Gabayga: Godol maal Cyriyel; Saciid Muuse (Ustaadka)

Gabayga: Godol maal

ga

Gabayga: Godol maal

 

Gobaa xidid leh, gacal baa leh xigis, gudis abaal baa leh

Gar baa furis leh, geed baa leh tagis, gubasho, ciil baa leh

Jannaa galis leh, Naarbaa leh gubis, godad qabuuraa leh
Xaqaa guul leh, dulmigaa leh godob, gocosha eex baa leh

Gaawaa culis leh, Geenyaa leh qurux, godol irmaan baa leh
Gal baa biya leh, wabi baa gantama, guuxna badahaa leh

Gaajiyo harraad lala galgalan, guri abaar baa leh

Dhulku kala gabiibsane, nimcada gola Shabeellaa leh

Gaalayuuska qeylada colaad, galab dillaacdaa leh

Gugaa di’is leh geedaa leh bixis, geeddi safarbaa leh

Goolaaftan iyo faana, fule gacansarreeyaa leh

Ganacsiyaan gargaar lagu ogeeyn, gaddislayaashaa leh

Genbi-waranka gaashaan la dhigo, geesi diriraa leh

Guryan iyo ganuucan hareyn, gaade doqon baa leh

Gogol loo riyaaqiyo kalgacal, gaari dumar baa leh
Goohiyo xanuun kaa hareeyn, garax jaceeyl baa leh

Galbis iyo gurbaan iyo ciyaar, gabar la hooyaa leh

Gacmaddeeys badweeyn lagu dhaxmaro, gaban dabaashaa leh

Gaadmiyo gadaal leyska dilo, geeysh la jabiyaa leh

Gurmad xumo, gargaar aan la filan, guxush Carbeed baa leh

Gacma dhiig leh, ilmo goowrac iyo, garac Yahuuddaa leh

Garaadkiyo caqliga gaarka, iyo garasha loo aayo

Geesi Ina Hiloowlaa leh iyo gabannadoow joogo.

 

Ina Hiloowle: Cabdiraxiin Hilowle Galeyr

 

Curiye: Saciid Muuse (Ustaadka)

 

SHEEKOOYIN