Gabayga “Qowm Aakhiraad’” W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow

Gabayga “Qowm Aakhiraad’”
ga
“Qowm Aakhiraad” waa gabay ka hadlaya duul dunida u jooga inay Aadanaha u diraan Aakhiro, oo ay dilaan, qarxiyaan, qixiyaan, qafaashaan ama ay qoorta gooyaan, una guntan dabar-goynta bulsho iyo dabar-jarka hiddo, dhaqan, sinji iyo sooyaal ummaddeed. Isla markaana aan shar mooyee samaan iyo wanaag midna laga filayn. Waa duul ay Culimadu ku sheegeen fildoorin, oo ay maansayahanku ku qeexeen MOOR-YAAN GARREEY, XARAKATU-SHAYDAAN, IWM.
Duulkan inaan Qowm Aakhiraad ku tilmaamo waxay igu dhalatay 18-kii bishii Juun ee sanadkii 2009-kii, waagaas oo ay Hoteel Madiina oo ku yaallay magaalada Beledwayne ku qarxiyeen, kuna dileen Wasiirkii Amniga Qaranka ee Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan, Abwaan Cabdi Dhuux Guure Cali, Cabdikariin Faarax Laqanyo oo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Itoobiya, Nabadoonno, Saraakiil, Ganacsato iyo waxgarad kale oo badan.
Markaa kaddib waxaa si isdabajoog ah isku raacraacay hawlahoodii jarista tikitka Aakhiro. Waxayna geysteen gabood badan oo aan geed loogu soo gabban. Falalka ay geysteen waxaa ka mid ahaa qaraxyadii iyo xasuuqii ba’naa ee loo gaystey ardaydii, waxgaradkii iyo hoggaankii Soomaaliyeed ee ka dhacay Hoteel Shaammow, dhismihii Warshadda Harkaha iyo Saammaha, dilalkii iyo dabar-goyntii weriyeyaasha iyo warbaahinta, Sida dilalkii Alle ha u naxariistee Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisitaar Daahir Sabriye oo ahaa Labo weriye oo u shaqeynayay warbaahinta Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed, dilalkii iyo doorintii Culimada Soomaaliyeed sida Alle ha naxariistee dilkii loo gaystey Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax, Sheekh Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo kuwo kale oo badan.
Dhibtii soo noqnoqoto way dhiillo badisaaye, Gabaygan “Qowm Aakhiraad” waa maanso ka dhalatay garaad gadoodsan, maskax murugtay iyo maan majiirmay oo lagu maaxday. Waa dareen damqasho leh oo aan laga duur-xulan karayn ama aan la duugi kareyn.
Gabayga: “Qowm Aakhiraad!”
Qa’da gabay murtiyo qiimaheed, eray la qaaleeyo
Waceer“1” iyo waxaa qori ogaa, Faarax”2” iyo Qowdhan”3”
Anna ciil markow igu qasbaan, qayb ka tiriyaaye
Xaluunbaa qalbiga leeb ku dhacey, oon qalaanqalaye
Qalindaar midaan laga helayn, qaladya deel qaafan
Iga qoraha maantoo kaloow, qaanac leeyahaye.
Qabta yeertay qaylada dhacdiyo, qaraxa qiiqaamey
Qatligiyo dilkiyo qoomamada, lagu qaxwaynaayo
Qarnigaan rogmaday qaraaddaan, laga qammaamaayo
Qabbaluusta iyo qowlaysatada, qaati laga joogo
Quluubtoodu daday qoorataa, huriya qiiqaane
Oo Qowm Aakhiraadaa yimoo, dunidu waa quuse.
Shareeciyo Quraaniyo qolaan, sunnaha qaadaynin
Oo qaalliyo ninkii kheyr wadana, qoorta qabanaayo
Qaraabiyo aqoonyahanna aan, qaab u daayaynin
Qaharkiyo qabiixiyo dhibkaan, laysu qoolaayo
Quluubtoodu daday qoorataa, huriya qiiqaane
Oo Qowm Aakhiraadaa yimoo, dunidu waa quuse.
Qob-qobnaanta kala qaybintiyo, kala qabaalaynta
Isma qabato aan laga baxayn, qaxiyo baaruudda
Qaran-diidka aan qaayibayn ee, qaati laga joogo
Dad qalkiyo qof ruuggiyo kuwaan, dhiigga qiranaayo
Quluubtoodu daday qoorataa, huriya qiiqaane
Oo Qowm Aakhiraadaa yimoo, dunidu waa quuse.
Qalad loo durbaan tumo qaw iyo, qaadan kari waaga
Qarribkiyo qacdaan joogta een, laga qushuucaynin
Qilaafkiyo qabwayniyo xumaan, laga qul gaaraynin
Qorsha aan qawaaniin ku socon, oo la qarinaayo
Quluubtoodu daday qoorataa, huriya qiiqaane
Oo Qowm Aakhiraadaa yimoo, dunidu waa quuse.
Qasab iyo qofkii qaan rabiyo, nolol quraafaada
Wax la qorey qofkii qaaddacee, quduro moodaayo
Qummay iyo qofkii aaminoo, qurun la maalaayo
Ifka laba qaybood qisaas qur, isma dhaamaane
War Qowm Aakhiraadow haddaad, qiima diidaydo
Oo qowm aakhiraadow haddaad, qaayo diidaydo
Oo Qowm Aakhiraadow haddaad, qaranka dooxaydo
Oo Qowm Aakhiraadow haddaad, qaafo laayaydo
Oo Qowm Aakhiraadow haddaad, qayr ka cararaydo
Oo Qowm Aakhiraadow haddaad, iino qoolaydo
Oo Qowm Aakhiraadow haddaad, qoofal nagu haydo
Waa duni la quudquudayoon, laga quraacayne
Waa duni qoraal iyo lahayn, qabad la raacaaye
Waa duni qaxootigu qulquli, oo qamaamudiye
Waa duni qiyaastii luntoo, laga qushuucayne
Waa duni raggii qori lahaa, kala qibloodeene
Waa duni qayaxan oo qasilan oo qalloocaniye
Waa duni qataar iyo lahayn, qodob la qaadaaye
Waa duni qaraarkiyo la sugi, qabashadeed uune.
Ibrow”4” qulucda ii keen qabraa, loo qulqulayaaye
Qaaddirkay shantow farey ayaan, sii qumminayaaye
Oo qalwiyo qallayntii horaan, sii qaddimayaaye
Hanaw qabin inaan qoofayoon, qoon ka cararaayo
Oo qawlkaygu waa seef afloo, waan ku qalayaaye
Qiyaamana cadaabkaa qafuli, qowmka aakhiro’e.
Dhammaad.
Eray bixin:
“1” Abwaaan Cilmi Barrow Waceer (AUN)
“2” Abwaan Faarax Shuuriye (AUN)
“3” Abwaan xasan qawdhan yuusuf (AUN)
“4” Ibrahiim Cismaan Afrax. Hal Abuur da’ yar

W/T: Maxamed Cilmi Dhicisow
elmi_0@hotmail.com

SHEEKOOYIN