Gaso Ganuun Gasiin (Q19aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed


Gaso Ganuun Gasiin (Q19aad)

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Jabaq aabihiis ayaa u ekaa qof wax gocday. Foolkow kaduuday, indhahana isu soo dhoweeyay. Waxaad u qabtey in ow wax nishaabaayo. Afka ayuu nuuxnuuxiyey oo haddana hoos iskala hadlay: karood qabe, haddoo waa u egyahay Aw Urunlihi arro Waqooyi. Qaabkow u fadhiyo bal fiiri. Qaanso tooxiisa bal fiiri. Gammuun qabashadiisa bal dhugo. Nabeehoo, halkaan iyo igaarki nafta noo keenay walaxaa isu galay. “Waxaan ku weydiiyay, eebow, Macallinkaan intow ka soo jeeda?” “Afka lagu qabey ee naga aamus. Kacaanaa meelahaan dhooban ee yaan lagula boodin.” “Xaan halleeyey oo la iila boodaayaa? Ma su’aashaa reebban?” “Mayee, waxaa beledka ka reebban wax alle oo loo arko soo nooleeyn qabiil iyo qaran dumin.” “Maana qabiilba sheegay.

Waxaan ku weydiiyay Macallinkaan fallar tuurka ku fiican mahow ka yimid. Waxow i xasuusiyay xuur kabdhoodka baas ku qabay oo Tuuladi Saciid Maxaad Raage ku soo koray. Waxa ow ahaay igaar aan ka maagnay. Waase ka lixaad yaraa halkaan horteyda fadhiya.” Iyaga oo sheekadi saas ugu socoto oo aad u qabtay in ay ilaabeen dheeshi kabdhoodka ahayd, ayay hal mar kuwi fadhiyay iyo kuwi rogayba ay qosol iyo firdhad isku dareen. Labadi oday ayaa iyuna dhinac u cararay. Fadhi maa yaalhee haddi gobolba gees u kudo. Mineey fatuuro fiiq tiraa, ninkii fadhaaya maa fiyow. Ina Mad Yerow aa yiri: Dereenga i gali dadki/Berkaasa ing dudey/Aniine ka darsamey/Wal oo doronga le sheegey. Haddana waxa laga orday ma ahayn wax saas usii buuran oo baqo geliya ciyaartooydi iyo dadki daawanaayay dheesha. Jabaq aabahiis ayaa hoostiisa ka arkay dooro dhankakaxeysa. Usuga oo shuushleyhaaya ayow gadaal u booday. Waxaa hoostiisa ku soo dhacay cunug yar oo is lahaa soo haabo digaagga baxsadkaa.

Waxaa odaygi kale oo qoslaaya yiri, “Maandhow, armeey ku fiicantahay in aad waxoogaa xammur ah ku sasabato.” Cunuggu maba maqal waanada xaggiisa loo soo tuuray, minow maqalyayna, dhegba shalaq uma siin. Xuur ama kurii meeli u caddahay, meelina ka madow. Meelo badan oo Afrika ka midihi ayaa sideeynoo kale loo eryada doorada. Marki wax la qabo, oo aan u baahneyn in eri iyo lo’ iyo geel la qalo, ayaa doorada lagu baxsadaa. Dadka deggan Nigeeriya ayaa leh sheeko cilmiyeysan oo si xirfadi ku jirto loo aslay. (Afeef: sheekadaan soo socota waxaa dhicikarta in aysan kurti ahayn tii aan kol hore akhriyay; waxaanan xataa xusuusan meeshi aan ka akhriyey. Haddii aad adigu mar dhow aragtay sheekada oo qoran, kuuna soo baxdo in ay jacbur tahay taad hadda akhrayso, fadlan na soo wargeli, adiga oo xusaaya qaybaha sheekada ee ka soo maaxay maankayna.) Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yiri: Beri ayaa aadmigu shireen oo ay ku hishiiyeen in xoolaha aan aadmiga ahayn sida duur joogta iyo idroog ama dad la noolka ah laga dalbado ama la weydiisto in ay soo qaddimmaan neef Aadanuhu marka ay qabaan duceysiga iyo martisoorka ay u loogaan martidooda. Bah Dugaag iyo mid ruung-roog ayaa isugu habarwacday shir loo wada dhanyahay. Waxaa la iclaamiyay maalinti madasha, waxayna ahayd maalin dugaag iyo dad la nool oo dhan, marka laga reebo digaag, ay yiraahdeen: Hawraarsan. Dooraa cudurdaaratay oo tiri, “Maalinta madasha waxaan ku maqanahay hawlo ii gaar ah, ee ha leyga raali noqdo.” Waxay kaloo tiri, “Wax alla wixi madasha ka soo baxa waa oggol.” Maalinti madasha ayaa la isugu yimid in laga tashado ama laga arrinsado kii ama tii loo hibaynlahaa ilmo Aadan. Waxaa igu maqaala in nafleydi goobta fadhiday loo sheegay in aadane soo yaboohsaday.

Garsoorki madasha ayaa hadalki furay. Baahal yar oo meesha fadhiyey ayaa yiri, “Halla weydiiyo inta goobta fadhida haddii ay jirto cid gob ah oo lagu baxsado, oo oggolaata in ay nafteeda u hibayso inta kale.” Waa la isfiirfiiriyay, oo meeshi laga waa’ cid is-biimeysa. Geeska shishi ayaa bahal yar oo ferenfer u ek afka kala feytay. “Waxay ila tahay in taladeynu sahlantahay oo aysanba u baahneeyn in la isku daaliyo.” Kuwaa hoosta ka guuxay. Qaar kale ayaa u qaatey in ow jar iskatuur idmani meesha fadhiyay. “Soo hadal, Aw,” ayaa mar qura la wada yiri. “Waa sahal. Aayo dooro waa tii tiri, ‘Wixi go’aan ah oo meesha ka soo baxa waa aqbal.’ Xaaba laga hadlaa. Iyada haloo hibeeyo Aw Aadmi, shirkuna saas ha noogu dhammaado.” Wax ka badan toban daqiiqo ayaa juuq iyo jabaq meeshi laga waayay. Waa la isfiirshey, iyada oo indhaha la kala dadbanaayo. Wax yar ka dib ayaa foori iyo fiijo cirka la qabadsiiyay. Hawraarsan.

Waxaa loogu waqlalay Madashi Guusha iyo Midnimo aan muran lahayn. Dabacaddeeyaa yiri, “Maxaan saas u arkiweynay inti aan isfiifiirinaynay? Ferenfer iyo wixi kale oo aad tahayba, afkaaga caano dhaay ah lagu qabey!” Waxaa madashi la isku raacay in dooro noqoto idroogga ugu yar ee Aaadmi loo hibeeyo. Caqligii wanaagsani itaal inuu ka roonyahay, bal eego, bal eego, u fiirsadaay. Ferenfer ayaa soo afjaray sheeko aan dhammaan lahayn kollay ku thay hiraabta dambe ee maalinti madasha. Hawraarsan. (Maxaa tiri? Waxaanan hubin cidda iyo meesha uu dhawaaqaani ka soo dhacay: “Waa waxaas waxa canuggu u eryanaayo doorada.”) Haddana raggi kabdhoodka dheelaayay iyo kuwi daawanaayay ayaa mar qura isku raacay in ay canugga gacan siiyaan oo ay dooradi baxsadka ahayd la soo qabtaan. “Soo qabtaay! Soo qabdha!” ayaa meel kasta ka yeertay. Gacmo wadajir… Bulsho is jecel… Curri gacan helay…

W/Q. Prof.Cali Jimcaale

Axmed ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN