GARBADUUB Q13AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q13AAD

Guhaad sida uusan uga war haynin qoyskiisa iyo reerkoodi noloshoodana u moogyahay ayaa dhanka kale qoyskoodu u moog yihiin noloshiisa, wax ay hadba ku soo noqnoqdaan xeradii iyo taliskii uu ka tirsanaa, waxaa maalintii dambe lagu wargeliyey ninkaas iyo niman kale oo ciidanka ka mid ahaa, in kooxaha hubeysan ee duurka jooga ay dileen uuna geeriyooday.

Warbixintan dhiilada leh markii reerkoodu maqleen gaar ahaan hooyadii Dhudi walaalihii iyo xaaskiisi Ubax aad bay uga murugoodeen, Hooyo Dhudina waxa ay is tidhi “ Halkii aabbihii ku baxay ayuu ku baxay” waxaana la dhigay gogoshiisa oo toddobaad la fadhiyey, xaaskiisiina ay  asaay ku qaaday iyadoo asaydii sidana waxa ay ogaatay in ay uur leedahay.

Markay in ka badan gu iyo dheeraad ka soo wareegtay inta la la’ yahay Guhaad, warkiisuna uu ciidankii dhex xulay waxa ayna shuxshuxdii gaadhay Taliye Caddaawe oo gobol kale jooga, arrintii ayuu u dhabbo galay waxa uuna rumeysan waayey inuu warkaasi dhab yahay.

Taliye Caddaawe wuxuu xog raadis u galay meel walba ilaa uu la xidhiidhay rag ay isku wanaagsanaayeen oo ka mid ahaa kooxaha hubeysan ee duurka ku jira(Jabhadda) balse waxa ay u sheegeen inuusan jirin sarkaal magacaas leh oo ay amminta la sheegayo qabteen ama dileen.

Arrinkani waxa ay ku sii abuurtey tuhun dheeraada taliye Caddaawe, waxa uuna dhacdada la socodsiiyey  ciidanka ciidamada (Booliis meleteeriyo)iyo garsoorka ciidanka, waxaana loo oggolaaday inuu si madax bannaan u baadho arrinkaas awood buuxdana u haysto.

Wuxuu yimid magaalada Baarcad, wuxuu isku dayey in uu la kulmoqoyskii Reer Samatar, balse, markuu yimid gurigooda waxa  loo sheegay inay halkan ka guureen oo magaalada Guryosamo u wareegeen ammin hore oo ku dhaw gu’ iyo dheeraad.

Kaddibna wuxuu yimid xeradii, balse hore ayaa looga sii baarandegay in xogtaas la helo, dadkii ogaa arrinkana wixii lagu kalsoona maahine kuwii kale midba meelbaa laga tuurey. Waayo ragga hawsha fuliyey marka laga reebo labada nin ee midna ku xigeenkiisa ahaa midna wadihiisa baabuurka maahine inta kale waxay ahaayeen koox isku duuban.

Taliye Caddaawe xog dhammeystiran ma helin, waxaana loo sheegay arrintii loo sheegay qoyskiisa, balse wuu ay ku filnaan weyday, waxa uuna bilaabay wareysi iyo xuuraansi dhan walba ah.

Waa nin ciidan ah kama uusan hordhicin ee wuxuu wareysi ugula dhaqaaqay taliye Bille Dheere iyo Huruuse, iyaguna waxay u jileen si qurux badan inay murugada iyo dhibaatada la qabaan qoyskii uu ka geeriyooday iyo isagaba.

Wuxuu ugu dambeyn si lama filaan ah ugu soo booqday hoygiisa Oday Caraale is bariidin iyo is wareysi dheer kaddib waxaa uu u sheegay inuu yahay, Taliyihii hore ee Guhaad, warka dhiillada lehna uu maqlay dhawaan, sidaa awgeed uu rabo inuu wax ka weydiiyo.

Carraale waxa  u sheegay intii uu maqlay ama xog uu ka hayey iyo in ammin dheer laga warsugayey ugu dambeyna laga quustay oo gogoshiisa la dhigay, xaaskiisuna asaay u qaaday balse uma uusan sheegin iney uur  u lahayd iyo in ay wax dhashay midna.

Markuu weydiiyey aaway Ubaxna wuxuu u sheegay in loo beddelay Madalweyn oo ay ka shaqeyso oo ay madax tahay meel sarena loo dhiibay,  iyadana iyo isagana ay abaal weyn u galeen raggii ciidanka la ahaa ee Taliye Bille Dheere iyo Huruuse.

Markaasuu uag sheekeeyey dhacdadii murugada lahayd ee ku dhacday, in habeen ayaa iyagoo hurda ciidamo ordayaa albaabka soo jabsheen, argagax iyo anfariir kaddib Carraale guriga kala baxeen, laba toddobaad uu god madoow ku jirey laguna eedeyey  arrin been abuur ah.

Taasoo ahayd in uu ka mid yahay ganacsatada taageerta kooxaha hubeysan, sidaa awgeed dowladdu soo jeedisay in aniga 80 nin oo kale toogasho nalagu casaaray, balse, isaga eebbe ninkuu dilaa dhinta ee waxaan ku badbaaday halgan iyo dedaal dheer oo ay ii galeen Bille dheere iyo Huruuse oo ahaa widaayadii Guhaad, sidaana uu ku badbaaday soo raggii kalena tiirka lagu geeyey asigana laygu soo daayey.

Sii dayntiisa waa dhab oo waxaa ka dambeeyey Huruuse iyo adeerkiisa Bille Dheere, waxaana ku barooratay Ubax, oo markii odaygeeda la waayey ilaa maalintaas uusan Huruuse ka qoob qaadin, isaga oo isaga dhiga mid naxariis u haya iyada iyo ilmaheeda.

Ubax markuu arkay inay kalsooni badan u haysona wuxuu ku daray aabbaheed raggii toogashada lagu jideeyey, kaddib markii ay garab weydiisatayna si kalsoonideedu usii laban laabanto, ayuu dedaal u muujiyey uu aabbaheed ku sii daynayo dilna uga baajinayo, Arrintani waa u suura gashay, reer Carraalena waxa ay u hayaan abaal aan la koobi karin, Ubaxna wuxuu ka helay kalsooni aad u badan.

Carraale waa war jire moog, waxaana laga dhaadhiciyey in la badbaadiyey, inkastoo ay jirtey in raggii kale dharaar cad la wada toogtay iyadoo ubadkoodi iyo ooriyahoodiiba ay goobjoog ka yihiin.

Dhacdadan dil wadareedka ah ee haldoorka lagu beegsanayo maaha mid ugub ah wax ay dhacday in badan, waana mida keentay in agoon fara badan ay u baxaan hawdka kana mid noqdaan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda iyo ciidankeeda.

Waxaa waayahan socda guluf ka dhan ah qof kasta oo waxgarad ah lagana dareemo inuu saluug kaga jiro hannaanka iyo hawlaha ay wadaan kacaanku, qofkii arrimahaas lagu tuhmo ama laga dareemona waxaa meel u yaal dil ama xadhig, intaas loogama hadho ee waxaa loogu daraa in ubadkiisana hantida iyo guryaha lagala wareego.

Arrintan ayaa fududeysay in dadweynihii doorbidaan ciidankii kale ee gadoodsanaa duurkana ku jiray cududna u noqdaan.

Maaha hawshan mid ay dowladdu u dhan tahay waxaase si qarsoodi ah hawshan u wada kooxo is gaashaanbuureystay oo gobollada dalka oodhan jooga,waxaa sidoo kale hoggaanka dalka loo gudbiyaa inay yihiin dadka la laynayo iyo kuwa la xidhayaaba dad ka soo horjeeda dowladnimada.

Haddaba Carraale ninkii naftiisa badbaadiyey ee Huruuse  iyo Bille dheere wuxuu u arkaa barkhad cirka looga soo diray oo dhiigiisa ku hagoogtay waxa uuna u hayaa abaal weyn oo cid koobi kartaa aysan jirin

Taliye Caddaawe wuxuu ogaaday dhammaan arrimaha uu sheegaya inay dhab yihiin, waxa kale uu ka yaabay, hawlaha ay ciidamadu ka wadaan Baarcad iyo agagaarkeeda oo ah kuwo kala fogeynaya bulshada iyo ciidanka dowladda.

Halkaas waxaa uga soo baxday inay jiraan wax badan oo la qarinayo, balse, markan wax xoga oo dhammeystiran ma helin, isagoo weli tuhun weyni ku jiro ayuu dib uga noqday Baarcad.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN