Ganacsatooy su’aalahan jawaab ma u heli kartaan?.
Haddii aad aragto dal horumar la taaban karo gaaray, oo ilbaxnimo iyo quruxina ay ka muuqato ogow in ay ganacsatadiisu, si qiiro waddaniyadeed leh dhexda ugu xirateen hantidoodana ku horumariyeen, haddiise aad la kulanto dal burburay oo colaad iyo abaar dartood la kabsan waayay, si sahal ah u garo in ay ganacsatadiisu ku tumatay oo dhulkaba ay ka soo qaadi waayeen, illeyn sidaas bey macaash kelinimo oo aan xalaal aheyn ku hantiyaane!.
Abbaarta ujeeddadeydu waxa weeye:- Sidiisaba dal, waxaa lagu horumariyaa canshuur bixin iyo kabidda dhaqaalaha dalka, si ammaanka, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha waddooyinka, korontada iyo biya siinta magaalada loo hirgeliyo, su’aashuse waxey tahay:- ganacsatooy idinku ma tihiin kuwo intaa aan soo sheegay dhismahooda ka qeyb qaata oo diyaar u ah in ay canshuuraha bixiyaan mise waa maya oo iftiinka in aad wax cuntaan mugdiga ayaad ka jeceshihiin?.
Seddexdii meesin xoolaad ee uu dalku lahaa iyo guud ahaan ugaadhiiba waad wada dhoofsateen idinka oo aan u aaba yeelin dheddigga iyo laboodkoodaba, waxaadna ku soo beddelateen sandareerto aan u qalmin xoolaha aad ajnabiga u sadaqeyseen. Intaa haddii aad u bareerteen baahanihii xoolaha lahaa ee maciishadda aad ku qaaliyeyseen rubaca hilibka ahna gadan kari waayay dib ma u soo eegteen, mise warba u ma heysaan oo macaluusha iyo meydkiisa ayaad ku qanacdaan?.
Waddooyinka laamiyada ah ee bulshada oo dhan idiin kala dhaxeeya in aad jeex jeexdaan oo aad tubbooyin bililiqada ah dhex dhigtaan ama aad fiilooyinka isgaarsiinta dhex marisaan, idinka oo aan burburkii aad sameyseen aan dib u kabeynin, waddada dhaxdeedana aad ka dhigtaan baallayaal iyo fiilooyin isku wada tixan oo fool xumo miiran ah, taa miyey idin la qurux badanaatay, mise dalkaba macaashkiisa mooyee dhismaha quruxdiisa waxba ku ma lihidin?.
Mooska, canbaha, babbaayga, liinta iyo waxa la midka ah intaba waad wada dhoofisaan weliba si aan sharciga waafaqsaneyn, kii lahaa beerta laga soo guray amaba shaqaalaha ka ahaana wuu caga cad yahay, wuu feera qaawan yahay oo kaneeco ayaa dhameysay ugu danbeystana cudurka duumada amaba mallaariyada ayuu u dhimanayaa daawo la’aan darteed, adiguna dhiiggiisa ayaad ka faa’iiddaa, haddaba ganacsadow ceeshka aad halka ka soo hesho ee aad carruurtaada u gudbiso sow qaaxo ka qaadi maayaan maxaa kuu diiday inaad xalaasha bulshada la wadaagto oo aad sakada waajibka ah iyo canshuurta dalkaba dib isaga soo celiso?.
Haddii aad hantidii uu qaranku lahaa wada dhoofiseen, taa beddelkeeda maxaad ku soo beddesheen oo aad dalka soo geliseen?:- Ma daawoo dhacday, daroogo iyo qaadkii ingiriiska laga mamnuucay oo kaliya, mise bulshada waxtar kale oo qarsoon ayaad dadka iyo dalkaba u heysaan?.
Jeeb iyo dhaqaale buuran hadduu eebbe idiin siiyay, waxey aheyd in aad wax isku darsataan oo aad warshado yar yar iyo goobo laga shaqeysto aad dhallinyarada u abuurtaan, waxaadse moodda in aad dhankaasi ka wada il duufteen oo aad malaayiyiin doollar ku wada abuurteen hoteello casri ah oo aanay jirin cid awood u heysa seexashadooda. Ma caddaanka yar ee sir doonka ah kaliya baa loo dhisay mise xildhibaannada baarlamaanka iyo amisom madaxdooda in ay ka cunteeyaan, haddii ay sidaa tahay ilaa goorma ayuu mashruucaasi sii socon doonaa?. Diyaasbaradu wey ka daashay lacago hoteello lagu bixiyo dalkuna wuu nabadoobay ee haddii uu qof waliba gurigiisa u soo laabto ganacsatooy hoteelladiinnu maxey ku danbeyn doonaan, ma bakhaarro ayaad u rogi doontaan?.
Ugu danbeyntii, maxaa idiin diidaya?, inaad dalkiinna iyo dadkiinna u hiillisaan, idinka oo waddaniyadda iyo islaannimadaba dugsanaya.
Maxaa idiin diidaya?, inaad xor ahaataan oo aad ka maarantaan maleeshiyada hubeysan ee aad qarashka faraha badan ku bixineysaan?.
Maxaa idiin diidaya?, inaad canshuurta iska bixisaan dowladnimadana aamintaan, adinka oo qarankiinna farxad murug la’aaneed kula dhex nool?.
Barbaariye@hotmail.com
Bashiir Cali Xuseen.