Gabayga Qawad: W/C: Ibraahim Cusmaan Afrax(Nolosha)

qawad

 

 

 

 

 

Gabay ka hadlaya arrimo xasaasi ah uu curiyey Laashinka da’da yare e Ibraahin Cismaan Afrax Ibraahin Nolosha, Laashinka ayaa wuxuu la hadlayaa gabdhaha Soomaaliyeed,  Gabaygu dhinac waa ka kaftan dhinacna waa ka wacyigelin dhinaca kalena waa ka daandaansi bal haddaba bogasho wacan.

  • Indhaweydba qaafleyda gabay, maan quruurixine
  • Dibnaheyga waa taan qufulay, tan iyo qaaruune
  • Eeggana wax uun bey qasboon, qaadan kari waayey
  • Doobbi qooble, aameel la qoray, Qaabaddii Burayga
  • Aan qadiidsho maantoo kalaa, leyga qorayaaye.
  • Qacda hore tallaabada middii, qiiro igu beerta
  • Qowlkana saluug iyo xumaan, qoonsi lagu diidin
  • Qorrax soo baxaysiyo tabtii, qaanso kala jaada
  • Dhal qureysh sideedii haddii, qaayo lagu sheego
  • Quruxdaba middii muujisiyo, qaararkii damacle
  • Qalbigeyga waa taan ka jaray, qalanjo feysbuuge.
  • Afartaa qormeeyee dadyow, saani ma u qeexay
  • Afar kalana waan soo qaddimi, sida qaryaankiiye
  • Deel-qaafka uma qiil dayee, gabayga qiimeeya.
  • Hablayahow qiyaas li’i ammaan, waad u qalantaane
  • Inkastood qalqaaliyo waddaan, qaali iyo beeybi
  • Kalgaceylka goortii la qiro, lana qorsheeynaayo
  • Qabanqaabo guur iyo arwaax, ballani waa qaane
  • Qaar baa is beecinahayoo, sawirro soo qubiye
  • Qaaradaha raggaan dhoobanee, leysu qalabeeyay
  • Laba qolo ayuun baan lahaa, wey qawadayaane
  • Kumannaan is qaawinahayoo, qayiray diinteenna
  • Kuman feytay qeybaha sariyo, qoorta iyo foolka
  • Oo faallo duul baas qoreen, quundarreeynaaya
  • Waa maal ninkii quudanlaa, qiimo loo haayne
  • Quruxdaba middii muujisiyo, qaararkii damacle
  • Qalbigeyga waa taan ka jaray, qalanjo feysbuuge
  • Afartaa qormeeyee dadyow, saani ma u qeexay
  • Afar kalana waan soo qaddimi, sida qaryaankiiye
  • Deel-qaafka uma qiil dayee, gabayga qiimeeya.
  • Qumanaanta jooggiyo xubnaha, qaaddirkey beeray
  • Sancadii qudduus siiyey beey, Qalad u heystaane
  • Midab Qaaje, waa waxay habluhu, qarash ku goobaane
  • Qorshohoodu waa inay hantaan, inan qaraabaaye
  • Ma nin qoodh iyo xero leh baa, qalanjo moodaaya?
  • Waxba qaafku yoow ila durkine, waxan ku soo qoolay
  • Gabdhayahow anoon qulub xun iyo, qadaf idiin geysan
  • Qaayiyo milgahad leedihiin, maan qamaamudine
  • Qambaruurka waxa iigu wacan, qaafilnimadiinna
  • Qof dardaarma oo jiir-nixiyo, qaafo talinaaya
  • Haddeydaan qaddarin wallaad, qoys yagleeleyne
  • Hadmaad qowlka eebbiyo sunnaha, qaadan amar waalid?

29-12-2016                                

Waxa Curiyey: Ibrahiim Cismaan Afrax

SHEEKOOYIN