GARBADUUB Q6AAD W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

GARBADUUB Q6AAD 

Iyadoo weli arrinkoodu dhana u dhicin, ayaa guryihii la soo gaadhay, Ubax oo markii horeba marmarsiinyo raadis ahayd, weydiinta dambena aan hayn meel ay afka u saarto, ayaa  la soo booday “ War hay noojine wiilyahaw iga hor leexo, haddaad libaax tahay waa lagu arki lahaa, haddiise aad kaftankii xalay weli daba socoto, wax badan ayaa kuu dhiman.

Tuba tu ku ilow, hadalkan dambe ayaa sida mariidka wadnaha Guhaad u ganay, waanu dhibsaday markan isagoo u arkay inay liidayso,ag joogeeda iyo wehelkeeda u aragtay nin aan waxba gelin.

Inta uu is galay ayuu hore u dhaqaaqay nabadeyna ma odhan, Ubaxna waxay u weecatay dhankii gurigooda, mase dareemin inuu ka xanaaqay hadalkii ay ku tidhi, burkaba bahal kama filanoo kalsoonida ay ku qabtaa qanjaha joogta.

Habeennimadii laysma arag, Guhaadna wuxuu go’aansaday inuu ka cag gaabiyo, hawlaheeda iyo xidhiidhkeedana aad u yareeyo, waxa beryay waagi, balse Guhaad wuxuu go’aansaday saaka inaysan indhahoodu is qaban mana sii marin mana sugine  wuxuu toos u aaday dugsigii isagoo ka weecday marinkii ay mari jireen  si aysan lama filaan ugu kulmin.

Ubax markay in doora sugtay aragtayna in uusan soo socon ayay is tidhi, iska bax yaadan daahine, mindhaa wax kale ayaa qabsaday oo mararka qaarkoodna waa dhici jirtay inay sidan oo kale intay isu waayaan hadhoow isku arkaan dugsiga.

Ubax waxay filanaysay kuna han weynayd inay isku arkayaan dugsiga oo ay kulmi doonaan, burkaba bahal kama filan, laabteeda dareen kuma jiro iyo ifafaale ay ku mutuhiso arrinkiisa.

Ma aysan arag oo iyadoo la kala xeroonayo albaabka dugsigana in la xidho ku dhaw yahay ayey orod ku soo gashay iley sugitaankiisa ayay ku daahdaye, markaasay intay orod isku taabatay degel aqooneedkeedkii abbaartay.

Markii la gaadhay biririftii ayay meelaha ka eeg eegtay mise maba joogo, oo waa maqan yahay, markan ayaa dareen galay oo is tidhi tolow maxaa helay? Ma jiran yahay mise reerkiibaa arrin kale oo aadan ogeyn ku soo kordhay?

Waxay weydiisay wiilal ay isku degel aqooneed ahaayeen, waxayna u sheegeen inuu Baraha oggolaanshiiyo weydiistay oo xoogaa madax xanuun dareemayey, biririfta ka hor ayaana la sii daayey.

Wax dhiba uma aysan arage, markay gurigooda tagtay ayay galabnimadii guriga Reer Samatar oo aan ka dheereyn tagtay waxa ayna ugu la kulantey, Hooyo Dhudi oo daarada dhexe Alool ku samaynaysa iyada iyo dumar kale, heestii Aloolka ay si wada jir ah u wada qaadayaan weliba cod macaan.

  • Alla waa xujooy waa xujooy
  • Geel xerada diidaa waa xujooy
  • Xero kale ka ololaa waa xujooy.
  • Alla waa xujooy alla waa xujooy.
  • Alla waa xujooy alla waa xujooy
  • Faras xerada diidaa waa xujooy
  • Xero kale ka dananaa waa xujooy
  • Alla waa xujooy alla waa xujooy.
  • Alla waa xujooy alla waa xujooy
  • Gabadh xilaha diiddaa waa xujooy
  • Xeelad bay ka wadataa waa xujooy
  • Alla waa xujooy alla waa xujooy“

Ubax waxay la dhacday, sida quruxda badan ee ay isula helayaan habdhaca  heesta iyo codka macaan ee haweenkan aysanba ka filayn, in cabbaar ah ayay la ashqaraarsanayd, kaddib ayaa Qadan ku soo baxday oo tidhi: Ubaxeey sidii qof aan arag weligeed maxaad la amakaagsan tahay.

Ubax oo is leh yaan lagaa libin helin oo ha noqon qof aan dhaqanka aqoon ayaa tidhi: Walaal Qadaneey sida aan maanta ugu fiirsaday uguma aanan fiirsan.

Iyagoo wada hadlaya ayaa Hooyo Dhudi u yeedhay oo ku tidhi: Naa heedheh Ubaxeey kaalay Aloolka nala samee, ileyn waan ogahay oo gaari baa ku dhashay adna  gaari baad tahaye!

Ubax oo ammaanta la dhacday ayaa intay ag fadhiisatay tidhi: Eedo Dhudiyeey ma aqaano ee bal i tus?

Dhudina waxay ugu dhaqaaqday inay tusto sida laysu sudhayo xadhkaha ka samaysayn maryaha kala duwan ee suuf aloolka loo yaqaan  ee laysku soohay iyo duurka dhilan ee is garab taxan.

Wax yar markay Ubax meeshii joogto, isheeduna intaas inuu bal guriga ka soo baxo oo daarada yimaad Guhaad ama uu bannaanka ka yimaad ku maqantahay, ayay markii dambe inta Qol dhardhaarka ugu tagtay Qadan oo hooyooyinka shaah u diyaarinaysa weydiisay: Miyaannu Guhaad maanta joogin?

Qadan oo aysan ku cusbayn weydiinta Ubax ayaa tidhi: Miyaanu kuu sheegin, inuu caawa oo jimce ahna u hoyan doono xaafadda Abti Deyr kana  soo aadayo Satida dugsiga dhanka guriga abtiyo, miyeydaanse maanta is arag?

Ubax weydiimahan is daba yaal ee Qadan ku darandooriday uma aysan haynin aan ahayn maya, waxa ayna iyada lafteedu is weydiinaysaa arrinkan ayaa ka yaabiyey Ubax waxayna garan weyday waxa soo kordhay ee saakana aysan isu arag, inuu maqnaananayo uu ula socodsiin waayey, Ubax burkaba bahal kama fileyso, iney wax dhintayna isuma aragtee, waxay go’aan ku gaadhay inay Sabtida la kulmi doonto.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

SHEEKOOYIN