GACALISOOY GEERIDAADII KADDIB | W/Q; Maxamed D. Ciise

GACALISOOY GEERIDAADII KADDIB

W/Q; Maxamed D. Ciise

Goortii ay geeridu kuu timid, adigu qabri mugdi ah ayaad u hoyaadday, aniguna qolkaan baas ee mugdiga ah ayaan ku kaliyeystay. Wax kasta geeridaadii kaddib wey isbaddaleen xitaa aniga dhacdooyinkeygu waa ay isbaddaleen. Haa gacalisoy, qolkaan ayaa ii noqday qabriga aad ku jirto. Jirkaagii aboor ayaa dhammeystay oo nolol ka doonay, anigana jirkeygu wuu sii dhammanayaa aniga oo nool. Walax kasta adiga ayaa u ahaa astaanta quruxda se hadda walax kastaadhadhan iima lahan.

Korriinshahaygii ogaal kadib waxa aan isweydiin jiray Matxafka walxaha yaalla miyaa qurxiya mise matxafka ayaa quxiya walaxaha? Haa, tani hadda ayaan ogaal u yeeshay, se eeg nasiib darradayda, waxa aan ogaal yeeshay goor aad firaaqaysay garabkayga.

Gacalisooy aan kuu warramo, una warramo ruuxdaada daahiran. Goortii sakaraadku silica daran kugu hayay anigu waan adkaysan kari waayay, oo waxa aan ka soo dhaqaaqay halkii aad jiiftay. Maya, kama bixin ballantii ahayd in aan garabkaaga ahaado, se xannuun daran ayaan dareemay goortii aan arkay silicaaga!

Bannaanka ayaan tagay oo xabbad sigaar ah ayaan shitay aniga oo aad u liidan misana aad u rejadhigay. Rejadu waa tamarta ugu sarreyso uu nooluhu ku dhaqaaqo. Isla tamartaas ayaan waayay, oo waxa aan u muuqday dhaqtar ka rejadhigay bukaankiisii. Haddaan kari lahaa inaan u dagaallamo naftaada, waan u dagaallami lahaa goortaas si aad igula sii joogto koonkaan.

Xabaddii sigaarka aheyd ayaan dambas u baddelay, aniga oo miyirkaygu maqan yahay.

Mar qudha, ayaan maqlay oohin gurigii wada qabsatay. Kolkii aan ku dul imidna, indhahaagu waxa ay isku baddaleen caddaan! Quruxdii iyo ashqaraartii bu’da indhahaaga ayaan waayay mar kaliyaato misana kolkaas ayaan xaqiiqsaday in uu ii dhacay gabbal baas!

Aad baan u xasuustaa. Hareeraha ayaan eegeegayay sida in aan ruuxdaada arki karo oo kale. Maquusan kolkaas baan eegay haddana samada kore, oo wadaaddada ayaan ka maqli jiray ruuxdu in ay samada aaddo!

Haddii la i siin lahaa kansho aan wax ku codsado, dhab ahaantii, waxa aan codsan lahaa haddii la kari karo in geerida lagaa baajiyo! Gacmaheygii uu haashku ka soo kakamayo ayaan indhahaaga ku daboolay, taasina waxa aan kaa weyddiisanayaa cafis gacalooy!

Indhaha kolkii aan kuu laabay ayaan wajigaaga dul yeelay bushimahayga si aan kuu dhunkado, kaddib haddana waxa aan u soo dhawaaday bushimahaagii jilicsanaa se engagay, xumadduna ay u yeeshay jeex jeexa, bal se waxa aan u shumiyay si ka macaan sidii hore. Indhahayga illin ayaa ka soo daadatay, carrabkeyguna qallayl ayuu bilaabay, maskaxdayduna dhinacyo badan ayay u shaqeysay… haddana waxba uma muuqan. Qorraxdu iyada oo cirka saaran, ayuu haddana ii muuqday mugdi aan laga baaqsan karin.

Dhammaan ciddaadii waa ay wada ooyeen, iyaga oo munaafaqnimo daran ay ka muuqato. Kolkii ay naftu kugu jirtay ee aad caafimaadka qabtay cid kasta waxa ay ku shuqlaneed xantaada iyo xasidkaaga, se kolkii uu jirkaagu ruux beelay ayay cid kastaa kuu muujisay samo iyo kalgacal tiro beel ah. Waa iinta xun ee aan leennahay dad ahaan. Cidda kolka ay nooshahay lama daneeyo se kolkii ay ka faaruqdo ruuxda ayaan u hillownaa una muujinnaa kalgacal.

Waxa aan u dhugmo yeeshay saaxiibadaadii shaqada, oo qaarkood ayaan ka soo qeybgalin aaskaaga iyaga oo sheegtay mashquullo adduun. Waxa aan aad ugu fiirsaday ehelkaaga, oo qaarkood aysan ka muuqan murug. Qaarkood waxaa ku jiray degdegsiimo, oo waxa ay aad u daneynayeen in xilli hore lagu aaso si ay shaqadooda ugu foofaan.

Maamulihii iskuulka aad macallimadda ka ahayd isagu ma uu san imaan, sababtiisana garan maayo! Duugistaadii kolkii ay soo dhammaatay cid kasta si degdeg badan ayay u soo carartay, aniguna waxa aan baaqi ku sii ahaaday geeskaaga.

Illin daran ayay indhaheygu soo qubayeen, iyada oo aad mooddid in wabi weyn indhaheygu dhex maro. Noole ahaan waxa aannu nahay kuwa aad u munaafiqiin ah, cid kasta waxa aan u muujinnaa jaceyl, se goorta ciddaasi faaruqdo waxaa innaga dhammaada jaceylkaas.

Gacaliso jiil aad u ayaandaran ayaad kudhex noolayd, iyaga oo noloshaadii kuu muujiyay xasadnimo ayey haddana aaskaagii ka faaruqeen ammin hore. Waxa aad kudhex noolaatay adduunkii ugu sarreeyay walaxeysiga, uguna hooseeyay ruux ahaan. Waxa aad iiga dhex faaruqday jiil walaxdii ka sarreeyso, naftii iyo ruuxdiina ay gablan ka noqotay. Waxa aad iiga dhex faaruqday jiil damaca iyo dulleysigu cirkaas gaaray, halka dunnimada iyo dadnimadana ay iska aaseen. Jiil dulqaadka u qaatay astaan daciifnimo, aamusnida u qaatay awoodyaraan, cafiska u qaatay doqonnimo, dabacsanidana u qaatay astaan hooseyn ah.

Qabrigaagii dhinaciisa ayaan baaqi ku ahaaday, kuna niyad qabowsaday. Ciidda ugu nasiibka badani waa ciidda aad kudhex aasantahay. Dhabtii cid kasta waxey raacatay danteeda, si fududna way kugu illoobeen. Haa, qalbi kasta oo kuu muujiyay jaceyl munaafaqnimo leh ammin hore ayuu ku illoobay. Baaqi ahaansho dheer kadib waxa aan u soo dhaqaaqay gurigii aad igu cidleysay, haa guri iftiinkiisii aan soo aasay.

Xasuusteyda wali kama bixin, maalintii aan kusoo aasnay. Kadib waxa aan iska imid guriga aniga oo aad u itaaldaran. Isla habeenkii waxaa ii yimid Hooyadaa iyo Aabbahaa oo wada socda, ayna weheliso Siman. Kolkii aan Siman arkay, waxa aan kadhex arkay jirkaagii oo wali nool, sida ay kuugu egtahay awgeed. Daaradda ayaan u dhigay kuraas.

Soodhoweyn kadib, waxa ay ii sheegeen in booskii aad ka faaruqday ay ii buuxiso Siman. Haa, dhabtii mar kaliya ayaan qarracan iyo baasxumo dareemay. Eeg gacaliso sida ay waalidkaagu kuu ciribtirayaan. Dheeho sida uu aadanuhu u dhaqan xunyahay, una munaafaqnimo badanyahay. Waxa aan galay aamusni dheer, kadib waxaan u sheegay in taasi tahay munaafaqnimo aad u weyn ayna xaggeygana ka tahay wax liita.

Naftaydu way diidaysaa in aan raaxo iyo galmo la wadaago jir aanan ahayn kaaga. Gacaliso eeg sida kolkii aad ka faaruqday adduunka ay dadkii dhan u noqdeen munaafiqiin. Eeg sida lammaanaha nooli ay iskugu muujiyaan kalgacal iyo naxariis, se midkood markii uu faaruqo, jirkiisuna uu aboorku quuto, uu kan kale u raadsado jir kale oo uu la raaxeysto. Daneysi! Daneysi! Haa, danta ayay dadka oo dhammi u noqdeen raacayaal. Waxa aan seddexdoodiiba u sheegay inaanan diyaar u ahayn middaas, naftayduna ay la noolaan doonto ruuxda jirkii aan soo aasnay maantay!

Iyaga oo aad u niyadjabsan ayay ka hullaabteen irriddii gurigeyga, se Siman ayaa inta ay dib ii soo eegtay igu dhahday “Waad waalataye, naftaada ha cadaabin.” Inta aan si deggan u eegay ayaan dhex muquurtay aamusni dheer, iriddiina waan ka xirtay.

Gacaliso geeridaadii kadib, dhammaan saaxiibbadaa magacaagii way illoobeen iyaga oo ku shuqlan howlo adduun. Waxa sidaas kuu hilmaamay waa saaxiibadii aad qiimiga sare siin jirtay. Haa, saaxiibtaa Dahabo, ee aad xigtada dhow wada aheydeen si fudud misana aan ka soo noqosho lahayn ayey kuu illowday.

Qoyskaagii waxa ay dharkaagii siiyeen dad masaakiin ah, waliba kuwii aad ugu jacleyd. Midabkii aad ka dookhan jirtay dharka, hadda waxaa xidhan hablo kale. Aabbahaa xaas kale ayuu guursaday si uu u helo ilmo kale. Gacaliso geeridaadii kadib cid qabrigaaga soo booqoto majirto oo aan ka ahayn naftayda adiga kuu xidhan. Gacaliso dhammaan buugtaadii qolkayga ayey dhex yaalliin, haa, waa iyaga halkaan soo yuurara. Sheekafaneeddii aad jacleyd oo dhan aniga ayaa haya, misana kugu soo xasuustaa. Waxkasta oo aad leedahay waa xasuus ii goonni ah.

Kolkii jirkaagu ciidda dhex galay, dhammaan dadyowgii way soocmeen. Dhammidood waxaa madaxmartay walaxeysi, waxa ayna hilmaameen nafahooda. Haa, dhammaan ardaydii aad waxbari jirtay hadda waxay noqdeen kuwo kobacay misana hantiyay adduunyo se midkoodna soo ma booqan xabaashaada. Maamulihii iskuulka ee aadka kuu xiisayn jiray, waxa uu ka maqnaaday aaskaagii, haddana ma soo booqdo xabaashaada.

Anigu maahi munaafaq, naftayduna maaha nafaha doonista badan. Goobihii aad tagi jirtay dhammaantooda gacaliso aniga ayaa booqda,maalmaha fasaxa aan ahay. Haa, hadda oo aan qoraalkaan qoraayo waxa aan rabaa inaan isku diyaariyo si aan u booqdo goobihii aan wada tagi jirnay. Sannado dhowr ahba uma labbisan si heer sare ah, sababta o dhinaceyguba waa cidlo.

Waxa aan booqanayaa goobtii aad qaxwaha casiriyaha ah ka cabi jirtay, waxa aan maalinteyda fasaxa cabbaa dookhaagii ahaa Mikiyaato. Wali maqaaxidaadii ayaan ka cabbaa qaxwaha aniga oo aad uga indhabuuxsado kursigii geeska ahaa ee aad salka ku hubsan jirtay kuna fuuqsan jirtay Mikiyaataha. Dhowr saacaddood ayaan u hibeeyaa maqaaxidaas. Kadib waxa aan u soo dhaqaaqaa goobtii aan ka wada iibsan jirnay Ubaxyada, waliba dookheennii yaabka badnaa ayaan iibsadaa. Gabadhii Ubaxa innaga iibin jirtay ayaa markasta i wedydiisa weydiin aan dhibsado aadna i xanuujiso middaas oo ah “Aaway gacalisadaadii?” Xanuun daran ayaan ku dareemaa weydiintaas, oo dhowr jeer ayaan ku dhahay way ila socotaa se iyadu ima fahanto oo waxa ay eegtaa hareeraheyga. Kadib eegis dheer waxa ay la yaabtaa hadalkeyga, iigana shakisaa waalli.

Bal se galab ayaan u sheegay xaqiiqda qaraar aniga oo ku dhahay “gacalisadeyda jirkeeda waa uu ka faaruqay adduunkaan, bal se ruuxdii ay lahayd ayaa ku dhex nool adduunkeyga!” Yaab iyo fajac ayaa ka soo haray, iyada oo aad mooddid in ay ka shallenayso weyddiinteedii. Waxaay igu tidhi “Naxariis badan baan u dhaafayaa” si deggan ayaan iskaga soo faaruqay galabtaas.

Markii aan booqdo maqaaxidii aad jecleyd, kana cabbo dookhaagii, kana soo dhammaado dukaanka Ubaxyada, waxa aan u soo dhaqaaqaa jardiinkii aan ku sheekeysan jirnay ee kaabbiga ku haayay badda Curubo. Gacalisoy, jardiinku waa sidiisii. Se aniga waxa uu igula muuqdaa mid diif daran ay ka muuqato, sababto ah quruxdii walxaha ayaa ka faaruqday dunideyda. Neecowda badda uma dareemo sidii hore, hawaduna uma udug badna sidii hore. Udugga dhabta ahi waxa uu ahaa kan adiga kuu marsan ee kaa soo carfo. Wali sidii bay caruurtu ugu ciyaarayaan halkaan, kawaankii kalluunkana wali waa halkiisii, dadkuna wali waxey addoomo u yihiin danta iyo damaca. Odaygii jardiinka geeskiisa fadhiisan jiraye ee aad kista yar ee sadaqada aad siin jirtay isagana wali sidii baan u siiyaa kistiisii. Dadka jardiinka fadhiyo dhammidood waxa ay moodaan inaan ahay kaligay se waxa aan wehel u haystaa ruuxdaada daahiran.

Qorraxdu inta aysan dhicin gacaliso waxa aan u soo dhaqaaqaa qabrigaaga, si aan u soo booqdo ruuxdaada. Haa, ma rabo inaan kuu hilmaamo sida qofkasta oo kale uu kuu hilmaamay. Qabuuraha markii aan imaado, waxa aan dareemaa dareen aad u nugul. Eeg gacaliso, qabuuraha lambarkaagii waxaa ka danbeeyo kumannaan lambar oo kale. Qofaf badan ayaa gadaashaa la keenay, iyaguna waa cidloodeen.

Adduun ayaan ka raacanay kuwii innaga dhintay. Gacaliso, eeg sida dadku kuu hilmaamay iyo sida aad u qiimeyn jirtay. Qabuuraha waa dhul ka duwan dhulka kale, waa isla ciiddii aan korkeeda joognay oo inna gashatay caloosheeda. Ubaxa aan ku dul saaro qaali wuu dhammaada maalmo kadib, haddana waxa aan dib u soo cusbooneysiiyaa ubaxa si aanan kaaga rejadhigin. Kuwa badan ayaa inna jeclaada inta aan saarannahay ciidda dusheeda, se inna hilmaama kolka ay ciiddu inna liqdo.

Ma doonaayo inaan sidaas oo kale noqdo, kuna jeclaado cishqi dhammaad leh. Adduunkiina waxa loogu yeeray Ahlu Qabuur, innaga keenna waxa aan ugu yeeri lahaa Ahlu Damac! Gacaliso waan kaa sarreeyaa, haa, aniga oo liidan misan cishqigaaga la ildaran ayaan taaganahay qabrigaaga dushiisa. Aniga oo ku cidoolday dunidii aad igu firaaqaysay ayaan ku dul joogaa. Haddii aan kari lahaa jirkaaga inta aan soosaaro ayaan laabta gashan lahaa. Ubaxyo udug badan misana dookhaagii ah ayaan qabrigaada dushiisa yeelayaa, se waxa aan hubaa inaad iga nasiib badantahay.

Gacaliso waad iga nasiib badantahay, sababta oo ah waxa wali adduunka ku haray qof ku jecel oo aan ku hilmaamin, se aniga haddii aan dhinto middaas ma heli doono. Halkaan ayaa la igu soo duugi doonaa, aadna waan ugu xiiso qabaa agtaada. Haa, sidii aan addduunka isku garab jiifan jirnay ayaan ugu hillowqabaa inaan qabuuraha isku garab jiifanno. Hillow daran ayaan u qabaa inaan agtaada ahaado. Waan karhay dunidaan dulleysiga badan, dadkeeduna noolayaasha dhintay ah. Hillow ayaan u qabaa inaan karfantaada carafsado isla sidii aan u carafsan jiray diraaciigii. Ciidda aad ku aasantahay ayaan ka sii carfsanayaa uduggaagii.

Nabadgalyo gacaliso waan iska sii luudayaa, ruuxdayda qabrigaaga ayay dhex ahaatay, jirkeyguna waxa uu ahaaday adduunkaan baas. Aboorka haddii uu i maqli karo waxa aan ka codsanayaa in uu jirkaaga cunin, si adiga oo nabdoon aan kugula kulmo.

Nabadgalyo.

Qabrigaaga waxa aan uga tagayaa, warqaddaan iyo ubaxaan.

SHEEKOOYIN