag maansadooda ku xardhi jireen,taas na waa mid ka mida ah mucjisida suugaan-yahan ka.

 

 

W/Q:Cabdullaahi shire yuusuf.

Email: Abdallahshire892@gmail.com

 

Gaalkacyo  Soomaaliya.

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.