Gabayga: Xabashi diid Curiye: Cabdiqaadir Weheliye.

     Xabashi diid.

 

Daadir 

 

Gabaygani waa  gabay ka xog warramaya, dhibaatada shisheeyuhu ku hayo, geyiga Soomaaliyeed,  sidoo kale waa gabay gubaabo ah, oo uu  Hal abuurku bulshada

ku hogga tuseynaya, inay ka maarmaan, gacan shisheeye,  hiil iyo hoona iyagu isku tashadaan, waa gabay  ka hadlaya marxalada nololeed ee maanta umadda Soomaaliyeed ku jirto, Bogasho wacan.

 

Lafta dhabar ka xeertiyo wadanaha, Xoog dig diganaya.

Xiska beerka hoosiyo calool, Xididka dhiigeyga .

Xudunteeyda jiirkiyo laftiyo. Dhuuxa iyo xuubka

Waxeey ii xugmaayaan sidii, Xaaba leey shidaye.

Weriyaha la xiray baa qalbigu, Ii xasaasiyaye.

Xabashidu nimeey heeysataa, Xaalufoo darane.

Is xureeya qoom yahow ifkaad, Xuma u joogtaane .

Is xureeya qoom yahow xilkii, Daalin baa xadaye .

Is xureeya qoom yahow arligi, Xaasid baa yimide .

Is xureeya qoom yahow ibleeys, Xoomayaa yimide

Xuun soo dawaafiyo tigree, Xiimayaa yimide

 

Weriyaha la xiray baa qalbigu, Ii xasaasiyaye .

Is xureeya qoomyahow dhulkii, Xaaqir baa yimide.

 

Xanta waad u foogtaan sidii, Xaamil kuu dhaliye.

Xamar tuugadaa joogta iyo, Madaxdan xeer beegta .

Qoorteey ka xiran yiiin xiskood, Kama xal qaatane .

Kay iyo gabraa soo xuloo, Xaashadood dhigo’ e .

Shanteey kala xardheen waa horeey, Xaabki laaceene .

Labadii hareey xaajadood, Kala xin soo reene .

Ictiraafna qaar xoogayoo, Xiisad laa jira.e

 

Xabashidu ninkeey heeysataa Xaalufoo darane .

Is xureeya qoomyahow dhulkii, Xaasid baa yimide

 

Heedha xaraf ka diimeed ayaa, Xaajiyoow xiga .e

Xajka oo la diidiyo quraan, Ama xadiisiinta .

Masjidkoo la xira baa xigtooy, Xaayadeen dhimane .

 

Weriyaha la xiray baa qalbigu, Ii xasaasiyaye .

Is xureeya qoomyahow ibleey, Xiimayaa yimide.

Curiye; Cabdiqaadir Ibraahim Weheliye

sandhool-yare@hotmail.com

SHEEKOOYIN