Gaso Ganuun, Gasiin (Q15aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun, Gasiin (Q15aad)

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Maalinti madashu ahayd ayaa garoonki kubbadda la isugu yimid. Waxaanu garoonki la soo galnay carcar aan hore nalooga baran, khaasatan marki ow naga soo horjeedo Calawi. Dadki cayaarta fiirsahaayay ayaa indhaha ku kala qaaday Koorba Nuuda cusub. (Mahad badan ayaan u gudbinaynaa—aniga iyo qoraagaba—gebar noo soo dirtay farriin gaaban: “Waxaad iska saxdaan higgaadda erayga Koorba oo aad ka dhigteen “Coorpa.” Dabcan, “C” waa qaabka ay Talyaani ahaan u qormikarto, laakin waxaad wax ku qoraysaan waa Af Soomali. Sheekadiina aad ayaan u xiiseeyaa, in kasta oo marmar ay iigu muuqato in aad kala hadleysaan, marar kalena ay doogashadu idinka xuntahay.” Waa tahay, walaal. Laakin ma garan waxa aad ula jeeddo “doogsi.” Sheekadu ma sida roob la hoorsadaa? Ma waxaad kaga jeeddaa in cid aan qoraaga ahayn ay qortay? Mise waxaad ka hadleysaa wixi Griiggi hore ay ku magcaabijireen “Muse”? Waxaan rejeynaynaa in aad mar kale nala soo xiriirto. Mar labaad, mahad badan.)

Qaybti hore ayaa lagu kala tegay 2 iyo eber. Waxaan isniri guushi idin raacday. Waxay taageerayaashayni isku dareen bulxan lagu bilay bullo iyo gebley shimbir. Odayaal dhinaca bidix taagnaa ayaa cirka qabadsiiyey ama ku shareeray qaylo iyo sacab ay huwiso mashxarad dad badan oo goobta joogay ku beertay koox jacayl hor leh. Kuwi taagna daanta midig ayaa iyuna qandiyadoodi kala soo baxay buung iyo gaas laga sameeyey gees deero. Waxaad u qabtey in ow soo noqday udabbaaldeg lagu soo nakhtiiminaayo kulan beri hore basaasey. Waxay noola ekaatey in aan si fudud ku soo haabankarney guul lagu godley weyrax, awr kacsigeeduna mideb iyo dhawaaq qura lahaa. Guul ow soo hindisey Uurkubbaalle aan quble wax doorin ama dhaamin.

Shallaay… Ninkii yiri, “Ciyaari waa gelin dambe,” been ma sheegin. Calawi ayaa affar jeer reedeyda ka baxay, asaga oo meel aanan hore uga baran kubbaddi marsiiyey. Gas iyo gas, waaba taan kuffay oo afka aan ciidda geliyey. Xaad ii dhiibatey. Waxaa iga soo haray indho baqaaq. Waxay ila ahayd in aan si fiican u dhugtay oon u darsey dheelihiisi hore; waxaananba ka fekerin in ay wax u laabnaayeen. Waxaanba ilaabay dheeshu inay tahay xeelad lagu beego waayaha markaas jira. Waxaanba igu dhalan ama igu soo dhicin in aalaaba guushu raacdo ciddii iswaafajisa birqabadki shalay iyo dhamacda maalintaas oogan ama shidan. Idin ama debqaadki dorraad laga deyri! Taas loola ma jeedo in idinku halaabay, ee waxaa loola jeedaa in la isku boorriyo in aan laga caajisin ama laga wahsan kobcinta iyo joogteynta aqoon laga miirto nolosha marki goorti si huffan loogu kuurgalo. Waa in aad dhoodhoobi karto ama haddii loo baahdaba aad asli kartid idan waayaha la soconkara, ama xeeshiisu beegikarto berigaas waxa taagan. Waxa taas looga jeeda in aad had iyo jeer leedahay qorshe meel fog wax ka bacleelikara. Waa run, marmar waxaa lagu isku halleeyaa oo keliya abraar ama abrays aan wax xeeladihi kuu wehlin. Meelse kuma gaarsiiyo. Ulxayrsigu waa wehesha naf baqatay ama tu mardambe soo baraarugtey oo rabta ama doonta in ay dhul dheer ama waqti dhumay cagaha ku soo qabato. Fagax lagu tashtaa ma xuma, waase haddii aad hore u ogtahay in calaf oo dhan cago lagu daro. Daal ayaa laga dhaxlaa orod aan milgo lahayn.

Himmadi iyo dardarti ama firfircoonidi aan la soo galnay goobta ayaa qaybti labaad ee dheesha si fudud u wiiqantay oo u kala furfurtey. Xaad ii dhiibatey. Waxaa maalintaas igu dhacay wareento iyo oofwareen aan ilaa iyo hadda la liicliico. Nacam, waa jirtaa in ow isdoqondiidisku marmar habboonyahay, laakin taas macnaheedu maaha in runta indhaha laga qabsado ama daboosho. Milicso weerti Jabaq abkowgiis ama awowgiis kula dardaarmay igaarkiisa marki ow Urunle dheeshi kabdhoodka ahayd ka badiyey. Intaasu waa xasuustayda iyo jabki maalintaas nagu dhacay. Waxaan hubaa in haddii aad weydiiso igaarti kale ee kooxdi Koorpa Nuuda ka tirsanayd aad goorba kala kulmayso aragtiyo ka duwanaankara tayda. Dadku iskusi wax uma wada xasuusto. Weliba haddii ay xusuusto khusayso guul iyo guuldarro. Naftaad ku badbaadisaa in aad ilowdo ama si kale aad u ta’wiisho wixi xanuun iyo lur kubaday. Freud ama Frooydki aan hore u soo sheegnay magaciisa ayaa nafku badbaadinta noocaanihi ku magacaabay: Reizschutz. Waa isku day’ naftu isku day’do in ay ka gaashaamaato xusuusta dhacdooyin xanuun badan oo hore u soo maray. Waa sida adoo yiraa, “Balaayo waa tii kaa qoslisaa,” oo loola jeedo in qosolku yahay aalad ama qalab iyo qaab uu dhimmirku kaga gaashaanto lurka iyo tacaddiyada si uun u dhagaatiya dhebey.

La soco qaybaha dambe

W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN