Gabayga; Duul walaala ah. Curiye, Xasan Abiib Faarax.” Xasandaaci”

DUUL WALAALA AH :-

1. Da’da gabayga waayadan ma rogin, Dabaqi saarnaaye
2. Ma durduuran maansooyinkaan, Diigga ku ahaaye
3. Ma doonyaysan geed goba baryahan, Damalki Weynaaye
4. Ma digriyin, ma daanshoon murtida, duub anoo xidhane
5. Ma daliilin , mana daah-furine , Waan dabroon dhigaye
6. Imikana ma doonayn inaan, Dihinka maalaaye
7. Waxa igu diraayoo murtida, Aan u daba joogsan
8. Damqashiyo xanuun jira Ayaan, Dabar-jaraayaaye
9. Dulucdayda maqal faysaloow, Waan dardhanayaaye .

10. Dunidaynu Joognee Khalqigu, Dulundulcaynaayo
11. Ee dacal ilaa dacalka kale , Wada dawaafaayo
12. Bani’aadamkaa daadsanee, Wada dakaynaaya
13. Dubka kuwa madaw iyo kuwaa, Diirka sare cawlan
14. Kuwa daara jeexdiyo kuwani , Duudka wada qaawan
15. Kuwa doolar haystiyo kuwani, Diiftu halakaysay
16. Kuwan wali dameer fuushan iyo, doonyo kuwa raaca
17. Kuwa dawarsanaayiyo kuwani, Dabaqyo fuulaaya
18. Kuwa cudur diloodiyo kuwani, Kibir la daacaaya
19. Kuwan daranya laysiyo kuwani, Dawladaha sheegta
20. Afrikada kuwani daadsan iyo , Yurub duleedkeeda
21. Diiwaanka sare iyo sidii, Diinta lagu sheegay
22. Midna duub u gooniya malaha, Daraja dheeraade
23. Alleheenna Daa’ima dhankii, Waa Dad Waaxida.

24. Qof kastaba dun buu leeyihiyo, Daarad gooniyahe
25. Oday uu ku daba fayla iyo , Dir iyo Caynaane
26. Mana dooranine waa miduun, Loo diyaafadine
27. Dir ISAAQ hadduu yahay amaba,Duudka GADABUURSI
28. Dagalkii HAWIYE uu galiyo, Waliba DAAROODKA
29. DIGIL iyo CALEEMAHA hadduu, Diirka la wadaago
30. Dal jabuuti CIISAHA dagiyo, Xeebta Dacalkeeda
31. Dunjigiyo qabiilkuu noqdaba, Waa mid Daahira’e
32. Damac iyo rajay wada qabaan, Doogsi iyo khayre
33. Dadaal iyo kartina way huraan, Daafac iyo hiile
34. Dulmigiyo dhibtana way nacaan, Duudsi iyo faane
35. Waa Duul walaalaha dhamman, Oo Dal wada yaalle
36. Waa Uliyo diirkeed dhammaan, Waxu dahsoonayne
37. Waa Seedi dooriyo xigaal, Loo Damqanayaaye
38. Waa labada daan iyo ilkaha , Aan la daakhiline
39. Balse daallin hoosaa jiriyo, Duul waswaas qaba e
40. Shaydaan dayuusaa heloo, Waa dhanxiir darane
41. Dagaal iyo colaad buu rabaa, dira-dirayn jaane
42. Doc-faruur ayuu doonayaa, Daawo loo heline
43. Dan-wadaagta wuu kala raraa, Daayin abidkiiye
44. Wuxu Damacsan yahay waa inuu , Dilo dhallaankeene
45. Walaalkaa ayuu kuu diraa, Saad u dabargoyne
46. Damiirkiyo wuxuu kaa dilaa, Diir-nax oo idile
47. Diintiyo wuxuu dhaawacaa, Dhaqanka duuggaaye
48. Dab markuu bakhtiya buu Midkale , Dogobyo saaraaye
49. Aakhira wuxuu daydayaa , Naar ku dubataaye
50. Adduunkana wuxuu damacsan yahay, Daadun iyo ceebe
51. Waar qabyaalad diidoo dadyahow, Haw durbaan tumina .

Curiye:- Abwaan XasanDaaci Abiib Faarax , 30/05/2014, JIMCE daaci

SHEEKOOYIN