Gabayga: Jeestiyo waraaq.. W/T Ustaad Saciid Muuse

Sac

 

Gabay magaciisa la dhahaa “Jeestiyo Waraaq” Gabaygan ayaa soo baxay 31.12.2014, waa habeenkii ugu dambeeyey gu’ gii dhammaaday. Gabaygan oo aan kaga faalloonayo, Jacaylka iyo Kalgacalka waxaad ka helaysaa farriinta uu sido Gabayga dhexdiisa. Bogasho wacan:-

 

 

1. Jiinlayda gabay waanigii, jeebka leey suraye

2. Waanigi jidkeediye aqiin, jabadadeediiye

3. Jumladiyo naxwaha, aan qoraa lala jalboodaaye

4. Jeegaana waa lagu mislaa, jaah ku midableeye

5. Mana aha jileecoo, ka culus jabalka buureede

6. Iyadaaba jeestiyo, waraaq lala duljoogaaye

7. Ooy jiilka jiil helahayaan jiridaheediiye

8. Nin jisaara moooyee, mid kale wuu i jaahgarane

9. Haddaan waaya joojiyay, bargaan, jaaniskii helaye

10. Iga hooya jowharad, nin helay jeesan kari waaye!

11. Afartaasi jiinkaan bartiyo, jimicsigaygii dheh

12. Jowharad iftiintoo habeen, wada jaleecdaan dheh

13. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh

14. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh

15. Halkay laabtu jamataan rabaa inaan jukeeyaaye

16. Jabalaan dulmari iyo dhuleey jaanta soo marine

17. Ka jumlaysta maantoo kalaad wada jeclaateene

18. Waxu eebe kuu jaray, cid baan joojin kariheyne

19. Amaan kaa jafsiin, saa insiga laga jil roonaaye

20. Waa sanad jadiidiyo, midkaloo jiitayoo tagiye

21. Jinna, noo siyaadoo, cimrigi jiifar baa koraye

22. Hayska jeesto asba wuu i baday, jarax xanuuneede

23. Afartaas intaan kuu jarjaray ja’i ma qaadsiiyay

24. Ma jimeeyay anigoo, nin garan jalalaw moow siiyay

25. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay

26. Qaar baa jajuubanahayee,jiifto loo dhalay dheh!

27. Jilbis ruuxu goostiyo abees, Jagac miduu siistay

28. Amuu jeeni waynaha libaax, jiiro kala laabtay

29. Ama galab yaxaas jilif lahaa, jiinka kala booday

30. Jahligaa ka daran ruuxi aan Jiin la soo barine!

31. Afartaasi jiinkaan bartiyo jimicsigaygii dheh

32. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh

33. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh

34. Jowharad iftiintoo, indhaha, lala jaleecaa dheh

35. Afar kalena jeexeeda hoo waa laguu jariye

36. Jugta gaartay, soomaali wayn, jarraxa saameeyay

37. Jabka iyo faniinkaa ku yimid, Amase jaanjaanshay

38. Inuu soo jarmaayoo mar uun sama la jiidhaayo

39. Adba waad ujeedaa haddaad, jaakiraa tahaye

40. Jaajuus ninkii loo dirsaday, juruqda uun raacye

41. Jid waxuu u galo, oos walaal, jahawareershaaba

42. Amuu jiiro iyo luuq, naflaha kaga jaqiiqshaaba

43. Illayn jaranjar weeyee, markii jiirta lagu fuulo

44. In dantiisi soo jarantayoo, Laga jiseeysnaayo

45. Oo jiifis loo qori qabriga, jiingad lagi saaro

46. Adba waa ujeedaa haddaad, jaakiraa tahaye!

47. Afartaas intaan kuu jarjaray ja’i ma qaadsiiyay

48. Ma jimeeyay anigoo, nin garan mawga jalow siiyay

49. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay

50. Qaar baa jajuubanahayee,jiifto loo dhalay dheh

51. Jiif xumiyo dood naag, haddeey joogto waligeedba

52. Oo eey juuqda dayneyn habeen, jaarku wada seexday

53. Jirriq iyo sidey tahay dhilqaha jiifka kugu gaado

54. Joodariga ruux lagu cunaa jiifan kari waaye

55. Jisadeedu iney tahay dalaaq jaa’is lagu siiyo

56. Oo Jaakadeedii mid kale lagu jimeynaayo

57. Adba waad ujeedaa haddaad jaakiraa tahaye

58. Janno baa jihaad lagu galaa, jilib la laabtaaye

59. Hayeeshee hadduu jaanis yahay, jirris aduunyeedda

60. Amuu joowfar falo, iyo xumaan kii ku dabajoogay

61. Jidka inuu ka weecdoo, markaas jahanamoo qiiq leh

62. Jib, la siini adba waa ogtahay, jeerad kulantaane

63. Jaamiciyo ninkii dhaar u maray, jaggada loo dhiibay

64. Deedatana jalaafiyo xumaan, jaa,ifiyo ceebo

65. Jifo iyo qabiil, iyo la yimid jees la kala geeyo

66. Asba inuu jasaagiisa heli, lana jajuubaayo

67. Oo jaakadiisii mid kale, lagu jimeynaayo

68. Adba waad ujeedaa haddaad igu jisaareeyne

70. Afartaas intaan kuu jarjaray ja’i ma qaadsiiyay

71. Ma jimeeyay anigoo, nin garan jalalaw moow siiyay

72. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay

73. Qaar baa jajuubanahayee,jiifto loo dhalay dheh

74. Adooy kaa janjeertooy aroor, taladu kaa jeedo

75. Ooy kaa jajabantahay ,waqtigu waa jidaar culuse

76. Jaal iyo hadduu ruux, kalgacal kugula joogteeyo

77. Oo uu kuu jalaadaba, waxaad, jamato ood doonto

78. Jiso iyo abaal inaad u hayn, jirayo laabtaada

79. Adba waad ujeedaa haddaad igu jisaareeyne!

80. Jaamacad qof dhigan oo cilmiga, jaarti lagu siiyo

81. Jacayl iyo haddii uu cishqiyo, jilista uun haayo

82. Jarib subaxa imtixaan la maro, layska kala jeesto

83. Sidii jalaksigoo riday dabkii, inuu jiqleynaayo

84. Adba waa ujeedaa, haddaad igu jikaareeyne!

85. Jarri maayo nimco eebaheey, jaale kuu qoraye

86. Haddii aad jeesjeesi iyo jamasho baas keento

87. Ood jaar walaal iyo miskiin, jeex u dhigi waydo

88. Adba inaad jasaageedi heli, lana jifeeynaayo

89. Oo Jaakadeedii mid kale lagu jimeeynaayo

90. Adba waad ujeedaa haddaad jaa i fahantaaye

91. Jiilaal abaar ahi dhulkoo wada, jafaafoobay

92. Oo jeenan owr laga sugaa, jidad fog loo ceeyshay

93. Baryo uunku jeedaalinteed jirin ishaaleeyni

94. Gu’goo soo jibaaxiyay hadduu jabadadii hooro

95. Inuu uunka wada joogsan farax, lala jilboonaayo

96. Oo aan jaa la rabin haamihii jiinka laga doonay

97. Adba waad ujeedaa haddaad igu jikaareyne

98. Jadal murana waa lagu yaqaan, jaahil soo kacaye

99. Waa jalamad eberoo, dhaqsuu jalalawleeyaaye

100. Isagoo xarfaha laysku, jaro kala jumleynin

101. Oo jiif ku qorayoo marnaba, joog ka tirineeynin

102. Ayuunbaa jugeeystaa, Abwaan jadadna sheegtaaye

103. Hayeeshee waxbaa jiidayee, jalaq markeey keento

104. Oo uu jabadki tago wiilashoo, jarro ciyaaraayo

105. Ama uu juqeeyoo, markaas lagula soo jeesto

106. Jimo buur in uu maalintaa jala,, istaagaayo

107. Oo uu juuqda gabi ooy halkaas, jaci ka raaceeyso

108. Adba waad ujeedaa haddaad jaakiraa tahaye

109. Afartaasi jiinkaan bartiyo, Jabalo fuulkkay dheh

110. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh

111. Jowharad iftiintoo indhaha jiidatoo, wacan dheh

112. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh

113. Afar kalane jaallow waraaq joogto oo furan dheh

114. Jameeciyo asxaabtiyo intii jiinka,iyo woowga

115. Illa jiibinaysaan farriin ugu, jaraayaaye

116. Joojiyay murtida waayo aan soo jumlayn jiraye

117. Jarmaadiyo waxii aan habeen, jagac ka siinaayay

118. Oon jiifto soo dirahayaan, jamacinaayaaye

119. Jimca gaadna waan noqon, sidii jilib culeyseede

120. Jaaw gacalayaloow in badan waysla jiibinaye!

By: Dr. Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN