Gabayga Alla bari Curiye: Abwaan Cabdi Yare Xasan Muuse

 

images

Gabayga Alla bari

1. Awood badane Eebbow adaa, Uunka maamula’e
2. Intaan nuuxsanayn iyo intaad, Ruuxda ku afuuftay
3. Adigay addoon kuu yihiin, Gebi ahaantood’e
4. Ukun duuban iyo meelo aan, Ili ujeedaynin
5. Uur iyo calool iyo naflaha, Ku idkan meel hoose
6. Irsaqooda Eebbaha baxshaa, Adiga weeyaane

7. Ifka nuurka liyo laylka iyo, Udugga neecawda
8. Aqliga iyo Islaannimada iyo, Weliba iimaanka
9. Illaahii na siiyow adaan, Kuu addoonahaye
10. Eebbaha cadaabtiyo jannada, Uumay waa adi’e
11. Misna laba waddoo la arkayoo, Toos u ka la aada
12. Axad waliba tii uu marana, Heli abaalkeeda

13. Illaahii diyaarshee barqada, Suurku uu ololo
14. Oon ruux maqnaanayn dadkana, La itixaamaayo
15. Aroortaa qiyaamuhu dhacee, Aaminen sugayo
16. Oo milicda oogada sariyo, Ururta sii dhaafsan
17. Illaahay intuu soo dajiyo, Lagu aqsoobaayo
18. Oon ila xareediyo har jirin, Ka Alle mooyaane
19. Allaahu akbaray maalintaan, Lays inkirihaynin
20. Oo eed qofkii gala jirkuba, Marag ku oogaayo
21. Inaan cidi awood sheegan Karin, Adiga mooyaan’e

22. Eebbow waxaanahay islaam, Aaminoo qiraye
23. In kastoon ku caasinno haddaan, Arax ka naafowno
24. Adigaan illaahow baryada, Kugu la oynaa’e
25. Oo adaa amuuraha dhibkale, Eebbow kaafiya’e
26. Intaad xarafka kaaf iyo kanuun, Amar ka siinayso
27. Oo kaliya weeyee dibkeed, Waa ay ahaadaa’e

28. Eebbow adaa weyn adaan, Wehel u baahnayne
29. Adaa ugu wanaag badan intuu, Axad wakiishaa’e
30. Adigaan walaal iyo tol iyo, Kaashanayn ehele
31. Adaar weeyn abaar lagu ismiyo, Oomisaa timide
32. Dad nin beer abuurtoo ma jiro, Ku intifaacaa’e
33. Ari iyo lo’ duulkii lahaa waa, Allow sahale
34. Ishkin geel raggii foofsan jiray, Igar ma maalaane
35. Aameelka tuur kii lahaa, Madi irmaanayde
36. Abeer naaxsanaa iyo dhufaan, Gebe aroorkii’e
37. Aagaanta la ma koco ratigi ,Araxda weeynaa’e
38. Haddii owrka geel weyd la dhoco, Ido ma foofaane.

39. Amni iyo Ilaahow na sii, Aaran iyo dowlad
40. Eebbow aqsada taagan iyo, Gaajadiyo oonka
41. Ma irmaana xooluhu dadkuna, Waa itaal dhigaye
42. Indhaxumada aan horay la arag, Odayna soo sheegin
43. Xerya ebera oon ari ku jirin, Aqallo meyd yaallo
44. Umulaha aqsada dhimana iyo, Uur ku jirayaasha
45. Arligeenna waa waxan ka dhici, Eega ka horoow’e
46. Eebbow agoon iyo yatiin, Obo bannaan taalla
47. Oon qaran daryeeliyo amiir ,Ogi kor meeraynin
48. Oo aafo soo raadsatoo, ooyayaan nahay’e
49. Axadkaan abaartiyo ku dhiman, Gaajadiyo oonka
50. Istareex adduun iyo ma helo, Aamin nabadeed’e
51. Isagoon ogayn bay rasaas, Ku arax gooyaane
52. Eebbow islaax iyo na, sii Aayihii nolosha
53. Iyo qaran aruurshoon bulshada, Ka la irdhayneynin
54. Eebbow abaartiyo dhibkiyo, Oonka naga raysi
55. Adigaa daruuraha amree, Eebbow nagu quudi
56. Dhirtoo ubaxle oo mira dhashaan, Eebbow kaa barinnay
57. Duunyadoo irmaanaata baan, Eebbow kaa barinnay
58. Arligeenna oo nabad noqdaan, Eebbow kaa barinnay
59. Inaad deris is jecel naga dhigtaan ,Eebbow kaa barinnay
60. In islaamku guulaysto baan, Eebbow kaa barinnay
61. Ibliiskiyo kufaartoo jabtaan, Eebbow kaa barinnay

Aamiin.
Dhammaad.

Tiriye: Abwaan Cabdi Yare Xasan Muuse

SHEEKOOYIN