GARBADUUB Q33AAD W/Q: Cabdiraxiim H. Galayr

GARBADUUB Q33AAD

Habeenkii guure ayay kaga baxeen magaalada Guhaad iyo ciidankiisi, balse waxa ay ku baxeen qaab aan ciddina dareemi karin oo qarsoodi ah, horena u diyaarsadeen. Waxa ay iska dhigeen dad xoolo dhaqato ah oo magaalada u soo doonto agab iyo raashin, waxa ay qaateen  macawiso, ulo iyo weliba hu’gii lagu yaqaanay xoola dhaqatada. Waxa kale oo ay diyaarsadeen laba awr ama ratio o hubka iyo agabkoodii ciidan ku qaataan kuna qarsadaan.

Ciddina ma dareemin iyagoo iska mushaaxaya ayaa dhammaan barihii ciidanka ee baaritaannada ka gudbeen, markii ay ka dhex baxeen Baarcad iyo goobihii ciidanku joogeyna  fogaadeenn ayay dharkoodi iyo agabkii ciidanka la soo baxeen.

Waxaa magaalada looga yimid Caanonuug iyo Farayare oo iska dhigay dibjirka magaalada hawshoodanna watey.

Ubax waa umushay waxa ayna dhashay Gabadh, kaddib ayaa laga soo saarey xaruntii caafimaadka, waxaanna loo sheegay in aysan gurigeeda tegeyn, kan hooyadeedna tageyn ee taliska dhexdiisa guri looga diyaariyey.

Arrintan waa diiday, ugu dambeyn hooyadeed baa u sheegtey intey foolanaysay rag hubeysan guriga yimaadeen, balse ay ka waayeen Huruuse iskana tageen, sidaa darted in laba maalmoodba uu Odawaa guriga awoowgiis joogay.

Ubax oo arrinkaasi ka nixiyey ayaa ku calaacashay Jabhaddu hore ayay Asey iigu saareen haddana ma mar kale ayay rabaan in ay ii saaraan maxaan u geystay maxaanse ka galabsaday.

Odowaa yare ayaa loo keenay hooyadii, markay aragtey ayay ku booday, isna wuxuu uga sheekeeyey in niman badan oo qorya sitaa qolkiisa yimaadeen. Kaddibna uu hurdada ka kacay iyadoo mid ka mid ahi madaxa ka salaaxayo oo dhunkanayo, indhihiisana ilmo ka socoto, Odawaa ayaa yidhi:Nin weyn oo nacas ah buu ahaa oo iska ooyaya sida ailmaha , balse kuwa kale waxa ay ku yidhaahdeen, wiilkaagu aad buu kuu egyahay iyo waxaad mooda adigaa lagaa jeexay!

Ubax ayaa amakaagtey, Ayeeydiisna waa maqlaysaa, waa la wada yaabay, waxaa kale oo ka yaabisay in uusan odawaa sheekadan cidna u sheegin ee hooyadii la sugey, Ayeeydiis ayaa tidhi mindhaa wuu ku riyooday.

Dabadeedna Ubax baa tidhi: Sidee buu ugu riyooday sawdinka ii sheegaya in guriga ciidan yimid oo ay dadkoo dhami arkeen.Dareen weyn baa galay Ubax waxa ayna ku adkeysatay in ay gurigeeda tegayso, oo aysan meel kale u socon, iyadoo rabta iney ka gun gaadho.

Ugu dambeyn markay diidey xerada waxaa yimid Huruuse, waxaanna laysku raacay in ay guriga hooyadeed ku ummul baxdo, isaguna halkaas kaga war hayo, halkan waxaa Huruuse ku qarinayaa baqdintiisa ah inuusan guriga u hoyan kareyn.

Maalintii dambe ayaa waxaa la xidhay rag lagu tuhunsanaa in ay gacansaar la leeyihiin jabhadda oo nin magac weynaa oo ganacsade ah lana dhihi Faras ku jiro iyo dhawr qof oo hawlwadeennada dowladda ah qaarkoodna gaashaanleyaal ciidamada kala duwan ah yihiin waxaanna la rabay in loo gudbiyo qabirka weyn ee Durdur.

Maalmo kaddibna loo wareejiyo Madalweyn oo halkaas go’aankooda lagu fuliyo oo u badnaan kara dil toogasho ah.

Guhaad oo wata saddex baabuur oo hubeysan ayaa jid gooyo ugu galay, deegaanka Laan madheedh, waxaa ay markiiba lugaha ka toogteen baabuurtii ilaalladu wadatay, waxa ayna isku meegaarey oo ku teedsanaayeen waddada taasoo in qolada kale iska dhiciso ay u fududaan weyday, halkaas waxa ay ku dileen 15 qof oo isugu jira ilaaladii ciidanka ahayd iyo wadayaashii baabuurta.

Waxa ay qabsadeen Baskii oo nabad qaba ragga la qabtey saarnaayeen, waxa ayna ula baxsadeen dhanka soohdin beenaadka ilaa ay ka geeyeen Haraweyn oo ahayd taliskii ugu dhawaa ee fallaagada( jabhada)

Arrintani waxa ay sii cakirtey isu socodkii gobollada guud ahaana waxa ay jabhadu joogta ka dhigteen jid gooyada, iyagoo leexsanaya gaadiidka iyo sahayda ciidanka hub, agab iyo cuntaba.

Bile dheere ayaa u tegay oday Carraale una sheegay in Guhaad nool yahay, geeridiisana ka been abuurey oo rag ciidankiisa ah intuu diley u galiyey aqoonsigiisa kaddibna wejiga ka gubey.

Bile ayaa ka dhaadhacsiiyey in ninkaasi uusan ahayn nin gabadhooda wax ku falaya shalay uu cidla uga dhaqaaqey, maanta uu rabo inuu nolosheeda ku ciyaaro oo duurgal ka dhigo idinkana magaciina iyo milgihiina dilo oo gabadhiina laba ninleey ka dhigo, waxaa kale oo uu u sheegay in uu isaga ahaa ninka soo weeraray guriga Ubax.

Arrinkaa dambe ayaa cabsi geliyey Oday Carraale waxa uunna u baqay in magac xumo halkaa uga timaad isaga iyo gabadhiisa oo ay laba ninleey noqoto, dadkuna ku sheekaystaan.

Oday Carraale waxaa uu xaaskiisa u sheegay wixii loo sheegay oo ahaa in ninkaasi dhimasho been ah sameeyey reerkiisana ka doorbiday jabhadda, sidoo kalena uu ahaa ninkii ku daray  magaca oday Carraale odayaasha iyo ganacsatada taageerta Jabhadda xaashidii darteed loo xidhay, sidaasna uu dad badan oo aan waxba galabsan isagu arrin uu falkiyey loo. Laayey.

Ubax hooyadeed waxaa  ay soo xasuusatay hadalkii Odawaa yare ee ahaa wiilkaagu waa kuu egyahay iyo isagaa soo weeraray guriga Ubax, haddana waa noolyahay arrinkan ayaa argagax geliyey, balse Ubax hooyadeed oo si weyn u taqaan Guhaad ayaa tidhi: U malayn mayo in Guhaad oo aad ilaa carruurnimadiisa taqaanay adiga kugu darayo rag la dilayo, una malayn mayo in Ubax uu indhihiisa ka jeclaa cidla uga tegay ee mindhaa waxbaa innaga qarsoon.

Oday Carraale hadalkaas waa dhibsaday waxaa uuna u sheegay in gabadhooda ninkaasi waxba kala dhaxeyn, haddii kale magic xumo ay dhaxli doonaan oo gabadhoodu laba ninleey noqonayso, haddii arrintaasi ay soo baxdo oo ayba dhacdona waa inay sameeyaan warqad furriin huriwaay ah(Fasaq).

Ubax hooyadeed waxa ay tidhi: Aan arrinka la wadaagno Ubax una sheegno in ninkeedii hore noolyahay, iyadana ayaana go’aan ka gaadhaysa.

La soco qaybaha kale.

Cadbiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN