Gabayga: Dawo Curiye: Maxamed Xuseen Faarax

Gabayga: Dawo
d
Gabaygan macagaciisa waxaa la yiraa: (DAWO), dawana waxaa laga doonaa qofkii isagu daweysan, oona garanaya dawadu meesha ay ku jirto, kana madaxbannaan inta gabaygu sheegayo ee eel ah, illeyn waxaa la yiri: “Gacan Daahira ayaa wax daahirasa!” waxaaba ka sii muhimsan inuu yaqaan waxa ayba dawadu tahay. Gabaygiina wuxuu ku billowday sidan:

Dadweynoow su’aal diirran baan, idiin dareensiine
Soo diyaarsha jawaab dedi kartoo, doorbin lagu eegay
Haddii duul jirrado ee xanuun, damaqo ruuxdiisa
Waxaa dabiiba digtoorrada dhayiyo, duraha weeyaane
Ama culimmo Diin saarta iyo, DAA’IN xugunkiise
Dal dhanoo dadkiisii jirradey, yaa daweyn karaya?
Waxaan uga danleeyahay haddaan, idin dareensiiyo
Soomaalidaan dastuur iyo sharciba, diiddan labadiiba
Soomaalidaan runtii daba martee, beenta dabajoogta
Soomaalidaan dillaal iyo mallaal, dabagashee raacsan
Soomaalidaan dagaal oogihiyo, dulunka taageerta
Sooomaalidaan dubaaqada qabiil, iyo dirirta dooneysa
Soomaalidaan qabyaaladda dugsane, diirka ka collowdey
Soomaalidaan dayowdee ninkii, dumi lahaa diiddan
Soomaalidaan wixii dan u wadaba, daalaca u raacan
Soomaalidaan dabkii shalatan gubay, maanta dogob saari
Dawadeeda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?.

Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e
Soomaalidaan Libaax doola iyo, Yeeydu dabajoogto
Soomaalidaan dunji habar dugaag, dhaawac dilanaayo
Soomaalidaan Dafada duullankaa, sahan dul haadeyso
Soomaalidaan Dukuhu soo ag degey ee, duuqa suganaayo
Soomaalidaan Abeesada dadbani, jiifto derinteeda
Soomaalidaan Yaxaas labadi daan, daaqalka u joogta
Soomaalidaan dariiqey martaba, halaq ka duubanayo
Soomaalidaan Diqsigu leefayee, sii damqiyi boogta
Soomaalidaan dembiga lagu tiree, kiiska lagu duugo
Soomalidaan la daandaaniyee, lana diciifeeyey
Soomaalidaan intii laysku diray, laysku dacareeyey
Soomaalidaan la kala daadiyee, duud la ka ooday
Soomaalidaan sidii duunyadii, loo hagaag duwayo
Soomaalidaan sidii Eey dafara, loo tilmaan dirayo
Soomaalidaan sidii Dibiyadii, dhagarta loo daadshey
Soomaalidaan dalkeedii la yiri: “Hoo ku soo dumiya”
Soomaalidaan afkiyo labada daan, looga dano gaaro
Soomalidaan wedkii dili lahaa, nolol ka dooneysa
Soomaalidaan la weel duwahayoo, loo dardaar weriyey
Dawadeeda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?.

Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e
Soomaalidaan duqowdeedi iyo, culimmo dacar dhuuqday
Soomaalidaan aqoon durugsanihii, beenta daabacayo
Soomaalidaan da’weyn iyo da’dhexe, fayris dihaneysa
Soomaalidaan damiirkii dhintee, ducufa iimoowdey
Soomaalidaan qalbigu uu dilmoo, laabtu ay dubantey
Soomaalidaan dheguhu ay dameen, aragna uu daahmey
Somaalidaan calooshii la degey, oo uurku daxaleystey
Somaalidaan dulmiga beeratee, ceebta dubaneysa
Somaalidaan dambaaburo leqdee, daamurka cantuugtey
Soomaalidaan intey belo darbiday, qurunka daaceysa
Soomaalidaan dalqada laga galiyo, daamankiyo gowska
Soomaalidaan qandhadu daa’imtee, duumadu asiibtay
Soomaalidaan dabaan iyo dabaan, cudurku daanneeyey
Soomaalidaan waqtigii daahiraba, sii dibiro qaadday
Dawadeeda yaa garanayoo deeqi kara maanta?.

Afartaa diyaarshaye mid kale aan u daadego’e
Kuman dubato kuman diiratiyo, kuman dugaagiina
Kuman duula kuman dooxatiyo, kuman dagaal ooga
Kuman daanaq kuman dagagar iyo, kuman dariiq jooga
Kuman dumiya kuman uga dariyo, kuman wanaag diida
Kuman dawdar kuman doogsadiyo, kuman dabuuriina
Kuman doofil kumanyaal dalagan, kuman dareenmooga
Kun digteytar kun daneysta iyo, kuman dijaaliina
Kun daydaya kun mooryaan dulliya, kuman dafaa booba
Kun dableeya kun daroogo iyo, kuman dubaabiina
Kun wax dilaya kun u daabayiyo, kuman u dooyeeya
Kun dahsoon kun ay soo diraan, kuman dallaaliina
Kun dambiile kun la duuban iyo, kuman durbaan raaca
Kun daneyste kun ay duufsadaan, kuman dareer leefa
Kun damdaman kun damuuman iyo, kuman aqoon daahan
Kun dulloobey kumanyaal ka daran, kuman ka sii duugxun
Iyo kuman waxey doonayaan, deelka laga waayey
Iyo kuman duruusaha naxliga, daabacoo dhigaya
Iyo kuman dammane oon ogeyn, dhagarta loo duugi
Intaasoo is dacaltaalla, oo diirka ka colleysan
Dawadooda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?.

Afartaa diyaarshaye mid kale, aan u daadego’e
Kuman daacey kuman duurka xulay, kuman dalaaw guurey
Kuman deris la’ kuman kala durgiyo, kuman is diir waayey
Kuman dalagle kuman duuqay iyo, kuman macluul daallan
Kuman deegey kuman aan dubeeyn, kuman dacaam waay ah
Kun danyara kun dibjiraya iyo, kuman duruufeysan
Kun dawaraya kun doogataa gacmaha, kuman da’dood tuuga
Kun dayacan kun daryeel la’ iyo, kuman daleel yaalla
Kun dugsi la’ kun hooy daashash laa, kuman dardhoonaaya
Kun dagaagay kun duuddii ka baxay, kuman doh dheer aaday
Kun dammaaday kun dayoobey iyo, kuman wareer daaray
Kun darmaday kun deegaan kiciyo, kuman dawaareeyey
Kun la didiyey kun la kala diriy, iyo kuman la daaduunshey
Kun dowdabey kun diiqdiiqay iyo, kuman dakaan liicay
Kun loo diidey kun laga diirtay iyo, kuman la duudsiiyey
Kun la dilayo kun la dooxayiyo, kuman la daanneeyo
Kun deldelan kun daqar gaarey iyo, kuman dubaaqeysan
Iyo kuman darbiyo jiifsadoo, cidi u doodeynin
Iyo kuman dandarro heysatoo, cudur dilloonaayo
Dawadooda yaa garanayoo, deeqi kara maanta?

Dhammaad.

Curiye:
Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN