Silsiladda; GODANE GALBAY! Waa Silsilad Gabayeed cusub

godane

Gabayga; GANTAAL!

 

Waa gabay ka faalloonayaa dilka Axmed Godane, hooggaamiyihii gafuurro duub, oo gantaal lagu ganay gaari uu saarraa ku geeriyooday, sidaa awgeed, aqris wanaagsan.

 

Gabayga; GANTAAL!

 

1.       Ga’da Gabayga Googgaalihiyo, Godadka Suugaanta

2.       Gibladiyo ciyaar garangarliyo,  Gole ka fuulkeeda

3.       Gadgaddoonka Maansiyo murtida, Geed ka tirinteeda

4.       Anigoo ka gaabsaday beryahan, Guuli ii timide

5.       Guugguuluhu warkuu sidey ayaa, Gaadhay meel kora’e

6.       Gabbalkii dhacaba waa kalaa, Gees ka soo baxa’e

7.       Galabtii tagtaba beri kaleey, cugatey Geesoowe

8.      Bal aan godolka hoose u dego, Hadalka gawdiisa

 

9.       Adduun geeddi weeyee hadduu, Gelinba geed waabto

10.     Adoo Geelu kuu dhalay hadhuub, Galacle maalaya

11.     Gaaniyo Irmaan kala guroo, Qeyba xero geeyey

12.     Nirguhuna Gunuunucahayaan, Guuxa iyo reenka

13.     Oo Guushu kuu taal sabada, Xumana soo gaafay

14.     Oo godob maleynayninbaa, Lagu Guhaadshaaye

15.     Guluf iyo colaad lagu galshaa, Geyllan dirireede

16.     Geeliyo Gammaankuna galaa, Gacan cadaawaade

17.     Markaasaad gammuun qaadata, Godobta raacdaaye

18.     Ama geeri baad doorataa, galawda dhiibtaaye

19.     Ama cadowgi waad gaabisaa, Guulna cugataaye

20.    Waxaan uga gol leeyahay murtida, Godane weeyaane!

 

21.     Adoo geesinnima sheegtayoo, Geyshash badan haysta

22.     Guddoonkaad tidhaahdaba adigoo, Gaadha Miridhkiiba

23.     Adigoo geddaad doonaysaba, Gacanta taabayso

24.     Adoo giir leh gaashamanoo, Kibir la geeraara

25.     Adigoo Garnaylkiyo hub badan, Gurada kuu buuxo

26.     Gabagaba adigoo gambiya, Guri wanaag yaallo

27.     Ayaa guuto kugu soo baxdaa, Gaasas xoog badane

28.    Durba galalaf bay kugu ridaan, Gaadmo dirireede

29.     Inta lagu gantaa baa haddana, Lagugu Guuraaye

30.    Gacantaada waxaad haysataad, Orod ka Goobtaaye

31.     Naftaadaad gabaahiir cidla ah, Kula go’doontaaye

32.     Gaban aan aqoon kuu lahayn, Giirka kaa kiciye

33.     Rasaas gubaysa jiidhkaaga mari, Geeri kuu dalabye

34.     Adna ciilka gaamurey qalbiga, Gooh ku reeb culuse

35.     Waxaan uga gol leeyahay middii, Gaadhay Gocorkiiye

 

36.     Godane waa god galay Geeri baan, cid gefeyn jeere

37.     Gantaalbaa ku dhacay lagu ganoo, Goobtey keligiiye

38.    God la qodiyo muu helin cid, Iil gelisa maantaase

39.     Mana gaadhin hadafkuu lahaa, Ceeb gunaanadaye

40.    Wuxuu gano masaakiinta gebi, uu Gacmaha gooyo

41.     Wuxuu gabadh asaay guudka iyo, Geesaha u saaro

42.     Wuxuu Gaban agoomeeyaye,  Ciil la Goroyoobey

43.     Wuxuu Hooyo gibilkeed jaree, Uu goblamiyaaba

44.     Wuxuu goosan iyo goosan uu, Guba dadkiisiiba

45.     Wixii uu gumaadiyo xasuuq, Geystay baw qorane

46.     Gaar hoose wuxuu guure diray, Garacyo aan daalin

47.     Dhibkuu galay  haddaa looga gudi, Guulle waa Magane

 

48.    Godane waa god galay  geeri baan, Cidi gefayn jeere

49.     Mas galaalan Good buu ahaa, Geesa dheerna leh

50.    Ganta iyo xanuunbuu ahaa, Gubayey jiidhkeene

51.     Gafaniyo qaniin buu ahaa, Ganayey laabteene

52.     Gulcub beerka gunudduu ahaa, Gibil madoobaaye

53.     Gedihii Fircoon buu ahaa, Gacalkii Haammaane

54.     Inuu go,o dadkaa wada jeclaa, Goor iyo ayaane

55.     Hadduu guurey waa guul horliyo, Nabad galkeeniiye

56.     Alleylehe inaan gabay tirshaa, Waa ged aan rabaye

57.     Waxba Gabaygu yuu ila gudbine waxaan ku soo gaafay

58.    Saciidoow {1}ku Guuroow adaan, Cidi ku gaadhayne

59.     Faaraxoow {2}ku geeraara adaa, Geed fadhi ahaaye

60.    Dhammacoow{3} galaa bixi adaa, Garan godkeediiye

61.     Gaalkacyoow {4}murtida gaaf, Adaa guurti ku ahaaye

62.     Hal abuurradoow Godol murtida, Waa Geddaan rabaye.

 

Waxaan ku halqabsaday Raggan Hal abuurka ah ee kala ah

  1. Maxamed Xuseen Faarax
  2. Bishaar Dhamac Kediye
  3. Yaxye Maxamed Xaashi(Gaalkacayo)

05/09/2014

Cabdiraxiin H. Galayr

Gaallo Diid. Gabaygii Labaad ee Silsiladda” Gantaal iyo Godane”

 

  1. Adduunyadu iney gadoon tahay, Gubatayoo qiiqday
  2. Geba gebo inay tahay wakhtigu, Gelin dambeed joogo
  3. Waxaa kuu garawsho ahoo aan, Geedna qarinaynin
  4. Muslim gaalo taageerayoo, Diinta gaasiriye
  5. Gol jileec umuujiyo xigtiyo, Gacal wadaagtiiye
  6. Danihiisa gaarka ah bay, Gudub is taagaane
  7. Isagoo gantaalaha la dhaca, Gebi ahaan toodba
  8. Isagaan marnaba kala gurayn, Gabadhyo wiil toona
  9. Isagoo gubaayoo dhamaan, Mariyey gaaleefta
  10. Isagoo ka gaan iyo ka gaan islaam, Guraya raadkiisa
  11. Isagoo gumaadkiyo la raba, Geba gebayntooda
  12. Nugliyeerka gooshiyo bambada, Badi la goobaaya
  13. Waa igu gabbaan nimo inaan, Garabka saaraaye
  14. Taariikhda guunka ah waxuun ,Baad ka gunudaaye
  15. Abwaan Jirey guyaal horre, Waxaan kasoo gaadhay
  16. UMA gabayno maantii islaam, Gaalku weeraro e
  17. Aniguna gedaasan ahoo, Galabta joogaaye.

 

  1. Afartaa guntaye haddaan, Gudub u weydaarto
  2. Gefimaayo wixii dhiciyo, Geylankii jiraye
  3. Inkastuu godkii aakhiriyo, Geeri ku ekaaday
  4. Xusbigiisu wuxuu geystay, Baan gacan la saarayne
  5. U garaabi maayoo marabou, Waqay goddoomaane
  6. Inkastuu gadaafiyo ku kacay, Xaajo laga giigo
  7. Inkastuu gumaadoo shacbiga, Aad ukala gaabshey
  8. Inkastuu gamcaha iyo lugaha iyo ,Madaxa qaar gooyey
  9. Inkastuu halyey gowriciyo, Gaaridii dumarka
  10. Inkastuu culimadii gabriyo, Kii wax garanaaya
  11. Inkastuu gurmoodkii tirtiray, Gamaska leefsiiyey
  12. Inkastuu gabaahiir ka dhigay, Guriga reerkeena
  13. Inkastuu gebi ka riday amliga, Guula uga dhaartay
  14. Hayeeshee gaalkaa ka daran guul darays tuhuye
  15. Taniyo goortii naflaha ,Garasho loo yeelay
  16. Guuleheen abuuree ,Dunida guud keenay
  17. Gaal iyo islaambay ahayd, Galab la joogaaye
  18. Guluf iyo colbaa Jirey, Laysku gelayaaye
  19. Mana gedmane sidii baa ,Laysu gurayaaye
  20. Guul Kama hantiyo qofkii, Gaal urixiyaaye
  21. Godka haysa seegina Aduun, Waa galab carawtiine

 

By ismaaciil Cali x jaamac

Gabaygii Saddexaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”

 

Silsiladii Godane. Gabaygii Saddexaad.

 

{Gar naqsi}

 

  1. Godka maanso geeraarka mudan, 
gabaya luuqdiisa
  2. 
Guurowya shiribkiyo hiddahaan, gaar wax ugu sheego
  3. 
Ayaamahan ka gaabsaday dantaan, Laga gudbeyn jeerre
  4. Gefya qadaf xumiyo gaasiriyo, Goddob walaalkeyna
  5. 
intaan galay ganaax igu madhicin, xeerku waa gunude
  6. 
Oo gabaygu
 kaa xiran ma dhihin, guurti madal joogta
  7. 
WaxansE uga gaabsaday inaan, Gole ka sheekeeyo
  8. Is gefkiyo gar duudsiga batiyo , Gaar isugu jeedka
  9. 
iyo godobtu meeshey eheyd ,Gees ka marinteeda
  10. Gartu meesha ey leedehey, Guuriyooy degiye
  11. Gaarreey billaawaa ayaa, Xubinta goysaaye
  12. Waxan uga gol leeyahay haddaan, Idin garwaaqsiiyo
  13. 
Amba gabayga ii geeyay iyo, 
Gole ka maasoodka
  14. Oon gaashaanka maraduuga rogay ,Una ganbani waayay
  15. Haddii ow gudgude roob curtaan
,Geedi laga aale
  16. Guuguuluhu haddow qeyliyiyo,
 Galaw Dhawaaqaayo
  17. Amba geylan dirireed jiraan, Guri la seexeyne
  18. 
Miyaan gaabsan karayaa aqbaar La ila soo gaarye
.

 

  1. 
Afartaas hor galeheygiyo 
arrar, Gedeedii dheh
  2. Gobta xaal samaanteeda iyo, 
Gaamur hadalkiis dheh
  3. 
Geerida la soo sheegay iyo. Falanqadii guud,dheh
  4. 
Garaadkeygu suu sheegayiyo, K
ala gur xaajood dheh
.

 

  1. 
Afarkalena gabayadi is xigay, Gaar ukala qaad dhe
  2. GANTAAL iyo warkoow soo gudbiyay, Godane xaalkiisa
  3. 
Gabood iyo xumaan inow faliyo ,
Gucasho ciil reebtay
  4. 
Oo geeriya dil waa dhici jiryee, Godob ka siigaara
  5. Geyigeena
 keenaan ninaba, Gacale diideyne
  6. Inaan gaar ukala duugno ruux
 ,Geeri loo simane
  7. 
Amba madaxa ey garabsadaa
 ,Maggene waa guube
  8. Hadii guule oofsaday ninkaas ,Xumaha noo geystay
  9. 
Galad eebbehey baa le iyo , Mahada guudkeede
  10. Guulloow ku mahad inaan dhahnaa Wey,gudboontahaye
  11. Geedahaya xaabada balaan
, Gaar u kala qaadno
  12. 
Gaal,lama boggaadiyo halkaas, 
Garanay waa daawe
  13. Gebigood islaamkoow uyahay
 ,Cadaw ma guurraane
  14. Anoon gacalya xiisaba u qabin
 ,Garana xeeshiisa
  15. 
Guntimiyo haddaan beyco galo
,Gaaris hadafkeyga
  16. Anoon gaalka aaminin miyaan, Diinta godob,yeelay?
  17. 
Garashada ninkii siiraluhu, 
Gaarayoo aragye
  18. Goonyaha madiiniyo dhulkaas
,Gole rasuulkeeni{csw}
  19. Gaallada markuu leynayuu, Qaar gargaarsadaye
  20. Ha gorfeeyo xaajada nin ogg,i 
Garasho waadaawe
  21. 
Gudbimaayo taariiqda dhigan,Waa guntanayaaye
  22. Sooyaal waa shay guntanoow Guurahayn abide La
  23. 
GAALLA DIIDKA gabaygii ahaa, Gudub ufaalleeye
  24. Gaar latuuro male oo dhamaan
 ,Wow gedmahayaaye
  25. Geestaad ka tiri teeddi kale Aan u yara geeyo
  26. 
Abwaan jiray guyaal horre adaa, keenay Golihiiye
  27. Uma gabayno maantii islaam. Gaalku weeraro’e
  28. Gu’waxaa lafaca xaajadaa la,isu geeyaahe
  29. 
Gaamurre abwaankii lahaa, Garab isriixoodi
  30. Muslimo midkaan ku gelayn, Muumino gaara
  31. Guurtinimo midaan kugu dhaqeyn, Iyo garsoor fiican
  32. Eee qoorta kaa gooynaye Geeri kula raadin
  33. Gaal aan ku dilin baa ka roon, Godobna kuu geeysan.
  34. Galab,waliba xaajadu sibeey, Geediguu rarane
  35. Hadba xaalku geduhuu yahaa, lagu gorfeeyaaye
  36. Guurtiyo cuqaashaa yaqaan,
Kala gurkeediiye
  37. Gooba waxan isleenahay midnimo, Qaranya guul waarta
  38. Waxan uga gudbaayaa murtidu
,Waa waxaan go,ine
  39. Garnaq ruuxi doonoow ha gelin ,Eexya godobteeda
  40. Gucashiyo xanuun bow qabaa
 Kaad gardereysaaye
  41. Guullena xisaaboow gadaal
, Kuugu goodiyaye.

 

 

 

Xasan Abuubakar

By abaaji.

 

Gabaygii Afraad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”

 

Jawaabtii Garnaq Gabaygii Afraad ee Silsiladda “ Gantaal iyo Godane”

 

 

a.c. akhyaarta sharafta leh waxaan halkaan kusoo gudbinayaa gabaygii saaxiibkay xasan abuukar ee garnaq wixii aan ka iri.

Ina Godane. 07/09/14

 

Jawaabtii Garnaq

 

  1. Garnaq gabaygi aad tiri xasanow ,Helay guntiisiiye
  2. Fahamkiina geliyoo caqligu, Garay u jeedkiiye
  3. Ra’yi kala geddiga uunka waa, Xaajo gaamurahe
  4. Qofba gebi ka eeg talo haddii, Goob lasoo dhigo e
  5. Garabkaad istaagtiyo kan kale, Geestu ka abbaaro
  6. Kala gooni haddii ay noqdaan, Ceeb qof muu geline
  7. Lagumana gujayn karo nin kale, Garashadiisiiye
  8. Gonda dagidda xaajada haddaan ,Taabto gudeheeda
  9. Guruubkaas jacayl nama dhexyaal, Gacal ahaaneede
  10. Gumaadkiyo wixii ay dhigeen, Gabay ku faallaynta
  11. Ma gabbane bareer baan ku ganay, Goboladoodiiye
  12. Guulle tuugga waataan baryada, Gaasir aan iriye
  13. Gafuur duubta waan wada nebcahay, Gebi ahaantoode
  14. Godob naga dhaxaysaa jirtiyo, Ciil guhaad badane
  15. Shacaybkay galaafteen ka badan, Geedahaas baxaye
  16. Qarax goobo dumintiyo dhallaan, Gawrac lagu jiido
  17. Galma beena markhaati aan lagaran, Goobta iyo jeerka
  18. Gabar lagu rajminayoo dhagaxa, Lagu garaacaayo
  19. Diin aan garawshiyo lahayn, Dabac gar-gaarsiinyo
  20. Ku gardaadshe uunkii jeclaa, Gelid islaamkiiye
  21. Golxob bay ku qalayaan dadkii, Goodir suu yahaye
  22. Gacmahay jaraayaan miskiin, Baahi gaw yiriye
  23. Hay’adihii gar-gaarkay dheheen, Yaan la soo geline
  24. Iyagana gasiin inay baxshaan, Waa ka garanuuge
  25. Gadaafada dhibkii ay faleen, Goobis tira beelye
  26. Ina godane haddii ay darraad, Gaaladii qalatay
  27. Godkii hadduu lagalay oo rabbigay, Uu gar qaadahayo
  28. Meyd garaaca erayada gurracan, Gooddigiyo faanka
  29. Qabrigii haddaan ugu galoon ,Feento garabkiisa
  30. Ma guutooyin baan jabiyayoon, Guul kasoo dhaliyay
  31. Mise carada igu gaaran baa, Gaabis noqonaysa?
  32. Gar wadeenkii nool baa dagaal, La isu giijaaye
  33. Midaan eray ku gaarsiin karayn, Giirka haw kicine
  34. Gabraarsadaha dilay ee garnayl, Guba ku liishaamay
  35. Gacal iyo tol lama aan ihiyo,Garab walaaleede
  36. Dana gaara buu leeyihiyo ,Gaadmo uu dedaye
  37. Gebigii islaamkuu rabaa, Inuu gumeeyaaye
  38. Gabashadase wuxuu kaaga dhigi, Guul nin kuu wada e
  39. U garaacday sacabkee mar kalaad, Garan dhibkiisiiye
  40. Garaadkii indhuhu waxay dayaan, Goob ka aragoode
  41. Gadaal baa wax loo fiiriyaa, Gooshka say noqone
  42. Garnaqsiba waxaa kuugu,filan, Gacalayaasheene
  43. Falastiin gumaadkaas ku dhacay, Kama gadoodaane
  44. Ciraaq gudurku siduu uga hirqaday, Daawashaad geliye
  45. Afgaanbaa la gaasiray dhammaan ,Guxush ma reebaane
  46. Siiriyaa gamboontoo islaam, Lagu guhaadshaaye
  47. Liibiyana wataa gubatayo, Gaagna uu harine
  48. Inagana garnaylkii qabiil, Guudka noo suraye
  49. Mabda’ gaalo weeyaan waxaas, Garanna maysaane
  50. Googoynta kala qaybintiyo, Gooni kala geynta
  51. Waa ged uu yaqaanoo waqii ,Nagu gabraartaaye
  52. In amxaar gumaystaan ka baqi, Gebi dhulkaygiiye
  53. Maxaan wiil yaroo iilka galay, Uga dul geeraari.

 

Curiye: Xasan Bulxan

Gabaygii Shanaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”

Jawaab Garnaqsi.

 

  1. Samiyow geyigi iyo arlada ,Gebi ahaanteedba
  2. Guluf iyo colaad baa Rabbigay, Geliyey waa yaabe
  3. Anagana hadii gaar ahaan,Goohu bixiwaayey
  4. Gacal iyo xigtaba aysan jirin ,Waxaan garsiinayno
  5. Oo nabadi geed dheer korkiis, Gooshkan lagu laalay
  6. Gumaystaha na guulguulayiyo, Ciidamada guuxi
  7. Gobolaysigaan nagu dhacee, Qaarba gacan taagtay
  8. Amxaarada barbaa gacalsadoo, Diiday gacalkiiye
  9. Gaalkaa islaamkii xasanow, Saaka guud maraya
  10. Gantaalaha ninkaa inagu ridi ee, shacbigi gaabshay
  11. Gacan anigu siin maayo, Iyo guul inuu helaye
  12. Guulow xaqii nagu gargaar, gaabis baa nahaye

 

 

Curiye Xasan Geylan

 

Gabaygii Lixaad ee Silsiladda ” Gantaal iyo Godane”

 

Waxaa uu jawaab u yahay Gaal diid magaciisuna waa ” Godob diid” Wuxuu si gaar ah

ugu Socdaa Ismaaciil.

Godob diid.

 

 

  1. Ma amaanin gaal garab ma siin Mana gargaareyne
  2. Gacaniyo umaan falin asxaan, Gole la keenaaye.
  3. Ruuxaan garaad badan lahayn, Geeda sare jiidhye
  4. Garmaamaynta waxay kaa ridaa, Gebiyo dhaadheer
  5. Go’aan layska rido waa gedii, Reer Gafuur duube
  6. Muslinkoo la gaaleeyo waa, Dhaqan gumeedkiiye
  7. Gaydh inuu nin leeyahay maha, Diintu Gacaloowe
  8. Galad weeye guuluhu dhigoo, Ruuxna gaar marine.
  9. Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
  10. Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka.

 

 

  1. Hadduu Aar Galaaftiyo micida, Kula dul gawriiro,
  2. Ood haysan garab kaa celshiyo, Gacal ku kaalmeeya.
  3. Oo gaal Gamuun kaaga rido,Galaba xaalkeeda.
  4. Gurmadkaama rabo maad ma odhan,Gaal ayaad tahaye.
  5. Mise gool ayaad qali lahayd, Gudis Abaalkiisa.
  6. Muslinka iyo Gaalkaa camirey, Gude adduunyaade.
  7. Guulaa ku wada beerayoo, Geesba qaar dhigaye.
  8. Gardariyo midkaan kugu falayn, Gacan togaaleynta.
  9. Een guriga kaaga ah gubeyn, Godobna ku geeysan.
  10. Iyo Gocor Muslina oo intaa Ganaya Dhiigaaga.
  11. Go’e labada keebey Gar tahay, Guluf wadaagiisa.
  12. Inaad gaalo gurigeed degtoo, ganacsi kuu yaallo.
  13. Cidi kugu giriifayninoo, Gaadhna kaa qabinin
  14. Ismaaciil gedaa wa ogahay, Galabta maantaahe.
  15. Waxba Godane hay odhan dadnimaa Hiilka i gelisay.
  16. Waxba gacanta hoos laabaniyo, Gorofyo hay dhiibin.
  17. Dadku laba Garoon buu u baxay, Guri uu joogaaye
  18. Gobonim mid doonaaya oo Godane diidaaya
  19. Oo geeridiis ay u tahay ,Guul usoo hoyatey
  20. Iyo duul gumaadku faliyo, Godobta taageersan
  21. Sida Ganatadii uwatiyo ,Idil gafuurduubta
  22. Dhanuun labada Gees noqon dhexdaad, Gaardiyeysaaye.

 

  1. Go’aan qaaddo oo Meel uun u guur, Gudistu waa ceebe
  2. Gabaygaaga adigaa ku qirey, Dhiiladuu galaye
  3. Adigaa geedka marag weyn ka furey, Goobuhu falaye
  4. adigaa Garawsaday xumiyo, Gawdhiskuu wadaye .

 

  1. Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
  2. Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka
  3. Keebaa Gumaad nagu ridiyo, Gebogebayn joogta?
  4. Godka kee ku wada gurey dadkee, Gacalka naafeeyey?
  5. Keebaa garnayl nala dhaciyo, Bamamka guuxaaya?
  6. Keebaa Go’doon naga dhigiyo, Gooyey magaceena.?

 

  1. Ged kalaan ku weydiinayaa, Geli garaadkaaga
  2. Bal garwaaqso googaalihiyo, Hadal gobaadeedka

 

  1. Godanuhu intuu dilay haddaad, Geliso buuggaagta
  2. Intuu goob ku gawracay haddaad, Tirada guud baadho
  3. Gacmahiyo intuu qoorta jaray, Goobto magagooda
  4. Iyo Gaalka godobtuu ku falay, Geeska Soomaali
  5. Bal midkii Gardaran ii cadee, Waan garamaynaaye?

 

  1. Gar waa loo islaambaa la yidhi,Geedey joogtaba e
  2. Gaal dil oo gartiisana u mari, Waa gob xaalkeede
  3. Gabgab lama rabiyo muran, Inaan Gool ka dhiganaaye
  4. Ged bax hadalku waa lama gubaan, iyo Ged waayeele.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr.

 

Silsiladda; GODANE GALBAY! Waa Silsilad Gabayeed cusub

Waa gabaygii 7aad ee ka mid ah sisiladda “GODANE GALBAY!” ee halkan hoose ka daaloco;

Gabayga Godane Galbay!

 

Waxaa maanso geeraar tirsho, Amasa guuroowga

Maskax aan gureynine Ilaah, Galiyay suugaanta

Ciil ninuu u geeyaa gocdoo, Garashadii maala

Iska goobid maahoo murtidu, Shay la gadayaaye

Gunno uu Ilaahay baxshiyo, Garasha weeyaane

In kastoonan gaarahayn raggii, Galiyay taariikhda

Shuuriye[i] geddiisiyo Kulan[ii], Geesigii Maxamad[iii]

Godadkii Jimcaaliyo[iv] Saciid[v], Gacalka Xaayoowa[vi]

Geelliyo[vii] Subkanihii dirnaa, Gaarhayoow Raage[viii]

Guddoonkii murtida lagu yiqiin, Guud ahaan taga’e

Aniguna inaan soo gudbiyo, Wow garleeyahaye

Kama gaabsan karayoo farriin, Gaarran ii timide

Gallad iyo wanaag baan heloo, Guuryey hororkiiye

Godanana god hoosiyo la gee, Guri ma guuraane

Bal guddooma caawaba intaan, gogoldhig weeyaane.

 

Waxaan gogosha riimiyo wuxuu, nabad ku geeraaro

Gablamihii darraad bey dileen, Gaala qurunleeye

Gumicii Obaamaa ku dhacay, Goor habeennimo

Wuxuu gabi dhacleeyaba hadduu, iishay waa guule

Gu’ noo da’ay, galalkoo biya leh, Guulle mahaddiis dheh

Geel dhalay, barwaaqana la galay, Gole ciyaareed dheh

Gabbalkii Shabaab waa dhacoo, Gaabay calankood dheh

Dadkeennii gubnaa awadood, Gaare libintiiye

Gulufkiyo colaadihii haddey, gaba gaboobeen dheh

Guryosamiyo farax bay lahayd, Lagu gam’ aaya dheh.

 

Gacan dhiigle kii ugu xumaay, Godane weeyaane

Umulaha intuu gowrucuu, geesinnima sheegtay

Guudkana asaay ugu xireey, Wada gariireene

Birma geydaduu gooban jiray, Goor iyo ayaane

Wuxuu gabar ogoonteeyay baan, Tiro gayeyneyne

Wuxuu gabanna soomaaliyeed, galiyay baaruudda

Wuxuu gayi colaadeed ka dhigay, Golaha soomaali

Wallee baal madoow baad gashoon, Laga gaboobeynin

Gaalada asagaa weheshan jiray, Reer galbeedka ahe

Inta kale asagaa gaal ku yiri, Diintii gees maraye

Gardarraale guul ma leh murtidaa, Gaaftay waa hore’e

Maantaba wuxuu gaystay buu, guranayaa tacabe

Gibilkii mid qarinayaabay, Geesigii orane

Garays iyo guntiinana toshay, Geesigii orane

Goorgoradda kii xiranayeey, Geesigii orane

Mid gafuurkii wada duubtay, Geesigii orane

Fulaynimo mid guuxaayeybay, Geesigii orane

Gocor maataduun gubayey bay, Geesigii orane.

 

Gobonima cirkaa gaartayoo, Gaarnay hadafkiiye

Godal qaadday maandeeq dadku, Gaaxda wuu sugiye

Gorgor iyo dhurwaa buu ahaa, Gudurigii hawed

Galayr baa “GANTAAL” iyo ku riday, Gabay awooddiise

Anna gaba gabeeyaye u sheeg, Gabanka taageeri

Gaarsiiya Cali Dheere waa, Loo golleeyahaye.

 

07/09/2014

 

Hodan Sheikh Cumar

Hodan2015@autlook.com

 

Eray bixin iyo magacyada

 

[i] Abwaan Faarax Shuuriye

[ii] Abwaan Kulan Xasan Cilmi “Jurun”

[iii] Abwaan Xaaji Maxamad Liibaan “Axyaa Waddani”

[iv] Abwaan Cimcaale Dhegataag

[v] Abwaan Geelle Ismaaciil (Geele Faruur)

[vi] Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow

[vii]Abwaan Subkane Gabay

[viii] Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil

[1] Cabdiraxiin H. Galayr

[1] Magaca Gabaygii koowaad ee silsiladda

 

 

 

Waa Gabay ga ALLAA GUUL ISKA LEH aan kaga qayb galay silsilada GODANE GALBEY.
Waana kii 8aad

1. Allaa guul iska leh oon cid kale, Garab ka tuugeyne.
2. Mahad guud eebbaa iska leh, Gun iyo baarkeede
3. Isaga midkuu uu galado, Gaari farax weyni
4. Isagaa midkuu gaasiraa, Gooni daaq yahaye
5. Qorshaheen guud waa ogyahay, Gees kastoow tahaye.
6. Gaalladu ma guulaysanoo, Gaylan baa haraye
7. Islaam kana gargaarbaa u maqan, Gacan ilaaheeye
8. Hadda gaabis waaye marbay, Gaari meel sare.

9. Hadal garasha miisaan lehiyo , Gocoshadaydii dheh.
10. Murti guud ahaaniyo oraah, Gubeysa laabtay dheh.
11. Afeef gaabaniyo hawraar guntano , Golaha taabsiin dheh.
12. Arinkale gantaal godane helay, Geeri iyo mayd dheh
13. Geesiyasha uu gubay dadkuu, Gooyey ehelkooda

14. Diinteena godobuu ka galay, Guud ahaan shalaye
15. Geesiyaasha gubanayiyo kuwa, Geedo guranaaya.
16. Intaasoo dhan waan garanayee , Dooda godolkeeda.

17. Arrinkuu galeyr sheegayiyo, Gabayga uu baadshay
18. Gaallada mid taageera iyo, Kii Garta u diida
19. Kii guba islaamkiyo dadkee, Nabada gawriirsha
20. Waa labo is garabsanahayoon. Diinta garaneynin.
21. Gaalo waan fahmeynaa danteed, Gaadmo iyo hooge

22. Kuwa diinta garabmarahayoo, Gubaya buulkooda.
23. Oo dhiig islaamana goynayo, Guusha sare moodi
24. Hooyoyinkay gawracoo , Aabe garanwaayey,
25. Goobtii cibaadada ku dilay, Gacamey shiikhiiye.
26. Garaadada kuwii laynayiyo , Shiikha iyo guule’ .
27. Waxay reebayaan garanmeynoo, Waqay gabloomaane.

28. Naftu waa go’eysaa marqudha , Godane iil aadye
29. Aftuudbyana gargaariyo malaha, Sharaf gobaadeede
30. Nin weliba wuxuu galabsaduu, Heli gadoonkeede
31. Gefka iyo xumaatada ninlaa, Goosan miraheede
32. Godanena xisaabtiisii gaar, Guule kulan siiye
33. Waxba gabaygu yuu ila gudbine, Waxan kusoo gaabshay.
34. Gacal baanahaye ukaca guud ahaan , Gala gargaarkeena
35. Gacalbaan nahaye guri dhisiyo, Qaranka Goobeeya.
36. Gacal baa nahay gobonimiyo, Gaara sharafteena.

 

Curiye : Axmed Siciid Warsame (Ciroowe)

Taariikh da 8/9/2014.

Gabay (gaaga hadhay gooba) Gabaygii 9aad ee Silsiladii GODANE GALBEY.

 

Tirsiga m. 9/9/2014

Salaasiyo.subaxnimo

W/T. Abwaan faysal goohe

 

1.Indhawayd ga’lay maanan curin mana garaadayne

2.Ma guddiyin intaan geedka tagay xaajo guradheere

3.Hayeeshee midii ila gudboon waan ganbiyayaaye

4.Maantana midaaa gollaha taal baaan ugaleyaaye

5.Gaawahaan usoo culanayaa goofka maansada’e

6.Giraantaa irmaanatay baan gees ka sooo galliye

7.Ragyahaw gadhgaydha ahe misana giirka kicinaaya

8.Geeraaradiyo markii aaaan akhriyay gabayadiinoo dhan

9.Gidigiin dhibaha waad qirteen waadna garateene

10.Hadana ways gudub marteeen kala gadoonteeene

11.Laba garab ayaaad kalla tagteeen gacale’yaalowe

12.Oodo gurasho jiidisiyo qaadisted waysla guri-geyne

13.Laysumana garaabine ragyahaw way isu gurateene

14.Garab-dhiibis lama doonayiyo waan gabyi aqaane

15.Ninkastiba gufays xoogan buu soo gingimayaaye

16.gantaaliyo wuxuu xoog hayuu goobta soo dhigaye

17.Ana aan guntiga soo xidhoo gudin usoofaysto

18.Gaalkiyo waxii aan ka qabo nimankan giir-giiran

19.Gunbaa hadalku leeyahee aan geysto eraygayga.

 

20.Gidigii islaaam waa lagalay gooobu joogaba’e

21.Gaallaa ku soo guurtayoo guraysa raadkoode

22.Iyana waaa gandoodaanoo gama’sanyiin meele

21.gol-jileec kolkii laga arkaa laga golaystaaye

24.Falastiin gumaad baa ka dhacay gabi ahaanteede

25.Boosniyana kuwaa lagu gubboo lagu garaacaye

26.Masaarida sidii loo gilgilay gaysh dhan baa maqane

27.Liibiya sidii loo golda’ay waa gawaan madhane

28.Gujiskii ciraaq lagu dhuftiyo dhibihi loo gaystay

29.Gaashaan-buurta neetuhu markuu geediga u’aaday

30.Gudihii baqdaad iyo markuu galayay kuufaanka

31.Gardaradaa kolkii loo latagay laga gol roonaaye

32.iyagaa is gawaadaye iga wallaan cidina goyseene

33.Hadii ay ka giigaaan xumaha lama galaaleene

34.Iyagaa is gumeyaye miyaa gaalku tamar dhaamay?

35.Gudoonkii sadaam ee khaldamay goondhabaa xigaye

36.Gol-dallooladiisuu tusaye cidi ma guusheene

37.Gudidii haduuudiidilaaa lama gumaysteeen dheh

38.Isna lama gawraceen gooray ciid tahay dheh.

 

39.Afartaa intii aan gadiyay gaw makaga siiyay

40.Ma gorfeeyay xaajada ragbaaa gawdha abidkoode

41.Ga’leydaan kaqaadiyo miyaan goobtii ka habawshay

42.Guntin aan furmayn iyo miyaan gurac usooyeelay

43.Afarkalena geesta aan rabiyo gogol dhigaydii dheh

44.Geddi aan ujeediyo haddaan gulucda soo taabto

45.Gudintuba ma’goysen hadaan geed badhkii galine

46.Maahmaahda guuunka waxaan ugu gufaacoooday

47.gaal iyo gafuuur-duub xunbaaad kala guraysaane

48.waase laba gudboono is xiga garashadaydiiye

49.Gadaan nahay waxa noogu wacan gamana noodiday

50.Waa Gacmo-gooyaha nagu dhex jire gubaya reerkeene

51.Gacal iyo sokeeyahay tirtiri waa gumaradeeniiye

52.Gumaadkiyo dhibkii ay dhigeen gocasho wayn reebye

53.Gurboodkiyo caruurbay dileen gaaridii dumare

54.Golihii shacbiga waa ognahay say ugurayaane

55.Gadhcastiyo cuqaashay jareen guud-cadaw odaye

56.Guruubkani haddaanu naga dhex kicin lama gulaalmeene

57.Xabashigu ma’uu soooo galleen gobolladeeniiye

58.Gudaheeena kama’ay tasheeen geeshka amisomme

59.Garbaduubka waxa noo xidhxidhay gaangiskaa kacaye

60.Waxa lagugu so gabaday baa ahaa gocoradaa baase

61.Gafuur-waynta kiiniya ama gaban ugaandhiisku

62.Ganac-buurta AU ladhahay gaasaskay wadato

63.Waxay goobayaan waa ogyahay ruux garaad lihiye

64.Gurmad buu uhaystaa ninkaaan garasho dheereyne.

 

65.Afartaa intaan goofka dhigay gaw makaga siiyay

66.Ma gorfeeyay xaajada ragbaa gawdha abidkoode

67.Ga’leydaan ka qaadiyo miyaan goobtii ka habawshay

68.Guntin aaan furmayn iyo miyaan gurac usoo yeelay

69.Afarkalena geesta aan rabiyo gogol dhigaygii dheh.

 

70.Geda aaan ujeediyo hadaaan gulucda sooo taabto

71.Geeridu xaq weeyo dhamaaan geedi baan nahaye

72.garnaylba ku dhacay baa layidhi godane-wiilkiiye

73.Ninkastiba wuxuuu gaystay waa layska gudayaye

74.Garsoor baa dambeeyiyo cadaab gubaya jiidhkaaye

75.Isaguna godkiii aaakhiru gallabta jooogaaye

76.Garse maaha inaaan ugu galloo maydka giganaaye

77.Guulaha ilaah baaa ogsoon suu ugaleyaaye

78.Isagay ugaar tahay wuxuu gaytay oo fallaye

79.Haysugu gadoonina ninkaa galay xabaashiise

80.Gocashiyo hadaad ciil qabtaan gaaga hadhay gooba

81.Hadii kalena goodigiyo faankaa kujira guul ma helaysane.

 

Tirsiga m. 9/9/2014

Salaasiyo.subaxnimo

W/T. Abwaan faysal goohe

Gabaygii 10Aad oo Ma Godboona ee Silsiladda Godane Galbay.Waana Gabay jawaab u ah, Gabaygii Godob diid.

 

Curiye Ismaaciil Cali Boobe

 

  1. Indhowaydba gabayadii ma Tirinn Gaananaan jiraye
  2. Waatan ka gaabsaday taniyo, Guga hortiisiiye
  3. Garoomada waataan ka baxay, Gole ka fuulkiiye
  4. Geftimaha waataan u xidhay, Labada geesoode
  5. Maantaan garaarkiyo ka Jari ,Giigsanoow xadhige
  6. Guntimahaan idiin ka furi waw, Ged baxayaaye
  7. Adduunyada waxbaa buugga gala, Lana gun raacaaye
  8. Taariikhdu waxbay guri dhigtaa ,Meel ku gunudaaye
  9. Guyaal hore wixii tegey marbaad, Dabo guclaysaaye
  10. Danahaaga gaarka ah marbaad, Gudub ujiidhaaye
  11. Gawaan lama fadhiis tiyo, Goha abaareede
  12. Guuyada waxaa loo raraaa, Gurigi doog weyne
  13. Gol qaniinle abid laguma furo, Gumaradaadiiye
  14. Geelaaga waa laga jiraa, Guubis khayr darane.

 

  1. Afartaa gufaaciyo hilaac,Goohi karameed Dhe
  2. Gudgudaha oo soo curtiyo, Gababaxdiisii Dhe
  3. Afarkalena garyigil aan ihiyo, Gobiyo caadkeed Dhe.

 

  1. Galaydhoow warkii aad I tiri,Galabta lay keenye
  2. Guuguulahaa siday samada, Goosha abidkiiye
  3. Gefimaayo aniguye naxwaha, Waan u gelayaaye
  4. Gacantaaga adigaa lahaa, Geed ka loo baxaye
  5. Waan kula gudoonsaday Inaan Gogol nimaad naaye
  6. Ma giriifo weligay Islaam, Waan gar baxayaaye
  7. Kuma gawdhinoo cabdow, Kuma aan gaalayne
  8. God cadaawe adigaa galiyo, Laguma guuraane
  9. Gowsaha maroodiga adigaa u filay, Gole furaasheede
  10. Gacan saara adigaaa ka raba, Good wax aayiraye
  11. Gacal tooyo adigaa ka deyey, Gaalo qudhun leeye
  12. Gurma go an adigaa hadhsaday, Gagi habaas weyne
  13. Gaaladana adigaa u filay, Garab la raacaaye
  14. Gacaloow ka soo noqo iyagu, Garacyo weeyaane.

 

  1. Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
  2. Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
  3. Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
  4. Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
  5. Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
  6. Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.

 

 

  1. Afarkale galaydhow adaan, Kuu gud binayaaye
  2. Go u dhigo jawaabaha hadaan, Kuu gediyayaaye
  3. Gonda weyne aarkuba haduu, Kugu dul gawdiido
  4. Gawsaha haduu kula heliyo, Mici gabaareeyda
  5. Asaan garab kaa ceshiyo gacal ba kuu joogin
  6. Oo uu Gamuun kaaga rido, Gaal wax jirinaaya
  7. Guulaa ku mahadihayaa ,Ii gargaar falaye.
  8. Gartay maaha inaan mahadiyaa, gaalo abidkeeye
  9. Gunayn maayo oo ma rabo. Garaca shaydaane
  10. Maanigaa intaan gaal galado, Goolasha u looga
  11. Gogayga maanigaa cadaab, Geliya ruuxdayda
  12. garab iyo maxaa iiga dana, Guluf wadaagiisa.

 

 

  1. Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
  2. Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
  3. Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
  4. Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
  5. Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
  6. Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.

 

  1. Afarkale galaydhow adaan, Kuu gudbanayaaye
  2. Go u dhigo jawaabaha haddaan, Kuu gediyaaye
  3. Muslimka iyo gaalada camiray, Dunida guudkeeda
  4. Guulaa kuwada beerayoo, Gees ba qaar dhigaye
  5. Gar dariyo midkaan kuula iman, Gacan togaalaynta
  6. Oo gurigaaga aan gubayninoo, Kuguna gaaf meerin
  7. Oon Godobna kuu haysanoo, Gelinin reerkaaga
  8. Gocorkaa islaamee misana, Ganaya dhiigaaga
  9. Ged kastay ahaataba mar hore, Guule kala sheegye
  10. Mana ay gudboonee midhkaa, Garo oraahdayda.

 

 

  1. Afartaa ga’da intaan ka deyey, Gulucna maw diiday
  2. Gaas iyo sidii ina miriyo ,Gooni maw sheegay
  3. Geesigii khaliifiyo sidii aadan Maw gooyey
  4. Maaweel gediisii naxwaha, Maw gu geeraaray
  5. Gefimaayo ee sidii qamaan ,Geed ma qabad siiyey.
  6. Ma gorfeeyey gar naqsiga huraa I baray, Goobta loo dego e.

 

  1. Afarkale galaydhow adaan, Kuu gud binayaaye
  2. Go u dhigo jawaabaha haddaan, Kuu gediyayaaye
  3. Geyigaan ku noolahay waa islaam, Gebi ahaan tiiye
  4. Inyarbaa ka gaaroo iyana ,Guluf ma qaadaane
  5. Gadaal fiiri xaajadu marbay Kaa guracantaaye.

 

  1. Laba guruubay noqdeen dadkii, Gaaliyo islaame

 

  1. go aan qaado adigaa iyiri gudistu waa ceebe
  2. Gedman mayso geestaan ahay anigu, Guule mahadiiye
  3. Gobanimo ma haybsado qofkii ,Gaal u rixiyaaye
  4. bal garwaaqso eedaad gashiyo, Gebi dhacaad keentay
  5. Gumaad iyo dagaal hadaaad ,Gacan togaalaysey
  6. gaaladu markay shawr tayee inagu soo Guurtay
  7. geyigeena oo idil markay, Geba gebaynaysey
  8. guluf kiyo colaadiyo markay, Gelisay duulaanka
  9. geeshashkii is biir saday markii,Garaba meel qaytay
  10. Goblamoow talyaanigu wuxuu, Gamaska leef siiyey
  11. ingiriis gantaalaha wuxuu, Inagu gawdiidshey
  12. gabadh iyo carruur iyo waxaan,Gaban la reebaynin
  13. Guurtidii la xaaqiyo wixii laysku, Gubay meel xun
  14. Miyaad garab maraysaa cabdoow, Geedi baad tahaye.

 

  1. Afartaa guntaye waxaan, Gees ka qabad siiyey
  2. Inkastay gadaafiyo dhacaan, Godob wax aafaysa
  3. Ma gudboona gaaliyo islaam, Ina galaydhoowe
  4. Guulaaa fadilay Ruuxii sharciga ,Gees ka soo gala e
  5. Gabal dumay habeen iyo cidlaad,Guul ka deyeysaaye
  6. Kala garo gidaar iyo albaab, Geedi baad tahaye
  7. Waan geba gebeeyaye naxwuhu, yuuku gees marine
  8. Gadhcadaa ka doodiyo u gee, Oday guxuushaaga.

By ismaaciil Cali boobe

 

Gabaygaan magaciisu waa “GACAN WEBBI” Waa Gabaygii 11aad ee Silsiladda Godane Galbay, wuxuuna ku socdaa Xasan Bulxan oo jawaab u yahay.

 

  1. Gobbaa duuble garashaa macaan, Gocasho ciil baa leh
  2. Gefna aadmi waa geli jiryee, Sama gelliinbaa leh
  3. Goddob reebna guunyiyo aroos ,La,isu geeyaa leh
  4. Gebagabo colaadeed haddeey, Maada,shadi gaarto

 

  1. Garabkaaga kii buuxin iyo, Hiilo gacalbaaleh
  2. Geyigoo abbaarsaday gabiib, Laga hayaamaayo
  3. Gurgurshaa la dhaanshiyo markaa, Hirasho Geelbaa,leh

 

  1. Germadowga xaajada hadii ,Gaan ismari waayo
  2. oy geedka labadiisa hoos, Gelinba meel joogto
  3. Garyaqaan cadliyahaa furfura, Oo wax kala gooye
  4. Inow dooda soo galo martaan, Uga gelaayaahe
  5. ninba gees ka arag xaajadee, Gudduri yey oolin
  6. Maxaan wiil yaroo iilka galay, Uga dul geegaari
  7. Gows addeyg ayaa iga galoo,Marrinki gaarqaadye
  8. Maxaad uga golleedahay, xogtaan dhaadhac ii geline?

 

  1. Godob iyo gef, iigala aduun, Dunida Guudkeeda,
  2. Ama galad wanaageed faloo, Gacalka taageera
  3. Gadaashii waxii laga guntaa, gelaya diiwaane
  4. Hadoow golaha joogoow aduun, Nolol Kusiigaaro
  5. waxow galo waxow gudo Dadkaa ,Gaar ufalanqeyne
  6. gedii yeyna joogtaa gorfeyn, Godane xaalkiise
  7. Xaggee leyska gurayaa samoow Ugub mayaal goobe?

 

  1. Golxa laanle lama toosinkaro, Oon la soogubine
  2. Galdaloolo yaan leyska jerrin, Gaal mahiishado’e
  3. Gacan webiba huurigu marrow, Kaa gudbinayaaye
  4. Gafuurduubtu daanadey galleon, Waa waxaan go,ine
  5. Xaglo geel guntiga lama gelshee, Goddobta yaa daahay?
  6. Xasanoow gurroodiga hadaad, Guurre soconeyso
  7. Goxondhadu hadeey daadsantahay, geed jabkiyo jiiqa
  8. Gaatan iyo waxaa loo socdaa,Taxadir goonyoone
  9. Garta eexu yeey,gelin raggeey, goddob ku beertaaye
  10. gacma wada,jireey guusha iyo libin kugaaraane..

 

Curiye Xasan Abubakar(Abaaji)

09/09/2014

 

 

Gabaygaan magaciisu waa “Goconayaa” Waa Gabaygii 12aad ee Silsiladda “Godane Galbay!” ee halkan hoose ka sii aqrista;

Gabayga Goconayaa jeere

 

1. Anba guurti baan ahay adduun, Gaananaan jiraye

2.Ha yeeshee, ka gaabsaday baryahan, Gabayadeeydiiye

3.Gurbaannadi ma tumin waayahaan, Galab ciyaartiiye

4.Aan gorfeeyo maantoo kaleey, ila Gudbooneyde

5.Afartaas nin guurtiyi ahoo, Geed ka soo shiray dheh

6. Gaadiid la raaciyo fardaha, Gululufleeyaa dheh

7. Murtidaan in badan gaaxsanaa, Gaawa loo culay dheh

8. Gobanimmada loo raadin jiray, Gayiga keennaa dheh

 

9. Afar kalana sidi ila gudboon, Gocashadeedii dheh

10. Silsiladdii “Gantaal” maansadii, Guuxa badan reebtay

11. Geeraar haddii aan ku daro, Gabayna raacsiiyo

12. Iyadoo golweyn laga qabsaday, Goshiyo jiinkeeda

13. Buula-mareerna gaardihayaan, Geesiyadii duulay

14. Oo Baraawe gaadiidkii baxay, Lagu dul gawriirshay

15. Geeri ruuxna kama baaqan karo, Goorta loo qoraye

16. Ifka lagu gantaalshaye hadduu, Godanihii jiitay

17. Oo gaalo lagu soo salladay, Galab cayaarsiiso

18. Gacalnimo asaa diidayoo’ guray dadkiineeniiye

19. Ma ogaaday gaariga qarxaa, Galax qaboowgiisa

20. Garka iyo siduu beerka iyo, Gacamihii yeelo

21. Gubashada xanuunka leh qalbiga, Gabal ma saameeyay

22. Nin waliba waxuu geeysto baa, Lagu gadaamaaye

23. Dhaaxuu intuu gaari raran, Gaban u soo dhiibay

24. Yiri; “geeya meeshii shacbiga, Lagu gumaadeeyay

25. Gawda yeerta gaariga qarxiyo, Goofanaha booday

26. Gondihiisa goorteey dhacduu, Galaxsadoo leefay

27. Maw garaabay Shaamoow raggii, Lagu garaafeeyay

28. Ma u dayay gadaal meeydadkii, Layska garan waayay

29. Ardaydii gantaal looga dhigay, Gurashadii dheefta

30. Iyaguba waxey goobayeen, Guul u curataaye

31. Gaajiyo harraad bey in badan, Galin qadaayeene

32. Buugaagtaa la gada iyo qalmeey, Gurubsanaayeene

33. Gaawaha markey soo cusheen, Goodir lagu maalo

34. Ooy godal lahaayeen la sheeg, Iney ganaayaane

35. Waxba meysan galabsane xiqdiyeey, Uga gaduudsheene

36. Garaadxume siduu uga dhex kacaan, Gocanayaa jeere

37. Sidii meydka loo kala guraan, Gocanayaa jeere

38. Geesigi Caddoow iyo dadkii, Goobta lagu laayay

39. Ooy gacantu qaban weyday baan, Goconayaa jeere

40. Go’yaal lagu aruurshaan in badan, Gocanayaa jeere

41. Afartaas guhaadkey faleen,Gocashadeedii dheh

42. Gablantiyo agoontiyo ilmaha, Guriga ooyaa dheh

43. Xisbigaasi gaarka ah waxey, Nagu gasiimeen dheh

44. Saddax kalana waa gooni baar, Garasha waayeel dheh

45. Nimankii gafuurrada xirnaa, Guuli meey hanane

46. Godob mooye shacabkii ma barin, Gallad abaaleede

47.Sidi waa shacbiga ugu godladay, Gaagax baa xigaye

48. Gaw waxey ka sii dadkii, Gaawahoow lisaye

49. Gurmadkii Maxaakimi markii, Rag is garaacaayay

50. Shacabkoow gargaaraye marnaba guul ma dhaliyeene

51.Garcadda aya wiil iyo markii, Gaban waxii joogay

52. Giddigooda loo sacab tumeey, Gacan sarreeyeene

53. Markaaseey gadaalkii shacbigi, Dib u garaaxeene

54. Siduu guunya yahay bey abley, Galax ku siiyeene

55. Ninki aan gardheereyn la sheeg, Iney gumeeyaane

56. Dadku gaalo maahoo sharciga, Kuma gafaayaane

57. Haddii koodi gaabiya tartiib, Loogu gacanhaadsho

58. Alleylehe garwaaqsiga xaqii, Kama gaddoomeene

59. Gabood falis ma fiicniyo xumaan, La is gargaaraaye

60. Bal maxaa nin galab weysa qaba, Gumuca loo leefshay?

61. Nin haddeer salaaddii gutoo, Jameecadii gaaray

62. Oo guriga Eebbaheey ka yimid, Yaa na yiri goowrac?

63. Garashada shaqeeyn iyo caqlaa, La isu geeystaaye

64. Bal maxaa nin godob aan laheeyn, Lagu gamaareeyay

65. Goownkiyo haddaan miinka dayo, Gibi Quraankeenna

66. Oo aan gun iyo baar Xadiith, Geestaba eego

67. Kuma haynno goowraca Islaan, Waa gardaradaase!

68. Kuma haynno xisbi gaar ah iyo, Gooni kala aade.

 

69. Saddaxdaas nin guurtiyi ahoo, Geed ka soo shiray dheh

70. Gaadiid la raaciyo fardaha, Gululufleeyaa dheh

71. Murtidaan in badan gaaxsanaa gaawa, Loo culay dheh

72.Saddax kalana waa waxan gocdiyo, Garashadeydii dheh

73. Guddoomiya haddii ey qabaan, Niman is gaarsiin leh

74. Tashi waa gorfeeyn ee haddii, La isla googgooyo

75. Ama uu garaadkii nin wali, Geed ka oranaayo

76. Maxaa goowrac mooyee wax kale, Loo gundhigi waayay?!

77. Naxariistuu Guulluha na faray, Yaa ku gacan seeyray?

78. Oo howshu lama gaasiree, Yiri wax googooya?

79. Garbaduub maxaa loogu xiray, Gabanya waayeelba?

80. Giir cad iyo maxaa ani ajnabi, Guriga ii keenay?

81. Ga’tarii maxeey ugu wataan, Gobolladeydoo dhan?

82. Maxaa loo go’doomiyay shacbiga, Gaaja lagu sheegay?

83. Ee uu u diiday gaadiid wax sido, Inuu gargaareeyo

84.Rabbi wuu ka gudi xaajadeey, Nimanku geeystaane

85. Godka iyo ifkaba waa midaan, Geesna ku hareeyne

86. Nin ah gaalo raac laguma oga, Gayiga Soomaali

87. Waligoodba wey gami jireen, Gumaca baaruude

88. Goor horeba waateey xarbiga, Gabagabeyeene

90. UNISOM galaafsiga ku dhacay, Guurayoo tagaye

91. Haddii umada gogol loo fidshoo, Lana garoowsiiyo

92. Garabkii axsaan iyo haddii, Gacalyar loo muujo

93. Soow uma garaabaan xisbiga, Wey gagabiyeene

94. Ha yeeshe, markeey gooddiyeen, Niman gafuur duubam

95. Gamna ey ka yeeleen shacbigi, Gabannadoow joogay

96. Ooy gabarya wiil dhaafi hayn, Looga kala guurye

97. Haddeey nimanka guuldoonyihiin, Nama go’doonsheene

98. Allow yaa gartaas fura xaq waa, La is gubaabshaaye

99. Waxba hadalka yuu ila gudbine, Waxan ku soo gaabshay

100. Haddaad ganaca taagtood dadkii, Ku gardarrooneyso

101. Ood umadda lama giijiyee, Gujagujaneeyso

102. Gacantaada ruuxii gala, Gowrac mudanaayo

103. Galladna aan faleyn iyo axsaan, Umadda gaareyso

104. Goofaha abaarta ah inaad, Gallinba meel joogta

105. Oo uu cadawga kugu gaasiraa, Soow garnoqon meeyso?!

 

Axmeey Cali Nuur

curiye:abwaan mustafe maxamed

Gabaygani waa kii 13aad ee  Silsiladda Godane Galbay. magaciisuna waa GOBANIMO
11/9/2014

1. Gabay iyo arartii baryahan gal isma lahayne
2. ma gobsheeyo maansooyinkaan gaarka ulahaaye
3. gudbitiisa waxa aan ku nacay garanba maysaane
4 .gantaatacu markii uu bataan gaabshay hadalkiiye.
5. caawana gunaadbaan arkaye uma galsheeyeene
6 .gedgedoonka waayaha ragbaa galay dunuubweyne
7. gudcurkiyo caddadaa rag badan isu garab taale
8 .darbaa gedmaday oon kalaba garan gaal iyo islaame
9. nimanbaa gudbay oo ka lumay gurigii waabnaaye
10 .geerida islaamkay Ragbadan guul u sacabayne
11. geeraarna way soo tirsheen gabay farawayne.
12. Anse ila ah inay garab mareen garaashiyo maane
13. Waa waxa dalkeenii ganbiyey gaalo caashaquye.
14. Sidii bay garaad laawe iyo gurac ujoogan
15. Maantana gadaafaa dhacdiyo guuldarriyo ciile
16. Gadh-wadeenka ragaan moodayaa dham,ay geediga,e.
17. Illahow gudaha noo sifee guluubka iimaanka
18. Afartaa gumeeyaye sidii geedka ma taagay
19. gar-badhaha waa necebehee gees ma qabadsiiyey
20. Garaadkayga siday ila ahayd gaw ma kaga siiyey
21. Afarkalena aan soo ganbiyo mid ka giigaane.
22. Galyrow warkaad soo ganteed dunida gaadhsiisay
23. Eed gabayga godahan la dilay Farax la geeraartay
24. Eed gaalo ugu rixinaysaa gocosho weyn reebye.
25. Gef xun iyo waxyeelay ku tahay guri islaameede.
26. Muslimiinta geyigoo dhanbaa ceeb u gudaysaaye
27. geeridii halyeygii inaad guul u fillaynayso
28. Ood gaalo isku hadaf tihiin garanay maandhow,e
29. gudubtaye allow kaaga sahal meel aan garanaayo
30. Afartaa intaan geed ka dhigay gunta ma utaagay
31. Gar-badh looma yeedhee murtida ma idin gaadh siiyey
32. Geddii faarax nuuriyo salaan galin ma weydaarshay
33. Gobo,kalana waan soo galiya maankiina
44. Ood gaalka isku hadaf tihiin garannay maandhow,e

45. Geesigii jihaadee wax badan gaydh udiriraayey
46. ee dunida gees iyo ka gees looga wad wada giigay
47. ee gaal iyo maciisaba inbadan gama.a loo diiday
48. Markuu go,ay ragaa soo gabyow waa gab taladiine
49. Gudcurbaad gudaysaan habeen guuro bahallayne
50. Godka waxaydun seegteen markaad mayd u gabaydeene
51. Cadawgaa galbeedkaad malaha gees la noqoteene
52. Go,i waaya,e sow idinkaa gibilkii weydaartay
53. Gedday tahay dheeshu waad garan karaysaane
54. Waa kubad garoonkani dhaxtaal gaal iyo islaame
55. Gool ku laagna way taagantahay labada geesoode
56. Garwaaqsada goobtaad jirtaan waa gawaan madhane
57. Afartaa intaan geed ka dhigay gunta ma taagay
58. Gar-badhuhu ma fiicnee murtida ma idin gaadhsiiyey
59. Geddii faarax nuuriyo salaan galin ma waydaarshay
60.Geeskale waxaan soo geddiyi miday la goohaan
61.Axmaaradu markii ay galeen gayiga soomaali
62.Gulufkii itoobiya markuu gubayey ciiddeena
63. Ee shacbiga gumaysigii qarsoon lagu gumaadaayey
64. Geyyigeena oo idil markuu galawgu dhiiloobay
65. Ee giddigood caruur iyo haween gawrac lala boobay
66. Guryahana hablii loogu dhacay laguna googooyey
67. Gumuciyo rasaastii bulshada lagu garaacaayey
68. Gaydhanka iyo ciilkii markii laga geyoon waayey
69. Nimankii xabashida gubee gooyey cidhibtooda
70. gobanimo u dirirkii tigrey, gurayey raadkooda
71. Sow godane iyo may ahayn golii maxaakiimta
72. Marku shacabku gacansiiyeybay guusha dhalieene
73. Hadday sidii ugu garab jiraan lama gulaalmeene
74. Gaalo iyo waatii reer-galbeed dib u gardaadsheene
75. Gaadiid-qaadna waatuu ku yimid gaal-madoobuhuye
76. Gabgabliyo afmiishaarku waa garacyo shaydaane
77. Bulshadii gadoodee kufriga ka gilgilanaysay
78. Gafuur-culustan waxay uga dhigeen gacal walaalkoode
79. Iyagoo gadaafiyo dhib wada garanba maayaane
80. Xarakada haday gacanqabtaan lama geddoomeene
81. Doofaarradu kumay gaardiyeen gudaha soomaale
82.Guryaheena muu soo galeen san-gadhuudhluhuye
83. Gabdhaheena muu balashadeen gaws-dameerluhu
84.gees kale hadaan fiiriyoon gobo,da faalleeyo
85.nacab weeye gaalkuye hadaad galiso hoygaaga
86. ood adigu gaadhkiisa tahay cadaw la goobaayo
87. hubka isaga lala gaadayaba sow ku gubanmaysid
88. haduu guluf ku soo weeraroo geelna lagaa qaado
89. oo gaban walaalkaa ahood gurmad ka eegaysay
90. uu gulufka kuu soo horgalo gabagabayntaada
91. sow inaad isaga gawracdaa gar iyo daw maaha

Curiye: abwaan mustafe maxamed

 

SHEEKOOYIN