Gaso Ganuun, Gasiin (Q6aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso, ganuun, Gasiin (Q.6aad) 

“Sheeko, sheeko Sheeka Xariir

Hurdo ama jiifku waxaa la yiraa waxay qaraabo soke yihiin geerida. Odaygi ayaa hurdo camiiq ah ama dheer bitiq la yiri. Daal mug weyn ayaa haayey oo dibir aan fududayn la tiktikleeyey. Gamaanyo ayaa hirig tiri ama dibrisay. Gundhis is daba jog ah ayaa odaygi ilaawsiiyey in uu barshinkiisi barkado. Indhuhu muggey ama marki ay isku soo kudaan kala qabasho ma leh. Wax yar ka dib, waa kii odaygu quuro ama khuuro dheer, asii aan hore looga baran, hawada ku hurgufay. Riyo aan qaab midaysan lahayn ayuu dhex tibaaxay. Dhadhab isku laban ayaa maankiisu mushaaxay. Dhul barwaaqaa, balli xareed ah, deyr ducaysan. Gaafabixin mug iyo muuno leh. Afartan halaad ayaa gooni loogu soocay. Sidoo kale, soddon qaalin lo’aada, konton eri cad iyo ido isugu jira. Waxaa meel fog taagan xeerbeegti ay u ekeed in ay xaajo culus kala shaandheeynteed ku jireeen. Waxay hoos taaganyihiin wax u ek seddax geed oo laamahoodu isku dhafanyihiin, haddana hoos keliya leh. Seddax geed—yaaq, galool, mukay. Diillimaad aan la haloosin karin ayaad moodeysay in uu hummaagoodu ka bidhaamaayey circa iyo dhulka halka ay hab iska siiyaan. Xilliyaa is-beddelay. Sanadki xigay waxaa u dhashay qaalmo badan. Foodxume oo ahaa qawsaarkiisi ayaa sanadkaas neef irmaan ah la siiyay. Waxaa ceeb ahayd in ruuxa ilaaliya duunyadaada lagala masuugo oo aan la siin fijo, kollay ku tahay ceesaan. Haye, aabe. Xasuuso maandhow: Qawsaar daacad ah waa afkulleeble salfo kara duunyadaada oo dhan. Waa runtaa, aabe.

Jabaq ayaa dhegaha kor u taagey, oo haddana ciribdhiibsadey sida qof wax laacaaya. Waxuu ka yaabay qarawga aabihii, haddana ka xishooday in uu ka dhex galo haasaawihiisi adduun. Waxuu is yiri waa adduun iyo gocashadiis waxa aabe tibaaxaayo. Haddana waxuu Jabaq soo xasuustay labadi libaax ee qadhoobay meel aan saa uga fogeyn. Waxuu dib ugu noqday heeganki uu ku jiray. Wiil xil qaaday, eed qaad. Nin lagu seexdow, ha seexan, soo jeed oo ha seexan. Nin seexday sicii dibi dhal. Jabaq ayaa halkiisi ka sii watey ilaaladiisi. Halka aabihiisna riyadi ka sii watay. Ama riyadu huwaayeysay.

(Waxaa laga hayaa Freud ama Frooyd, oo ahaa xeeldheere hargaanti ah, si qoto lehna u qaadaadhigay riyooyinka iyo wixi la hal maala, in riyadu tahay aalad ruuxa hurdaa u dheereysa ama u maceysa hurdada. Waxaa kale oo uu sheegay in riyadu tahay isku day’ dhimirka riyoonaaya isku dayo in uu xal u helo caqabad inta la soojeeday loo caal waayay. Waa sidaas ayaan filaayaa waxa loo yiraa, marka laga hadlaayo arrin bac kaa siisay, “ku seexo.” Af Ingiriisiga ayaa leh mid tayna u dhiganta, oo lagu yiraa, “Sleep on it.” Haddana riyadu waa hiddaayo Eebe ka timaada. Waxaa marmar dhacda in aad haloosigeeda hibo u yeelato. Waxaase hibada ugu weyn helay Nebi Yuusuf oo awood gaara Eebe u siiyay in uu ta’wiilo riyoyin dhowr ah oo reer Fircoon ku xujoobeen. Ma xuma, ayay ila tahay, in aad baaritaan ku samayso deraasaad badan oo laga qoray arrinkaan ama mowduucaan. Weliba xilliga hadda lagu jiro kuma sii jiro. Dad badan ayaa dhiig bax iyo aafoyin colaadeed iyo hagardaamo laga dhaxlay nolol dhabaqsan ay dhagaati iyo dhafoorba dhabeen. Waxaad daalaca karta wixi laga dhaxlay Imaam Ghazaali oo ah aabihi cilmi nafsaaniga, haddana aan sidi uu mudnaa loogu xusin buugaagta adduunka. Minaadan adigu sheegin, yaa sheegi. Minow usugu ku sheegin, yaa ku sheegi. Haddii lagu sheego, waa la is sheeraa… Ma u jeeddaa, waxaa mar kale leyga weeciyey dulucdi sheekada. Raalli noqo. Waxaanse hubaa in ay mururuqdu middaan ugu dambeyheynin.)

Odaygi ayaa wejiga kaduuday. Maandhow, ogow in annaga iyo libaaxu tol nahay. Faraceyna iyo libaaxu waa uur wadaag. Odaygi aan ka soo farcannay iyo isirki libaaxyada ayaa hooyo qurihi wada dhashay. Taasaa ugu wacan in marki aan halis galno oo habar dugaag ay nafteena iyo duunyadeyna soo hawooto, meel aan laga filan libaaxu ka soo baxo, si ay noo badbaadiyaan. Xasuuso berigi tuulada dhurwaa’ looga caal waayay, oo xoolihi iyo dadkiba meel ay ku harsdaan waayeen. Waa kii raxan libaaxihi maalin cad dhanka qurax u dhac tuuladii ka soo galeen.

Waxay ahayd maalin barqo ah, oo dhammaan raggi tuulada heegan la wada geliyay. Nin kasta oo waran iyo gaashaan qaad ahaa, nin walba oo gamuun ama fallaar mariidlihi gemi karey, nin walba oo fergan haystay oo nishaab aqoon ahaa, nin walba oo abley ama toorrey tabkeed yiqiin—maalintaas, waxay ahayd maalin la isu oday iyo habarba wacday. Raggi oo diyaar garoobay oo sugaaya in ay la dagaallmaan waraabe burcad iyo horor ah, ayaa meel fog ka arkay waraabihi oo fakad iyo fergad ah. Dhurwaa ina Jeenyo gaagaaban ayaa barkag ama bardad xuni galay. Yaab. Waraabihi ayaa u baxsaday kor iyo koonfur. Qaar ayaa soo baxay sidi carsaanyo wareertay oo kale. Wixi maalintaas wedkood galay midna kama fiigin. Waxaa meeshi loogu magac daray “Raq Waraabe.”

La soco qaybaha kale.

W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed

SHEEKOOYIN