Gaso Ganuun Gasiin (Q21aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso Ganuun Gasiin (Q21aad)

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Jabaq aabihiis ayaa waxyar ka haray ama ka herey dadki ordaayay oo lahaa doorada soo qabtaay ama qabdhaay. Inta ow sheedda wax ka bacleelay ayow mar qura gadaal u gadoomay. Waxaad u qabtey in ay rooxaani ku soo degtay. Afka ayuu nuuxnuuxiyay, gacmahana kor u filqay. Waxow u ekaa tawaan nimaan laheynoo tawaawaciisu badanyahay. Waa casirliiq ama casardiiq. Waxa ow is yiri socod boob, haddana lugihii ayaa u dayrshey. Waxaad u qabtey neef ruqday oo si lama filaan ah u shiiqay. Waxaa gashay bal hitiq hitiqna ku day. Waxaa harqisay cabsi aan lahayn mug iyo meel la taabto. Waxa kuu daran marka aad garanweydo meel lagaaga yimid iyo meel lagaa jiro oo welibana cagahaagu jiidmi waayaan. Waa mashaqo aan maaro loo hayn. Waxa ow arkay in ow taaganyahay meel aan saas uga fogayn kobti kabdhoodka lagu dheelaayay. Waxa gashay bal reerki xaggooda u sii ruqaanso. Waxaa himmo iyo cabsi horleh geliyay xasuusti reerka. Tillaabo, tillaabo. Saang saang socodaa ka dhasha.

Waxa ow kulmiyay maankiisa, si ow u xasuusto dhabbihi loo raacaayay kobti uu kaga soo tegay reerka. Usugoo weli cagajiidaaya ayuu ku soo dhacay hilinki ow saakay soo maray. Waxa ow gartay daarihi iyo carshaanti uu tilmaamaha ka dhigtay. Waxa uu ku soo dhacay diqdiq yar oo toos u geeyhaayay barxaddi ciddu xaarxaaratay. Marki ow ku soo dhowaaday ayuu Indhaha saas ula raacay oo meeshi ka waayay sicci iyo ri’di ay xoolo iyo xandhaba ka qabeen. Muruugo horleh ayaa gashay. Milaygu waxa uu ku dhowyahay iry ama qorrax ama orrax dhac. Waxaa niyadda ka gashay: “Dhulku waa mid nagu cusub ee tolow ma waxay keeni waayeen barti ay ka soofeen. Wallee waa yaab. Cid aan ula kaashadona ma aqaan; meel aan ula ciirsadana ma helo.” Waxa ow kadinka ka soo galay wareeggi koobaabinta u ekaa. Waxa ku soo baxday muluq yar oo ooyhaysa. “Maandhaay, xaa dhacay? Aaway hooyo iyo Jabaq?”

Cunugti ayaa oohin tii hore ka sii daran cirka qabadsiisay. Waxa ow ka yaabay ilinti hibiqleyneysay kana joogsanweyday. “Aabow, shib dheh,” waa kii yiri. Haddana soo xambaaray oo usugoo xambaarsan soo ag roogsaday hiindadi guriga oo keligeed meel kabruurta. Hiindeey hooyo! (Waxaan soo xasuustay erayadii widaaygeey Dottoor ina Nuur Xaaji: Habartii hilinteeda nuugay/Har ii habeen i hananeysi haaysi/ Haddii haaro iila haareysi/Hurdo ka haadeysi haddii habaabo/ Halis haddii galo i hareeri joogtay/ Hamigeeda inaan haleynin waaye.) Hooyooy la’aantaa! Waxay hooyadi guriga u fadhiday sida qof barkagax xooglihi dhulka soo dhigay. “Hooyooy, sey wax u jiraan?” waa kii ku nabdaadiyey. Inta ay kor u fiirisay ayay haddana madaxa gashatay jilbaha dhexdooda. Waxa ow dhulka dhigay muluqdi uu xambaarsanaa. Waxa ow ag fariistay hiindadii guriga. “Abaayooy, waa la murugay e, maxaa iga dambeeyay oo dhacay?”

Waxay gafuurka iyo fartaba ku fiiqday meeshi uu Jabaq fadhiyay. Usuga oon su’aal dambe weydiin ayuu u tillabsaday igaarki halkow kabruuray. Waxaad u qabtey xuurku in ow arkay reer aakhiraad ama hummaag indha walleeyey. “Jabaq, bal ii warran, seey wax u jiraan?” waa kii hadalkiisa si naxariisi ku jirto u bilaabay. Waxa ow soo ag kadaloobsaday curadkiisi. Odaygu waa u muuqatey in ay dhiillo culus meesha ka jirtay. Waxaad arkaysay ciddi oo qofba meel u ciirsatay. Waxa ow ka yaabay aafada ku habsatay qoyskiisa oo caan ku ahaa marka ay dhiillo la soo gudboonaato in ay sida xaskusha oo kale isku haystaan. Waa kii salka dhulka dhigay oo bilaabay in ow igaarka madaxa u salsalaaxo. Waxa uu niyadda iska yiri, “Wallee wixi jabaq ka nixiyey wax fudud maaha.”

Igaarki ayaa bilaabay in ow indhaha maraanmarto. Waxa uu darafta dambe ee macawisti uu xirnaa iskaga siimiyey diif. Odaygi ayaa gartay waxa Jabaq indhuhu la casaadeen. “Wax ka tan weyn aa igaarkeyga helay,” ayuu hoos u yiri. “Bal warran, jabaqow? Sey wax u jiraan?” Jabaq ayaa sheeko dheer bilaabay, waxaana ow yiri:

“Saakay marki aan aniga iyo tan yar u soofinnay sicii iyo ri’di meel ay daaq cosoba ka helaan ayaan waxaan aragnay in aan aad uga soo fogaanay rabtaan aan hadda fadhino. Saasooy tahay sicci iyo ri’diba waxay heleen caws aysan in mudda ah helin. Milay aan geed hoostiisa fadhino oon qorraxda ka harsanayno ayaan waxaan arkay sicci oo giirtay. Geberti ayaan ku iri, “Meeshaada haka kicin. Haddaad u baahatana geedka salka waqooyi ku gambo oo gabbood ka dhigo.” Waxaan u kuday meeshi ay daaqaayeen sicci iyo ri’di. Waxaa igu soo baxay rag warmo iyo banaadiiq wata. Weli ma sheegikaro meesha ay ka soo bexeen. Waxaad u qabtey in ay dhulka ka soo dhasheen. Nin raggii ka mid ah ayaa waran sanka iga saaray. Raggi intoodi kale ayaa ku goobtay sicci oo aad moodaysay in ay jinniyo ku soo degeen. Wixi markaas ka dib dhacay maaha wax aan ka sifeynkaro. Ma hubo in aan arkay waxa aan is iri waad aragtay.”

La soco qaybaha dambe
W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN