Gaso Ganuun Gasiin (Q17aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun Gasiin (Q17aad)

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Ma hubo in aad ismaqasheen Baab ina Cigalle, balse aan wax yar ka dhaho kulan kooxdi la qaadatay Uurkubbaallihi maalinti la jabay habeenkeedi. Mururuq badan kaddib, waxaa kooxdi u soo baxay in Uurkubbaalluhu ahaa bootaale been nagu harfacay. Marmar jabkaagaad wax ka barataa. Waxaa la yiraa khibraddu sideedaba waa cadaw—waxaa waaya’aragnimo laga qaadaa ama laga dhaxlaa jab kugu dhacay. Jab ku baday shallaay ayaad dib u milicsataa oo aad is tiraa hooggiisa wax ka baro. Waa wax ka barasho daaweysa ama dhayda boogtii dhibki kugu dhacay. Waa ka hilhilasho goobti aad ku kuftay. Waxaad diiddaa in ay haarti jabki kugu dhacay naqato tilmaan aad ku cabbirto saman soo socda, waqti la aslo looguna talogalo in ow daahfur u noqdo waa’ ama milay soo socda.

(Waa sida kalandarku wax u ibdaaciyo, wax aan hore u jirinna bilaabo. Milicso Kalandarka Hijrigga oo ka kowsada marki Nabi Muxammad (SCW) ka baxay ama ka guuray Makka, una haajiray Maddiinah. Sidoo kale, kan Masiixiga ayaa isna wax bilaaba oo ku beeganta, sida la sheego, dhalashadi Nabi Ciise (CS). Waa saas kalandarro kale oo ka jira dunida cirfaheeda.) Kalandarka la xiriira jab kugu dhacay waa ka duwanyahay kalandarrada diimaha la xiriira. Waxaad ka dhiidhisaa in ay haartu reysanweydo. Qofki ku celceliya “waa jabay, aa jabay,” asii aan arag in ow jabki kabmay, waxa ow rahmaa nolol soo socota. Kala ilaali: habow iyo carbuun.

Haddaadan wax ka baran jabki ku qabsaday… waa jugjug mahaaga ama meeshaada joog. Iska ilaali in aad ku dhacdo mool kii hore ka sii weyn. Kud ka guur oo qanje u guur. Guuldarradi galabtaas nagu dhacday waxay kalliftay in aan la xisaabtanno Aw Bootaale. Waxaan kula kulannay meeshi ow ku qalay diiqyadi. Waxaa la weydiiyay waxa sababay in Calawi iyo kooxdiisi na ihaaneeyaan oo sharafkeyni dhulka ku jiidaan. Hadalki ayaa lagu kallootiyey ama kalleetiyey: “Maxaa digada iyo cardaadiqaha nalooga dhigay? Maxaase naloogu galgashay?” (Digo iyo cardaadiqo. In la isku galgasho. Intuba waa sarbeeb. Waxaan maalin dhoweyd akhriyey buug magaciisu yahay “Firsooca Sarbeebta Soomaaliga” oo uu qoray ina Hiraabey. Waxaad ka helaysaa sarbeebyo aad ilowday iyo kuwo cusub oo kaa yaabiya. Waxaa kuu muuqanaaya in uu qoruhu muddo dheer la tacaalayey hawshaas iyada ah. ) Qorow ii kala qaad oo ii higgaadi. Allif la kordhabey, allif la hoos dhebey, allif laa godan. Qore. Wax qore. Geeda qore. Qalin qore. Loox qore. Hadal qore. Kasma qore.

Waxa aan ka yaabnay hadalki Aw Uurkubbaalle ku jawaabay, oo kurtigeen caro cusub nagu beeray. Waxay gaartey in qaar naga midihi damcaan in ay ligligaan Aw Bootaale. Ina Micilibaaxaa yiri, “Dhaafa oo ha dhammaysto hadalka.” Aw Bootaalaa bilaabay in ow ku mergado hadalka. Ugu dambeynti, waxaa afkiisa ka soo baxay wax aan qaada kari weynay. “Walaxaa si iga noqday. In la qalo labo diiq waxaa ii soo jeedisey dooro uq ama cuq ah.”

“Tuf ku bax!” Kuraygi findhicilka u ekaa oo aan maalintaas la dheelsiin ayaa furka tuurtay. Minow Uurkubbaaluhu dabeyl yar ku afuufo docdi igaarku fadhiyay, waxaa hubanti ahayd in igaarku ay la xiimilaheyd.

“ Meel fadhiiso, canug yahaw,” ayaa Milkiilihi kooxda si caro ku jirto u yiri. “Soco Aw ee hadalka noo soo lug xir.”

“Waxaan la tashaday digaag uq ah. Waana qalad iga dhacay, asii aan dib dambe loogu naqadoonin.”

“Yaa kuu sheegay in aad la tashato doora uq ah?” Waxaa weydiiyey horseedka ama horjoogihi kooxda.

Aw Bootaalaa:“Waxa ow fikirku ka yimid doorada nafteeda.”

Horjoogihii:“Saad ula hadashey ama ay kuula hadashay?”

Aw Bootaalaa “Waxay dhulka ku xarxarriiqdey xarriiqyo galgaloolan. Waxaase taas ka horreeyey rabbays iyo galgalasho.”

“Labo midba ma garan,” kuraygi ayaa saa ku bilaabay hadal dhummucdiisu bac naga wada siiyay. “Labo midba ma garan. Waxaad la tashatay dooro uq ah sidi loo qalilahaa diiqyo. Waa dooro xaffasha. Tan labaad, waxay fikirkeeda kuugu soo gudbisey wax dhulka ay ku xarriiqday. Xeyga maqan oo aan weli fahmin, Aw?”

Aw Bootaalaa indhaha ka mirigmirigsiiyey. “Waxaan hibo u leennahay in aan akhrinkarno faraha ay xarxarriqaan dad iyo duunyaba. Waa fac ka soo gaar.”

“Xaahee qaldamay, waa kan afka ciidda naloo daray e?”

“Ama iyadaa wax si ka noqdeen ama anaa il duuf i galay oo ay sadruhu iska kay dhexgaleen. Waase qalad aan dib loogu naqadoonin.”

Igaarki ayaa xaggayga u soo jeestay oo si hoose u yiri: “Duul xumu haydiin taliyo.”

“Habeenki hore waxaad tiri, “Duul xumu haydiin digreyeen. …”

Aw Bootaalaa “Digrin iyo talin waa isla gurigeyn. Kii ku xadreeya iyo kii kuu taliyaba waxay kaa sugaan in aad u hooriso ama u jiibiso qawl aan weli la sugin ama mid adiga kaa shisheeya.”

Igaarki ayaa haddana xaggeyga u soo tuuray wax aanan si fiican u maqal. Waxaan kala garawaayay in ow yiri: Sabuul iyo Sabool. Waxaad u qabtay in aan maqlay wax aan hore loo maqal. In aan arkay wax aan hore loo arag.Yaab ka yaabkiis. Ashqaraar iyo afqabad.

 

La soco Q.22aad

W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed

ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN