Gabaygii Ha tahriibin.

11998395_903357503045466_522254365_n

Gabaygaan lamagac baxay Hatahriibin waxaa curiyey abwaan Cali Saalax Siciid (Cali Daad) waxana uu tusaale iyo tilmaan waafi aha kabixinayaa dhibaatada guracan ee ay lakulmaan dadka naftooda iyo maalkooda kuqaraqaya badaha iyo saxaraha si ay ugu noolaadaan dhalanteed beenaadka Yurub.

 

  1. Tixo gabay ah baan tirinayaa, Talo wadaageede.
  2. Tusaaliyo waxaan bixinayaa, Muuq tilmaan sidahe.
  3. Tubta maqalka ii fura wax baan, Taabo leeyahaye.

 

  1. Tahriib adiga oon gelin adoon, Taladu kaa laalmin.
  2. Tubtaas dheer adoon marin adoon, Tacadigaas doonan.
  3. Toban beri adoon qadin adoon reerka, Tacab beeline.
  4. Tiriboli adoon lagugu qaban, Xarig laguu taagin.
  5. Tola’ayeey adooon oranin iyo, Lacagta sootuura.
  6. Tashwiish reerka adigoon kufurin, Tuugsi iyo qaylo.
  7. Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.

 

  1. Talyaaniga baddiisiyo adoon, Barafka sii tuuran.
  2. Taacadi iyo rafaad adiga oon, Lagugu taagtaagsan.
  3. Tacbaan doon ah sadaxeed intaan, Mawjad kaa tuurin.
  4. Turqa weyne oow nibirigii toog, Ku kala gooynin.
  5. Tan aduun mid aakhiro intaan, Taladu kaa weecan.
  6. Tobaddii ilaahay adoon, Tooska uga bayrin.
  7. Taariikh xun adigoon kategin, Lagu tusaalaysan.
  8. Tashi xumo intaaneey kuhodin, Hooyo tacab beeline.
  9. Tobankaas halaag iyo intaan, Shallow lagaa tuurin
  10. Taladayada maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.

 

  1. Tahluukada dhextaal Yurub hadaan, Idin tusaaalayo.
  2. Tilmaamha xanuunka leh hadaan ,Tixo ku sheegsheego
  3. Tuhun been ah ini loo kacaan, Idin tusaayaaye
  4. Tacadi iyo dhib bey kala kulmeen, Wiilashii tegeye
  5. Teendhada qaxootiga ayaa, Lagu takooraaye
  6. Tiixtiixa barafkeey gidaar, Toban useexdaane
  7. Timahaa kubaxay oo fakhribeey, Telef lajoogaane
  8. Takfiir diinta maanacay ayeey, Tuugsadaan abide
  9. Tirtira buu gawaarida dhahaa, Tuunjigiyo weelka
  10. Tacab uma baxaan iyo tacliin, Tumasho mooyaane
  11. Tabtaaseey muteen Yurub dadkii, Shalay utaagnaaye
  12. Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.

 

  1. Taadan ad kunooshay dalkey, Sharaftu taalaye
  2. Tol ku caawinaayaa jiriyo,Waalid kuu turahe
  3. Tixgelin baad kuleedahay xoriyad, Taam ahoo adage
  4. Tacliin iyo shaqaba waad kaheli, Tii kastey tahaye
  5. Tin iyo cidhib nimcadu waa dhul ay,Toos isaga taale
  6. Togag shidaal ah baa aasan oo, Taako noojirahe
  7. Tiin iyo khudaar waxa kabaxa, Toban kun oo nooce
  8. Tan kalluun ah baa lagahelaa, Tuuryadii qurahe
  9. Tabcashiyo shaqeey naga rabtaa, Ruuxna yuu tegine
  10. Taladayda maqal oo tahriib, Tamanigeed jooji.

 

SHEEKOOYIN