Gaso Ganuun Gasiin (Q20aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

 


Gaso Ganuun Gasiin (Q20aad) 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Waxaad arkeysay rag tuuran oo wada eryanaaya dooro dhankakaxday. Gees gees iyo si aan la garan waa tii dooradi u oroday. Waa tii haddana baalasha haadisay. Waxaad moodeysay in ay rabtey ama damacsaneyd in ay buubto. Haddana marka ay istiraa dhulka ka kac ayay haddana quusataa ooy ogaataa in ay haadka kale oo ay qaraabada iyo isir wadaagga ahaayeen aaneey sifo la wadaagin. Waxay sameeysay dhawaaq aad moodeysay mid u eg kan ay sameyso hooyo boojaallo wadata oo dabacaddeeye meel dhow ka aragtay. Kra-kuuk. Kra-kuuk. Kra-kuuk. Waa taan hore kuugu sheegay: Anigu uurkubbaalle maahi. Waxaanse is iri dhawaaqu waa mid ka tarjumaayay cabsi iyo ciil iskaashaday. Waxaa kuu muuqday dooro giiratay ama buufaysa. Waxaanan hubin dhawaaqu in ow ka ahaa ciilkaanbi. Waxaanse isiri amey dooradu ka shalllaayday ruun-rooggi iyo dad-lanoolki. Shallaay ma horreeyee waa dambeeyaa. Mar labaad ayaad arkaysay in ay haddana sii giiratay. Baalashay bitisay oo lugihiina waxoogaa dhulka ka qaaday. Waxaa isu qabawaayay wixi ay rabtay iyo runta ay ku sugnayd. Waxaan isiri ina Jeylaani ayaa hore u aragtay dhiillada ku soo foodleh Ay Dooro: Goortii haddii giiran lahaa malii gumeesteene. Waa hal dooro waxaa intaas oo dadihi ka daba orrinaayeen.

(Maya, ma ilaawin. Waxaa qoruhu i xasuusinaayaa in aan kuu soo gudbiyo dhambaal email ah oo ay gabar magaceeda ku soo koobtay Shillal u soo dirtay isaga. Waxay tiri,”Waxaan inta badan isku dayaa in aan la socdo sheekadaada, walow aanan inta badan fursad u helin in aan si joogta ah u daa’imo. Waxaan rabey in aan labo eray ka iraahdo xirmadii u dambeysay iyo tu ka sii horreysay. Sida aad ogtahay kabdhoodku ama fallaar tuurku waxa uu ka midyahay seddex walxaad oo Nebiggeynu (SCW) ku booriyay in la baro carruurta. Labada aadan soo hadal qaadin waxay kala yihiin: dabbaasha iyo fardofuulka. Waxaan ku soo koray magaalo ceel buursaaran u dhow. Waxay caan ku ahayd farshaxanka dhagaxa laga sameeyo ama laga qoro, sida idinka ama debqaadka, IWM. Waxaan xasuustaa aabahey iyo qaraabada kale oo safar lug ah ku aada magaalo kale oo ku agtiil gal ama balli. Waxaad sii jibaaxaysaa carro bacaad aadan qiyaasi karin. Waxaan aniga oo sagaal jir ah ku iri aabbahay oo u socday magaalo kale oo maarta laga qodo oo aan saas uga fogeyn ceel biyihiisu dac noqdeen oo beri hore la iska dhaafay in laga dhaansado, “Aabow, maad wadatid mid ka mid ah fardaha dhooban xafiiska xoghayaha degmada agtiisa.” Inta ow i deymooday ayuu haddana igu qoslay. Usuga oo weli qoslaaya, ayow yiri, “Faceey oo fardo fuulaaya weli ma arag, aniguna maahi kii hadda bilaabaayey. Maandhaay, waxaase suurtagal ah in jiilkaagu noqdo kii fardofuulka bilaaba.” Marki aan qaangaarey ayaan bilaabay in aan dhaqdo oo tababaro fardaha. Shan carruur ah oo aan anigu dhalay oo ay ku jirto geber siddeed jir ah—intuba waxaan baray dabbaasha, kabdhoodka iyo fardofuulka. Meeshi aan ku dhashay bad malahayn, waxaanse fasax u tegijiray magaalo aan naga fogayn oo aan hadda sidii hore loo deganayn. Waxaan hadda ku noolahay magaalo iyada oo dhan wada bad ah.

Tan labaad oo aan rabo in aan ka faalloodo waa arrinka digaagga. Keliya waxaan rabaa in aan sheego in diiq dooruhu marmar ka nasabsanyahay xiniinyoolaha aadmiga. Ma oge in aad weligaa aragtay dooro iyo diiq wada socda. Diiqu ma cuno wixi ow faagfaagto balse waxa uu ku sooraa doorada inta uusan usuga dhadhemin.

(Raali ahaaw: ma jecli in aan ka hiiliyo walaashey, laakin waxaan rabaa in aan kugu qarsado akhristow intaan yar oo laabteydu goconeyso: Ku te inta uusan dhadhamin. Waa wixi ina Walleys caanka ku ahaa: Wax la faagfaagtay wax kujira lama yaqaane, horta bal cid kale ku tijaabi. Goorba gebertu ma garan sirta ka dambaysa sooryo dhagareedka diiq dooro. Goorba waa hagardaammo duulkaan digaagga la yiraa ka dhaxeysa. Tii uqda ama cuqda ahaydna waa tii ku talisay in la gowraco diiqyada. )

Waxay gabarti hadalkeedi ku soo gebagebeysay; Waxaan u begey ama bogay sheeko la yiraahdo “Horta, Yaa Abaal gala” oo uu nin la yiraahdo Wadaad ku qoro rabta ama degelka Laashin. Waxa uu ka dhawaajiyay wax aan hore uga maqal nin doorkayna. Waxa uu ka hadlay sida dumarku u sugaan hambada ama cittinta raggu soo reebo ama ay u sugaan inta raggu ka dhamaysto wax cunnidda. Ma hubo in saas loo gartay, laakin aniga aad ayay ii taabatay. Waxaan aniga iyo seygeyga si furan uga hadalnaa arrimaha noocaasa iyo kuwo kale oo la hal maala. Weliba waxaa doodda qod ka qaata ilmaha aan dhalnay oo dhan.

Waa tahay, walaal, iga guddoon tixgelin mug leh. Meeshaa ka sii wad sheekada. Haddii aan arko wax kale oo aan saluugo ama u baahan ka warbixin waxaa ballan ah in aan kuu soo diro. Laabxaarka noocaas oo kalaa ayay bulsho ku hormartaa. Kheyr ayaan isku ognahay. Walaashaa, Shillal.)

Yaa Shillal ka daba hadlikara. Mar labaad, mahadsanid.

La soco Q.25aad
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN