Gaso Ganuun, Gasiin (Q11aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952
Gaso Ganuun, Gasiin (Q11aad) 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Hooyadi reerka ayaa ilmihi isugu yeertay, oo soo hoos dhigtay haruubki ay ku jireen qaloonki iyo xammurki yaraa ee disiq subag ah lagu iidaamay. Waxay intaasu u ahayd hamuuntir ama afbilaw. Odaygi ayaa isuma-qaddadi faraxasha ku yiri. Jabaq ayaa sheegay in uusan baahneyn. “Caanaa igu maqan,” ayuu hadalki ku soo jaray. Waxaad marmar moodeysay in Jabaq iyo sicci reerku ahaayeen far iyo faraati. Sidoo kale, waxaa sacca xiriir hoose la lahaa labada gabdhood tooda yar oo aalaaba ama inta badan aabaheed ku wehlinjirtay soofinta nimaad badane sicci reerka. Odaygi ayaa u dhaqaaqay in uu soo liso ama maalo sac xigashada caan ku ahaa oo looga bartay caano dhaay ah xilli kasta oo la doono. Waxaad moodeeysay in saccu ogaa xilka saaran. Ma gure, ma dude, ma dhirfe. Labadi wiil ayaa la siiyay caanihi, wixi ka soo harayna odaygi iyo hooyadi ayaa barxaday. Adiga heenso iyo adiga heenso ayaa lagu xifaaltamay. Indhihiisa ayaa qabtay qosol wanaaggi ooridiisa ama affadiisa. Xasuus beri hore milantay ayaa maankiisa ku soo maaxday ama duxday. Rag badan oo ay ka mid ahaayeen doorki tuuladi Saciid Maxaad Raage ayaa dookhoodi raacay, guurna ka soo doontay. Gaabsi weligeed lagama soo doonan. Waxuu xasuustay herdanki dhexmaray usuga iyo ina Birqabad Dhankax Duubceesaamo. Waa kii ina Birqabad, asoo soo jooxaarinaaya, aafka hore ee guriga reerki gabadha fiid hore soo hor dhigay ama soo hor tubay diiq tiro badan. Ina Birqabad ma ahayn nin fildarro lagu sheego. Waxuu lahaa diic aan saa u sii muuqan. Waxaase lagu yiqiin hareed hollob ah oo jinkiisu weli yeelan. Waxaad moodday in ow aad isu mahadiyay. Waxayna taasi u horseedi jirtay in uu meeshuu tagaba ku hungoobo. Waxaa la yiri waxuu ka dhaxlay aabihi maan gurracan oo rumeystay in wax kastaba lagu soo loodin Karo xoog iyo xoolo. Waxaa ka maqnaa in gaanka xooluhu qoorqabad biyo ku cabin. Waxaa ka maqnaa oo kale in meel kastaba oo adduunka ka midihi leedahay tab iyo xeel dhaqan oo u gaarihi. Reerki gabadha ayaa ka sassay dhoohanaantiisa. Gabadhina sidaas ayaa lagu siiyay Jabaq aabihiis. Odaygi ayaa hoosta ka qoslay, oo isha saa ula raacay foolka xaaskiisa. Farxad iyo raynrayn hor leh ayaa taabatay. Waa gaari dulqaad badan, haddana xumaha ka dhiidhida. Waa gaari dhabiil iyo tashiil aqoonba ah. Qummaneey, quruxeey. Laabtuu ka qoslay.

“Aabo, Xaad fiiriheysaa ood la maagantahay?’

Maandhow, waxaa ila tegay xasuus waayowaayo. Waa tahay, waa arkaa in aad u hilhilatay in aad manta i heriso oo aad soofiso sacca iyo ri’da. Is-jir maandhow oo ogow in dhulkaan tabahiisa iyo tubtiisuba nagu cusubyihiin. Eebe hakula jiro.

Odaygi ayaa reerki u sheegay in uu xaafad aan sidaa uga fogayn kobti ay ku furteen soo sahmindoono. Waxuu ku soo dhacay dhabbe ama jid yar oo carro cad ah. Koofur ayuu u soo raacay. Wax yar kadib, waxaa u soo muuqday guryo Isugu jira saro, baraakooyin iyo kuwo ka samaysan carshaan iyo doqoshyo aan habeysneyn. Luuq yar ka dib, waxa uu soo galay meel u ekeed suuq oo dukaamo iyo tabakaayooyin teelteelihi ku yiiliin. Waxa yar kadib, waxa uu gadal ka istaagay saf dheer oo rag badan ku jireen. Waxuu ka yaabay waxa safka loogu jiray. Xuur ama igaar aktiisa rogay ayuu weydiiyay waxa meesha ka socday. Waa kii wiilku yiri, waxaa saf loogu jiraa “Maana Faay.”

Bissinka iyo burdaha! Ma intaan oo rag ah aa saf ugu jira hal Maana Faay.

Odaygi ayaa isla tallamay oo hoos isugu sheegay: waa wixi aan ka maqli jirnay beled iyo tahluukadiis. Aaway kuwi la dagaali lahaa dhaqanxumida? Cunugtaanse aaway kuwi dhalay iyo kuwi ay la dhalatay? Xaase maalin cad oo barqaa intaan oo nin saf u geliyay hal geber oo isuma turta ah?

Maandhow, Maano ma weyna reer qabin? Wax ka ceshta dulmigaan ma joogaan miyaa?

Adeer, Maano Faay waa sheeko joornaal ku soo baxda. Waa toddobaadle ku qoran Af-Soomaali, kuna soo baxda Xiddigta Oktoobar.

Oktoobarna xeey aheeyd?

Waa bil ka mid ah bilaha. Waa muggi ow dhashay kacaanku.

Yaa ma waxaa la waayay bil lagu samiyo…xaatiri, kacaan?

Waa marki ow dhashay kacaanki ugu horreeyay ee hantiwadaag ah, oo ka curtay dhulki Ittixaadka Sofiyeetga.

Odaygi ayaa indhaha ka mirigmirigsiiyay. Kacaan. Curasho. Soof.

La soco Q.16aad

W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN