Gabayga: Midnimo W/T; Cabdiraxiin H. Galayr

Gabayga: Midnimo
mid
Gabaygan waxaa la yidhaahdaa: (Midnimo) wuxuuna ka hadlayaa marxaladda maanta dalku marayo, midnimada iyo iskaashiga waxaan ahayn horumar lagu gaareyn, dibindaabyo, Duullaan, dagaal iyo darxumo ay dib dhac uun keenayso, balse, waxaad mooddaa, rag cusub oo iminka hawshu billow u tahay iney jiraan, oo iska indha tiriya, Cadow la kaashado iyo Gumaysi Gobonimo la dhaafsado inay tahay arrin maankii fayoow iyo maskaxdii caafimaad qabta marnaba ka suuroobeyn, anigoo markaa si guud u hoga tusaynayaa waxaan idhi:

Miinleey ma cugan Maxamedoow, Gabay mankiisiiye
Murti gabaya hadal maaxad lehiyo, Erayo muuneysan
Mufti iyo aqoon ruux lehbaa, Lagu mabsuudshaaye
Maansooyin dedan iyo xigmado, Malabka doocaana
Miisaan aqooneed lehiyo, Hadal murwaadkiisa
Maskaxdiisa ruux gelinayaa, Loo marshaa abide
Bal aan mariyo maantoo kalaan, Maqalka buuxshaaye
Aan macneeyo hadal waa mergi, Run ugu miisaamo
Bal aan mudo halkaan maagganahay , Miiskana u saaro
10. Masallaha u dhigay xaajadee, Hela muraadkayga

11. Mabda’baa wax lagu maamulaa, Maanintii saxane
12. Midigtuba awood muuqatiyo, Muruq ma keenteene
13. Haddaan bidix miciinkeeda noqon, Milif ma qaaddeene
14. Waa laba is mudanoo midnimo, Abid ka maarmeyne
15. Ushaa laga mitaalayo kelida, Maleh awood weyne
16. Haddeyse midho bataan maalintaa, Liici mahayaane
17. Midabyada Dibidii lagu makalay, Maalin lagu leefey
18. Markii uu Libaaxii makriyey, Kalana meelaystay
19. Maskax li’i masuug kala galay, Noqatay mawdkoode
20. Haddii maya yidhaahdaan marnaba, Lama muquunsheene
21. Marinkoodii duulkii marana, Ma laha taariikhe
22. Maqsadkoodu wuu lumi haddaan, Mawlahood bixine
23. Soomaaliyeey maqal midnimo, Ma hurto weeyaane
24. Maabkeenu ceebuu noqdiyo, xarun ma yeedhaane
25. Dunidaa misaal laga dhigtaa, Muunad oo kale
26. Murankii dhacaba waxaan maqlaa, Magaca Soomaale
27. Maan laawayaaliyo xumaa, Nalagu Muujaaye
28. Milgahaan lahayniyo dadnimo, Muustey sharaftiiye
29. Magacii xornimo suulyayoo, Waa la moogyahaye
30. Inta nala makalay baa haddana, Nalagu maadtaaye
31. Masiirkeeni diidniyo midnimo, Qaranku muuqdaaye
32. Hadba doqon maqaarsaaraba, Maayad soo kicine
33. Minankaan lahayniyo dhulkii, Mawle nagu beerey
34. Marsadiyo dekadihii dalkaa, Muran ka joogaaye
35. Masaaybaa hungurinaysiyo, Maxas Wayaana ahe
36. Macdantii dhulkaygiyo mulkiye, Maal waxii haraye
37. Magaaliyo miyiba degelkannaga, Waa la meersadaye
38. Miyir li’idaa shacabkaa dhashiyo, Madax jacaylkoode
39. Damac macangag wado baa hirgaley, Meelna aan jirine
40. Madfaciyo dagaal lagu madhoo, Maydku kuman dhaafo
41. Mahadhadii mudada soo jirtaad, Marinkeed haysaane
42. Muddo badan talaa murugsanayd, Muranna taagnaaye
43. Majaraha maroorsamay sanadoo, Maanku gaylamaye
44. Meertooyin baa inagu dhacay, Laga madluumaaye
45. Mool bay gashayo maaro iyo, Miirna laga waaye
46. Maandeeq xornimadaan helnaye, Magacii loo doorey
47. Midabkeeda ruux jecel ayaa, Hela mudnaanteede
48. Musciriirba qaaraan ka dhigan, Oo mooggan baa badane
49. Manfaceeda duul aan aqoon, Maqalna sheeggeeda
50. Ooy Macawis kala liidataa, Meesha soo tubane
51. Masku abid mariidkiisa iyo, Muriyo waabeyda
52. Micidiisa ruuxuu la helo, milil xanuunkeede
53. Haddii aaney mawdkiisa noqon, Wey ku milantaaye.

54. Wax ka dhigan mitaalkaa gunnimo, Ruux macaansadaye
55. Nin midiidin doortoo midnimo, Diiday magaceeda
56. Oo aan muwaafaqa lahayn, Cadow misaalkii dheh
57. Magacii awoowgii u dhigay, Ruuxa maanacay dheh
58. Maqsadkii shalay lagu dhacaa, Muran ka joogaaye
59. Dhulkaygii maqnaa iyo dalkii, Cadowga loo meershay
60. Malkadii jigjiga iyo Wajeer, Herer maqaamkeeda
61. Nin Mujaahidkii Guray maqlaa, Maba haweysteene
62. Geedkii masaartu ay jartaye, Mawlaxyada gooysay
63. Ee muusaanabaye hadlaye, Mariyey maahmaahda
64. Anaa kugu mataansane wallee, Imaad maruugteene
65. Mawdkayga geed kugu mudanbaa, Kuu sahlaye maadso
66. Gumaysiga ninkii magansadaa, Lagu maseeyaaye
67. Oo mooddo duul aaminoo siin, Martabad weyne
68. Miisaanka hadalkaygii waa, Soo mijilayaaye
69. Aan majiiro yuu ila mirqinoo, Moosinka u aaso
70. Oo aan u meeldayo run waa, Loo mashxaradaaye
71. Allow yaa ma kala maarantee, Meel isugu keena
72. Allow yaa midnimo waa dawee, Hela maqaankeeda!

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN