Gabayga Halgaad oo Jawaab u ah Gabayga Xaliye, ” Ustaad Saciid Muuse”

 

SacGABAYGA HALGAAD

Gabaygan waxaa la yidhaahdaa “ HALGAAD” waxaan uu jawaab   u yahay Gabay uu Abwaan cusub oo la yiraahdo (Xeyle) la yiraahdo ayaa igu soo halqabsaday, isagoo si abwaanimo iigu tilmaamey ayuu yiri sidan:

(Hagrashada kadaayoo saciid gabayga soo hoori

Howraar dhameystiran astee hibada soyaalka

Hal abuur sidisii abwaan hanasho soo muuji)

(Abwaan Xaliye)

Markaasaan ana tusaalayn ugu jawaabayaa Gabaygan magaciisa la dhaho, “HALGAAD” kaasoo aan ku xusi doono qaar ka mid abwaanada aan gollayaasha ku kulano, (Inti aan xusina, Hilmaam maahee waqtigaa igu Gaabtay )

 

 

  1. Anigaan hoggaan laygu qaban, Heelo gabayeede
  2. Oo aan eray haggoogani marnaba, Layga hoos bixine
  3. Halqabsiga Abwaanada kacaan, Ugu horeeyaaye!
  4. Hiba uu Illaahay baxshaye, Hadiyad kuu siiyay
  5. Hagar kuma wacnee furo dulkoo, Dhagaha ii hoori
  6. Hubso weedha oo wiilyahoow, Hana Hantaaqoonin
  7. Hadafkeeda wuu dheeryahee, Yeey huq kugu beerin

 

 

  1. Sidi hogol da-eysiyo cirkoo, Hoorey dhibicdii dheh
  2. Afartaas hogeed inaan degiyo, Hadafkii maansood dheh
  3. Hordhacaygi gabayiyo abwaan, Han iska sheegii dheh

 

  1. Afartaas halkeedii dhigee, Hadal kalaan raacshay
  2. Anigoon hambaynayn murtida, Dhaaxa soo huraye
  3. Ku hagaajay hilinkay lahayd, Heega iyo muuqe
  4. Hadhka galay, habeenkiyo aroor, Hoorsheay Galabtiiye
  5. Habdhaca iyo heenseynta Hoga tusaalaynta
  6. Howraarta taydaa nafluhu, Hoos u wada guuxye

 

  1. Heegada warlaliskaa tebshiyo, Hirarka dhaadheer
  2. Hambalyiyo salaan leyga keen, Harrar dusheediiye
  3. Muqdishiyo Hargeysa Murtiday, Lagu hal goostaaye
  4. Halqabsigiyo sheekada ayaa, Lagu Habeeyaaye
  5. Hogagii togdheer iyo burcana horey u soo dhaafye
  6. Sidi hoobal caan baxay Cabdow, Laygu soo hiraye

 

  1. Nin kastoo hawada gaara iyo, Himilka Oogeena
  2. Huri waa halyay kacay iney, Niman ka hiishaane
  3. Hinaasiyo barbaa kuula iman, Hadurka ceebeede
  4. Deetana halgaad baa xigta, Rag is hujuumaaye

 

 

  1. Hiraab hore cirkoo soo onkoday, Hugunka guuxiisa
  2. Habeen dumey barbaar heelo tuman, Sacabka Hawdiisa
  3. Badweyntii Hindiya Mawjadaha, Hiraya Guudkeeda,
  4. Hanfi kulul, Hunriyo halas baxiyo, Halaca ku leefaaya
  5. Hootadiyo waran laysla dhacay, Dirir hub yeeraayo
  6. Sidoodaan halgaad kulul u yahay, Gabay aan hoorshaaye
  7. Ma hagoogto abidkay markay, Heestu baxaysaaye
  8. Heddu nimay wadaa ii hanjaba, Hoorigii bixiye
  9. Harcad baan hoggaan suran, Ninkii Hoota ii lula.

 

 

  1. Afartaasi Halyaygii Gallayr, Hirashadiisii dheh
  2. Xaayow habsamiduu murtida, I Higaad barey dheh
  3. Hal abuurki Tookiyo abwaan ,Haykalkii sare dheh
  4. Abshirkii Hillaac lagu matalay, Hanadki Bootaan dheh!

 

 

  1. Hir soo kacayo, waw halis badwayn, Huuri marayaaye
  2. Awrtuna hayiin kaan ahayn, Heeryaduu qubiye
  3. Geeluba halkii doog lehiyo,Hawdka sare foofye
  4. Hareeriga ayuu halabsadaa, Kor u haduufjaaye
  5. Halyeey nimaan ahayn gaari waa, Libin haleelkeede
  6. Doqonta hunuush socod taqaan, Lagu habsaamaaye
  7. Raggu higilka muuqiyo ka siman, Magaca Heerkiise
  8. Ha yeeshee midkii hanada iyo, Hoori kala beyr
  9. Gabayguna hutuulkiyo ka siman, Haybta maqalkiise
  10. Ha yeeshee ninkii Hoojiye, Hooriska u giija
  11. Ee Halhays ka reebaa iska leh, Hadafka maansood.

 

 

 

 

  1. Khadar jiin Halhays, sooma diro, Heestii waayahane
  2. Bislaa heelladii dhigay baryahan, Loo hamuun qabaye
  3. Xasan daaci haadkii ka bayr, Hoobeydi waagiiye
  4. Habdhacii Yaxyeed baan mudaba, Haybiyoo tabaye
  5. Ma haweysto, ina Xaajigii soo, Habeyn jiraye
  6. Bulxan hoodi uma soo yiraa, Hiiladii gabaye
  7. Waxu hoodo Tookiyo lahaa, Haawiskii dhigaye
  8. Bootaana haasaawe diid, Himilo reebtaaye
  9. Ka huleel Galayr haybintiyo, Hooriskii Gabaye

 

 

 

  1. Gaylan baan hagaagiisa dhigay , Hibashadiisiiye
  2. Xaali baa habeen laysu wacay, Hoonka soo shidine
  3. Abyan baan haloosiyin Guyaal, Ha iyo woowgiiye
  4. Abshir baa hagoolkiiyo sitiyo, Hootaduu dhigaye

 

 

  1. Hal abuur abaajiyo dhigisiis, Shuuriyaa haraye
  2. Iyagiyo hankii aan lagu yiqiin, Kuma hawoodaane
  3. Hal abuurkii badankii ka durug, Hirarka Maansoode
  4. Hoosaasintiyo ceebta taal, Heelo cunugeedka
  5. Maansada hantaaqada leh bay, Ka hindiwaaseene
  6. Nin weliba markuu haybsadey, Hadalka daayeene.

 

 

  1. Mar haddey halyeeyadaan xusiyo, Hebeladaan sheegay
  2. Howraarti maansiyo dhigeen, Hadafka Suugaanta
  3. Anna inaan ka haajira dhabtii waa hal ii furane
  4. Halqabsiyo halkaa, ugaba gudub hagarta aad sheegtay

 

  1. Afartaasi Halyaygii Gallayr, Hirashadiisii dheh
  2. Xaayow habsamiduu murtida, I Higaad barey dheh
  3. Hal abuurki Tookiyo abwaan ,Haykalkii sare dheh
  4. Abshirkii Hillaac lagu matalay, Hanadki Bootaan dheh!

 

  1. Afar kale Xaliyeyoow  hoo ,Waa hadiyadaadiiye

 

  1. Dhulkoo laga hayaamaad abwaan haatan socotaaye
  2. Hadh qaboow haddaan kuu gogloon hallo laguu maalay
  3. Haruubada intaan kuugu shubay heelo daba joojay
  4. Oon hagar la’aaneed naxwa ah kugula haasaaway
  5. Ku hamuun bax waadiga haraad, heeladow qabaye!

 

By; Saciid Muuse Axmad(Ustaadka)

SHEEKOOYIN