Gar-qaado Aad Guulaysatide W/Q:Maxamed Xaaji Xasan

11921912_10153039106067050_1677569798_n

Sooyaalka nololeed ee aadanuhu waa wax soo tixnaa ilaa maalintii uu Eebbe Sarreeye koonkan dhidibbada u taagay, tan iyo markaas aadanuhu waa gefaayeen, waana asiibayeen, laakiin, haddana si kastoy u asiibayeen marna gefku noloshooda kama maqneyn. Gefku waa qayb ku talaalan lana nool aadanaha, oo aan marna laga reja qabin in aad ka badbaaddo haddaad nooshahay. Maadaama aan laga badbaadi karin in aad dabinkaas ku dhacdo, haddana aadanuhu wuxuu ku kala hormaray sida uu xal uga gaaro gefka ka dhaca, ugana barto casharro uu kuwa xiga isaga mooso, si aanay noloshiisu u noqon mid aan miradhal ahayn.

Sirta ugu weyn ee dadyowga horumaray ay u adeegsadeen inay gefafkooda ku xalliyaan waxaa ka mida QIRASHADA khaladkii uu galay. Qofku inuu qirto, kana cudurdaarto oo qofkii uu u gefay ama arrinkii uu ku gafay uu si waadix ah u caddeeyo, soona banbaxo asaga oo cafis doona, oo aan marmarsiiyo raacin dalabkiisa cafis-doonka ah, waa ilbaxnimo iyo geesinnimo aanay dadkoo dhami wada lahaan karin.
Noloshan tixanaha ah waxay ka soo bilaabatay Aadan iyo Xaawo, Eebbe  Sarreeye labadoodaba wuxuu ku unkay jannada oo ay agab oo dhami u idil yihiin, nolosha aynu xakaarka u marayno imminkana kamaba mid ahayn doodda halkaa tiillay. Eebbe Sarreeye wuxuu ku yiri; “ka cuna oo ka cabba waxaad doontaan, marka laga tago geedkaas”. Ibliis baa u sheekeeyay, una qurxiyay hawo beena, dabadeedna kadhaadhiciyey in ay geedkii laga xarrimay cunaan. Siduu ibliisku faray bay yeeleen, Eebbe Sarreeyana wuxuu ciqaab uga dhigay in ay koonkaan shiddada, tacabka, diihaalka iyo oonkaba lala unkay ay dig soo yiraahdaan.

Kolkii ay dambigaa la yimaadeen, ALLE ayay cafis waydiisteen, waxayna yidhaahdeen “Eebow waxaan dulminay naftannada haddaadan noo dambi dhaafin oodan noo naxariisanna waxaan ahaanaynaa kuwo Khasaaray.” Suuradda Al-Acraaf, aayadda 23-aad. Cafiska ay Alle waydiisanayeen kuma aanay darin in Ibliis u qurxiyay cunidda geedkii loo diiday, ee waxay garwaaqsadeen inay ayagu dambigaa gaysteen, ALLE-na ka cafis doontaan, ayagoon geedo kale isku xogin. Halkaa ayay ka soo billaabatay qirashada qofku dambiga uu gaysto inuu caddeeyo, cidda uu ka galayna uga soo hoydo, isaga oonan ku adkaysan qalad laga tirsanayo.

Annaga, dadkeenan Soomaalida la yidhaahdo, waxaanu leennahay dhaqan ISKA DHICI la yidhaahdo, oonan laba shey oggoleyn, midi waa qirashada dambigii uu galay, midda kalena waa oggolaanshaha GUUL-DARRADA ( maalin kale ayaan mawduucaasna gooni uga hadli in shaa Allah). Haddaba, maadaama aanu soo dhex-galnay ummaddo naga dhaqan iyo xadaarad duwan, dhaqankeennii iska dhicinta ahaana uusan shaqeyneyn, aragnayna inuu guul-darro mooyaane uusan horumar iftiimineyn, makula tahay in la gaaray goortii aanu wax ka baddali lahayn dhaqankaas? Sideen isku waafajin karnaa in aan bulsho kale la noolaanno, innaga oo ISKA DHICIDII wadanna? Maxay culays innoogu tahay in aan qiranno wixii naga dhacay, innagoon marmarsiiyo raacin? Maxaa diidi kara in aad dambi dhaaf waydiisato iyo cafis dadkii aad ku gaftay? Maxaad is leedahay waan ku badali karnaa IS KADHICIDAAN baas ee na ragaadisay?  Gar-qaata bulshayahay aad guul gaadhaane.

Qalinkii: Maxamed Xaaji Xasan
kacdoon@gmail.com

SHEEKOOYIN