Gabayga Afka Hooyo W/C Hodan Sheekh Cumar

Gabaygani waa gabay ku aadan,  Sanadguurada 43aaad ee  Qorista Farta Soomaaliga taasoo horseeday inuu Afku helo,  Agab lagu kaydiyo iyo Afaaf laga soo galo , waxaan  mahadcelin ballaaran u gudbinaya, intii hore isu hawshay hirgelintiisa, sidoo kale inta hadda ku hawlan ilaalintiisa, Mahadsanidiin.afsoomaali

  • Haddaan aqalka tiir celiya jirin, sii ahaan weeye
  • Waxa udubka loo galiyay waa, yuu aguugsamine
  • Arigaba waxaa loo suntaday, waan ogsoonnahaye
  • Urta yuusan raacinana waa, loo af saaraaye
  • Ujeeddadu waxay tahay haddaan, idin abbaarsiiyo.

 

  • Ummadaan Af-iyo luuqad qabin, iimo loo yeelye
  • Ajanabigu goortuu arkuu, la anfariiraaye
  • Asalkaad u dhalataan la hubin, aayo kaaga ahe
  • Shakibaa abuurmaa illeyn, lagu aqoon waaye
  • Baadida abaajidoo kalaa, lagu eryaa jeere
  • Aadane waxaa lagu gartaa, ereyga kiisaaye
  • Bulsho iyo afkeed waa sidii, aqal iyo tiirkiise
  • Is ku eega eeggiyo markaan, Eregta qaadeyno!
  • Aqiyaar haddeey taliso waa, lagu ildoogtaaye
  • Aqlibaa ka aakiba wixii, laysku aamino’e
  • Arrad baan ka baxay maalinkii, lay agaasimaye
  • Arxan bay sameeyeen kuwii, noo agaagumaye.

 

  • Aqbaarahan ku tabin laa af kale, waan ka oon baxaye
  • Unti baan dagnayn maalinkaan, Alif la meegaarin
  • Asaaggii ninkii tuugsadaa, la ma ammaaneyne
  • Shaqalkiyo adeegsiga shibbane, oode soo xiraya
  • Afar iyo tobnaad dayax ah iyo, ubaxyo weeyaane
  • Inaan aaran joognaan hubaa, oo if noo baxaye
  • Saddex iyo afartan iyo waliba, nolasha ii laaban
  • Afka hooyo waa lama huraan,  Inaan ilaashaaye
  • Aqriskiisu waa daawiyo,  idhan barwaaqeede
  • Eraygii qalaad  inaga jira,  Waa ibtilo jaane
  • Oo aruursha Suugaanta iyo,  Arar Afeedka
  • Isirkeena weeyaan afkani, Ab iyo oodeene
  • Allahayoow  adigaa noo gartay, Erayga noo xooji.

SHEEKOOYIN