Gad-gaddoonka maalmaha W/Q: Axmed-saalax Muxammad

Gad-gaddoonka maalmaha W/Q: Axmed-saalax Muxammad

Hayaanka nololeed ee aadamuhu nolosha adduunyo ugu jiro bar-bilaw iyo bar-dhammaad buu leeyahay. ammin (waqti) walba oo aynnu joognay mid lasoo dhaafay baa ka horraysay oo tagto innoo ahayd markaa, timaadadii aynu sugaynayna hadda waynu kasoo gudubnay oo berisamaad tirsiga innoogu jira ayay innoogu qummantay. socdaalka wareegtada u eeg ee dharaaraha iyo habeennadu isu daba marayaan ayaynu la lugnahay innaguna. Duruufaheenna nololeed iyo xaaladaheenna nafsadeed ba sidaasay ula jaanqaadaan gadgaddoonka maalmahaas.

Ma xasuusataa maalmo farxadeed oo dunida oo dhani kula qurxoonayd?!
Ma xasuusataa maalmo cid waliba kuu waji furnayd adna aad u niyad samayd?!
Ma xasuusataa yaraantaadii aad qaxarka nolosha iyo xasaradda dabeecadda ka huwanayd xannaanada iyo xubbiga waalidkaa?!
Ma xasuusataa nolol aanay qiimaynta maaddigu qayb wayn ka ahayn oo aad soo martay?!

Waydiimahaas iyo qaar kale oo u eg ba, “HAA”- ayaynu kaga jawaabi karnaa.
Nasiib wanaag waa xasuus wanaagsan, nasiib xumo se waa tagto hore oo waaqica waxba ka baddalahayn! Haah! qofna xasuus wanaagsan iyo ayaamo wacnaa oo uu soo maray maanta kuma noolaan karo.
Sidaa darteed baynu qof fashilmay amma nolosha ka dhacay ugu tilmaam naa ruuxa ka carara la noolaanshaha joogtadiisa, isagoo weheshi wahmiya kula jooga xaalado nafsadeed oo wanaagsanaa, tiisa dhabta ah ee maantana ka gaddisan.

Culimada bulshadu (sociologists) marka ay ka hadlayaan dib u dhaca bulshada waxa ay sheegaan Aadame ay u bixiyeen (الإنسان المقهور/ Aadamaha la jabiyay/laga adkaaday), insaankaa la tilmaamay waxa astaamihiisa ka mid ah;in tagtada noloshiisa sawirka uu ka haystaa uu ka awdo suuraynta timaadadiisa iyo la noolaanshaha taagantiisa. Sidee? qofkani si joogto ah wuxu isugu maaweeliyaa waqtiyo farxad leh, guul leh, dareenno togan leh, tanaad leh, tudhis badan oo uu usoo joogay. Waqti xaadirkuna khaa’in intaaba ka dafaya ayuu u yahay. Amminta kusoo foodda leh qorshe dajinteeda iyo xeelad dhigashadeeda iyada hadalkeedba daa. Sawirashada timaadadu waaba ta ruxaysa dheelli-tirnaanta naftiisa, sidoo kale bidaysa xanuun iyo xummad inuu xammilaa ay adagtahay.

W/Q: Axmed-saalax Muxammad.

Email: Saalixiya33@Gmail.com

SHEEKOOYIN