Gaso, ganuun, Gasiin (Q.3aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, ganuun, Gasiin (Q.3aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Waxaan seexday jiif aan juuq iyo jabaq midna laheyn. Jabaq. Allow kuu naxariiso! Ma aqaan waxa hadda i xasuusiyay magac aan muddo dheer maqal ama xasuusan. Ma ufiirsatay sida kediska ama lamafilaanka ahi oo aad wax u xasuusato. Adiga oo meel fadhiya oo ku hawlan arrin ku horyaal ayaad milicsataa arrin kale oo aan meeshaba aalin ama oolin. Waa wax aadan adigu majaraha uhayn.

Haddana waa tab haddii loo kuurgalo ama la kobciyo la iskaga caabbinkaro madiidinta waqtiga. Marmar waqtigu waa horor aan wax hambeyn; Citinlaawe, magaciisu yahay! Marmar waa haar qoyan. Marmar kalena waa taakuleeye ku daandihiya si aad uga gudubto dareen so jireena ama darxumo ku baday dhiillo iyo laab dhanbalan. Kolkolna calooshiisaadba ku dhuumataa si aad u korato xigsin dambe. Anoo ku hor fadhiya ayaan haddana ku hor fadhin. Anigoon kaa fogeyn ayaan haddana ku maqal. Dhimirku waa dhabbaha loo maro waxa aad daneyneyso. Usugaa ama Isagaa kuu horseeda in aad wax legedo ama dibir lagugu harfaco.

Waxuu Jabaq ahaa wiil kuraya oo reerkiisu ka soo hayaameen carro ama guri waqooyi, oo loola jeedo wixi Xamar waqooyi ka xiga. Waxay Jabaq iyo ciddisuba, waa haddii ay xasuusteydu badqabto e, ka soo guureen tuulo la yiraahdo Saciid Maxaad Raage. Waa tuulo u dhaxeysa laba magaalo oo midna bari ka xigto, tan kalena galbeed. Aafooyin badan ayaa iskaga dambeeyay. Abaaro isdajooga, abaaro dadku  isukeeneen, abaaro sii xoojiyay in xasadku tarmo, luggooyaduna sharaf noqoto. Suddan! Saddan! Shuruggaa ku raac! Haddana waxay beri tuuladu laheyd balli galxad ah.

Saciid Maxaad Raage waxaa muddul ku lahaa wabarki wabarada buulooyin ku bahoobay nabadda, oo waagaasi aad uga hirgashay degaankaas. Waxaa dadka la tusay, iyada oon aheyn iska hadal, illeyn hadal haamo ma buuxshee, dhaxasha iyo dhanuuxa laga helo marka la kala sarriigto, lays xaqdhowro, oo leysna kalkaalo.

Waxa degaanka lagu yaqiin taakuleynta iyo gacanqabadka macyuub kastaa oo degaanka degganaa ama dabeyshi ku yimid ama dool ah. Waxay can ku aheyd oo weliba meelo fogfog looga imaanjiray ulatanka la qabto xilliga tacdaadda ama waaqdhaacinka la qabo. Iyaguna waxay wafdi u dirsanjireen degaanada kale oo tacdaar iyo wacayska qaba. Waxaa isu soo baxa ugu dambeeya lagu magacaabi jiray Istunka oo ay sooryadiisu lahaayeen reer Afmalab. Af. Afbillow. Afyare. Afgaab. Afmaal. Afdhuub. Afgembi. Afbeel. Afbuuxsi. Afmaroor. Afburbur. Afework. Afdahab. Af. Af. Af waakan, maay liki aamee?

Gosha uu ku dhasahay Maadeeye waxaa aad looga xasuustaa laba qof oo midiba haybad gooniya lahaa. Kan hore waa, wabarki wabarada ee muddulka ku lahaa Tuuladii reer Jabaq ka soo xaabxaabteen ama ka soo hilhisheen.  Waaya’arag dadkiisi widaay iyo wehel u noqday. Wabar wanaag lagu bartay, diidayna in uu wax xaseysto. Saancaddalaa yiri soo tiri duulka aad usha u hayso. Wabarkiina waa kii muddo juuqba laga waayay. Bilo ka dib, waa kii jawaanno waambe ka buuxo soo hor tubay Doorshaan ina Saancaddaale. Waambihi ayaa dhulka loogu daadshay, oo Doorshaan loo sheegay in uu tiriyo. Waa kii si caro leh ku yiri, “Marmarsiinyaad la timid. See loo tiriyaa waxaan wada madow.”

“ Haaheey! Waxaad ii dirtay in aan soo tiriyo waxaan tirsameyn.”

Subaxdii xigtay, Doorshaan waa kii taar u diray Ulgeeddan ina Uu’leey ama uubato. Usbuuci xigayna, waa kii jid Xamar ku yaalla wabarki loogu magacdaray. Ma istiri, wabarku waxuu fahmay sida ay isugu dhafanyihiin afar walxood oo aan kala maarmin: madax, garbo, gacmo, iyo calool. Batuulaa waxay tiri: “Madaxoo hindisaaya/garbahoo ku gargaara/gacmahoo garta gooya/caloolaa calfaneysa.” Waxaan is iri waxay ka hadleysaa madal qaab cusub loo soo unkay, oo  deymo hor leh wax ku day’da.

Madal astaanteedu ama sumadeedu wabarki saadaalshay. Madashaan waxaa loogu waqlalikaraa: Laabxaar oo aan laysku sooryeyn calas. Laabxaar bun sharuur la wada dubto, ubbo laga wada cabo, la isu wada gelliimo. Tacsiir ama cisaarona laga xishoon, balse sulux salka ku heysa, oo lagu soo khatimo wantaffo. Waqlashuna waa sumal iyo sumeyn ama sabeen. Intaa ka horse, ka fekir magaca ay qaadan doonto. Magac laga miiskiin maaha, madane xooluhuu ku yaal. Magacbixintaani waa mid asleysa socdaal ama geedi cusub, iyo wacad adag.   Waqaf cusub. Ta’wiil sugan. Hinjis horleh.   Himlin dhabah.  Dadaamis bartilmaameed leh.  Halaambey!

Waa waqlal magacbixinteedu ka sal weyntahay mid qof ku kooban; waa magacbixin wadareed, sidoo kalena u baahan sulux iyo heshiis waabaayo miir ah. Magacbixin mug weyn oo lagu soo alooso isir horleh, guubaabo gaaxmaala. Utun bixin saar katumiskeedu dalbado ama dihdo wax ka weyn wan jara. Saar katumis lagu iidaamo wilisaqo, shabshable, dowladamiin, dhaanto, surow, gebley shimbir, bullo, wilgo. Damaashaad! Mashxarad lagu malaxbixiyo laxaw aad ka maagtay. (Waxaa hadda qalaw igu soo yiri in tamaashaad Af Hindi yahay, lana macnayahay dabbaaldeg. Sida kuwo kaloo badan oo ay wadaagaan labada af, sida: gaari, bak-bak (baq-baq), daash (desh, waa Bengaali), doobbi, arre (arreey!), iwm.

Dan kama lihi meesha asal ahaan laga soo minguuriyay iyo ciddi eraybixinta ku horreysay.) Waxaanse mugdi ku jirin in degaanka Wabarka wabarada calool u ahaa is-dhexgalka duni da’weyn oo laheyd taariikh fil iyo firkeedu fogyihiin. Haddaad doonto wax ka weydii aqoonyahan iyo dhaqan aqoon u dhuun duleela tabihi hore iyo dhaxal kaweyn wax shood ama suus lagu beego. Weydii ta’wiilkeeda awyo iyo waayeel iyo wax-garad wax ka sheegay, ama ka faaliya mindhicir xoolaad, waayo tegay, mid jira, iyo mid soo socdaba. Afeef: waxa ay kuu sheegaan kurtigood walfi oo walqi oo sida badar u haati. Budada xaarinka ku soo hartaa beego oo biyoqabe u doono.

Sheekadii wabarka tusaale u qaado. Waxaa la yiri, wabarku waa u sinnaayeen sibiga uu dhalay iyo kii jiidkale ka yimid. Intaad jirtay maalinti uu kahsaday ama qoonsaday wiil uu isagu dhalay. Cali ayaa soo baxay caniid xaax iyo qaati laga joogsay. Waa adduun iyo xaalkiisee, xantaada ma ogaatid jeer ay dhuunloo dhan soo marto. Wabarki ayaa loo sheegay in Cali cinaad iyo hagardaamo dadki ku haayo. Cood iyo caano beel, waa kii hoos u yiri. Laba maalin kadibna waa tii la soo sheegay in yaxaas doolihi Cali la tegay. Wabarki ayaa uriyaaqay neecawda qabow ee dadkiisu heleen. Bal ufiirso. Waa aabe ganuunyadiisi mid ka midihi la genbiyay. Gasariir ama arxandarro kama aheyn. Waa nin xil qaaday eed qaad. Kaad kabo katolaneyso kobahiisa la fiirshaa. Ka ilaali in kaad kabo ugelisaaba kurtumo yeesho. Ogow in taariikhdu marmar is-naqtiimiso. Gobeey ina Biyow Yerow waxay tiri: Darbanaaw Alkahaf Dahar/Dil aas kuu dambeeynin/Diiqyeerki abkaa la dilay/Diiqyeerkiis waaye.

Waxaa qoray:Prof.Cali Jimcaale Axmed

 

SHEEKOOYIN