Habdhac maanseed cusub oo la magac baxay “Laba Higgaadleey”

Waa habdhac cusub oo lagu soo kordhiyey maansada,  Maansada Soomaaliyeed ayaa ahayd soo jireen, haddana waxaa jira in mudooyinkii wax la bartey loo yeelay, Habdhac iyo hannaan lagu kala guro, maadaama dadkii horre ay ku yaqaaneen keliya dunta iyo godka kuna kala saari jireen carabka iyo garashada luuqda.

 

gabayga ayaa wuxuu leeyahay Hojis iyo Hooris waxaana lagama maarman u ah in xarafraaca uu ku socdaa laba jeer soo noqdo, haddaba iyadoo aan waxba laga bedelin hannaankaas iyo heensahaas, ayaa waxaa lagu soo kordhiyey meeshii ahayd xarafka keliya in laga dhigo Laba xaraf oo is gudub yaal isku sina ugu jaan go’an Gabayga.

 

Anigoo ka tixraacaya habdhacan inuu yahay laba Xaraf oo kala duwan ayaan u baxshay “Laba Higgaadleey”  gabaygan hoose ayaa  ku socdaa xarafka H iyo xarafka M, waxaana la dhihi karaa Ha’leey iyo Miinleey labadaba, Haddaba hannaankan cusub ayaa ah mid kor u qaaddaya qiimaha mudnaanta Gabayga oo awal horeba ahaa kan ugu sareeya dhinaca Suugaanta, haddana haddii hilaadiyey oo la hindisay qaabdhaceed cusub wuxuu yeelayaa qiimo ka sii mudan kiisii hore Mahadsanidiin,  Gabaygan hoose ayaa ka mid ah kuwo badan oo aan ku sameeyey kuna curiyey Habdhaca Laba Higgaadleey.

Waakan Tusaalihi Laba Higgaadleey.

 

 

Hal abuurka madashiyo abwaan, Hoobal magacaaban.

Murti haybadeediyo farsamo, Macalin haaneedsha.

Muddo dheer habkii soo taxnaa, Hilinki maaweelo.

Horumarin inay mudantahaa, Maanta la hubaaye.

Bal aan laba higgaadood mar qura, Maanso ku habeeyo.

Afartaa Ha’ meeleysan iyo, Miin ma ka higaadahay.

Midda kalana iga hooya aan, Soo hor marinaayo.

Taariikhdu waa haybad mudan, Hidiyo maamuuse.

Horumarina kama maarantiyo, Meel la hiigsado’e.

Halki ay markaa taala baa, Magac u haystaane.

Maxaa laba higaadood mar qura, Maanso ka hortaagan?.

 

Huuh waan iraahdaa markaan, Hadalka maagaaye.

Muuqaalka maanyada hirkaa, Meerto halacleeya.

Kolkuu hugunka soo maagan yahay, Hinjiga meegaarto.

Malagyada hankoolkiyo markuu, Hooto mulacleeyo.

Isa soo hadoodilo mugiyo, Muruqa heegeysto.

Harraatida halkuu maagan yahay, Hadafka miisaaman.

Siduu horin uu maashoodiyoo, Moolka ugu hoobsho.

Ayaan hoobal magac dheer u ahay, Hibada maansoode.

Ha inteey ku mooreysan tahay, Miina laga haayin.

Uu midab halkaliyaale yahay, Muluq ku heesaayo.

Mar horaan ka haajiray inaan, Maqarka haabtaaye.

Inaad hubiso micnahaa ka roon, Heesta mireheeda.

 

Afartaa hadiyo miinka gabay, Hubanti moow yeelay.

Halkii uu galayr maray miyaan, Meelna ka habowshay.

Magaca laba higaadley laheyd, Horudhac muuqaal leh.

Oon laga habaabeyn marnaba, Hilinka meeshiisa.

Mugdi lama hulaalee miyaan, Marinki haaneedshay.

 

Hugunkaan maqlaayiyo afkaa, Harada moosaaya.

Hunu hunudu waa mala hinaas, Hubina maayaane.

Maryaheey intaa haatiyaan, Murana haayaane.

Waxay hiifayaan maanan garan, Midida loo haysto.

Horukaca farteeniyo murtida, Hobada maaweelo.

Ha adkaato maahee haddaan, Howl la maradhaarin.

Hiigsiga maqaamkiisa sare, Hoos ka mudhideeda.

Miyaa laba higgaadood mar qura, Maanso ka hortaagan?.

 

Waxaa habdhacan  haaneedey oo habeeyey, Axmed Xaayoow Dulmidiid

Waxaa tiriyey Gabayga: Axmed Xaayoow Dulmidiid.

SHEEKOOYIN