Gaso Ganuun, Gasiin (Q10aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun, Gasiin (Q10aad)

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Odaygi ayaa reediisa ama dhinaciisa ka arkay Jabaq oo meel la saro lahayn. Waaba igaarki oo neeftuuraayaa, sankuna dabayl kulul ka baxeyso. Jabaq oon la hayn meel la qabto ayaa aabahii isku duubay. Odaygi waa kii yiri: “Aashaa, maandhow, aashaa. Waa qaraabo iyada oon laga warqabin na soo gelbisay tan iyo Saciid Maxaad Raage. In aad tol leedahayna, saasaa lagu gartaa. Himmo hor leh ayaan ka qaaday aragtida xigaalkeyn.” (Gelbis! Waxaa hadda qalaw igu soo yiri maqaal qoraa sare, indheergarad fariidihi, Xusseen ina Wadaad beri ku qoray Xiddigta Oktoobar. Waxuu ahaa maqaal xirfadeysan oo wax badan ku kordhiyay qaadaadhigga guurki 80aadki ka jiray Soomaaliya. Waxa uu qoraaggu ka fajacay sidi aroosyada loo gelbin jiray, iyada oo la is-daba dhigto tiro baabuur ama gawaariya, oo kor iyo koofur magaalada u mushaaxa. Waxa uu ku magacaabay maqaalkiisa, “Gelbis aan garowshiyo lahayn!” Waxuu ahaa qoraal wax badan ka beddelay dhaqanki gelbinta aroosyada. Waxay dad badani ka maageen wajaq cudur asii mirtay macal kuwii maanka qabey. Waxa uu qoraaggu ka digay dhaqanguur silloon oo ku bada gabayre ama meel dhaxan badan oon dugaal lahayn. Gelbiski qoraaggu ka digay waa kii dhalay gelbiski geerida oo ahaa magacbixin la siiyay xasuusqorki ina Niib Jilac. Labada gelbis kala haboonaa! Kala dhanuux roonaa! Kala macaanaa! Gelbis libaax wehelyeel walaal dheh!)

Tol . Himmo. Xigaal. Wehel libaax. Jabaq ayaa yaabay oo is-yiri, odaygu waa la dhafoor dhebey. Waxuu soo xasuustay qarawgi iyo riyadii uu ku jiray. Waxa uu haddana xasuustay wixi waalidkiis beri u sheegeen: dad waxaa jira iyaga oo hurdaa hamiin guureeya. Haddana waa maalin cad. Odayguna uma ekayn in uu riyoonaayay. Waxay labaduba arkaayeen oo hor taagnaa labo libaax oo nool. Sheeko iyo riyo midna ma ahayn. Odaygi ayaa u sheegay jabaq in labada libaax ay soo sagootiyeen reerka, wehelna u ahaayeen, oo ay kala soo jaanqaadeen tuuladi Saciid Maxaad Raage. Waxay libaaxyadu soo gaareen goobti ay ka noqon lahaayeen. Waxaa reerka u muuqday Waxara’cadde oo waxoogaa aan fogayn u jirtay Ceel Cadde. Dardaaranki u dambeeyay ayaa la isku dhaafsaday si ay ku dheehantahay maamuus iyo qadderin laga soo gaaray walcan hore. Labadi libaax ayaa dhulka ku giirgiiray labo garaangar oo dhinacyada isaga dheggan. Midkoodba hal mar ayuu sida ruux shoobaaya hor iyo gadaal uga tallaabsaday labadi garaangar. Odaygi ayaa isna inta ow taffo’xeytay sidoo kale yeelay. Libaaxyadi ayaa u dhaqaaqay xaggaa iyo tuuladii reerku ka soo hayaameen. Reer Jabaq ayaa iyuna u soo baqoolay dhinaca Ceel Cadde.

Waxaa waagu ugu baryay meel aan sidaas uga fogeyn Ceel Cadde. Dhinaca koonfur ee ceelka ayay goob yar ka xaarxaarteen. Hooyadi reerka ayaa xaabo soo gurubsatay. Odaygi ayaa madag ku shiday. Tebbed yar ayay kolaygeedi kala soo baxday. Inta ay ruxruxday ayay aamburki ka qaadday. Wax aan dhiiq dhammayn ayaa ku hooray wax haruub u ekaa. Isla kollaygi ayay haddana gacanta u celisay, oo ay soo cantoobsatay qaloon iyo xammur. Jabaq iyo walaalihii ayaa la tacaalayay sicci iyo ri’di, iyaga oo caws qoyyan dhulka ugu daadshey xoolahoodi adduun. Odaygi ayaa qandi yar uu watey kala soo baxay qardhabo iyo biladaye oo bilaabay in uu shaaribka isku sargooyo. Waxay aheyd bil Soon-Fur ama Sidataal.

La soco qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN