Gaso Ganuun, Gasiin (Q8aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun, Gasiin (Q8aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko Sheeka Xariir!

Barbaarki Gawaanki Makrilaawe joogay ayaa mar qura isla jaan qaaday. Shabshablow shiinka Qur’aanka/ Ninki sheegaa ma shallaayo/ Shab shab/ Shab shab. Talakeenaaba tanaadee/tigtigleyntaan iga tiiri/ tig tig/tig tig. (Tuduca dambe waxaa tirisay Batuula oo aan maansadeeda hore u soo aragnay. Marmar ayey affarrey ridataa. Haddii ay kula tahay, waa u sheegi karnaa in ay affarreyda ka qalin jebiso. Taas waa arrin idinka idiin taal.) Waxaa kale oo la sheegaa in dad aan degaanka u dhalan, asii maalintaas tuulada marti ku ahaa, wacdaro ka dhigeen barxaddi la isugu soo baxay.

Gawaanki Makrilaawe ayaa weligii ahaa goob loo adeegsado hawlo kala duwan—doobki tuulada ayay fiidadka qaarkood u ahayd meel ay yoolyoolka ku dheelaan, ama ku legdemaan. Marar kalena, khaasatan bisha Soon, waxay goobtu ahayd meel dadku, inta laga gaaraayo suxuurta, isku maaweeliyo sheeko iyo haasaawe. Waxaa ka reebanaa ama ceeb ahayd in sheekooyinkaas lagu qaso ama loo adeegsado guryan, mardabo iyo harawsiba. Waxay kaloo goobtu ahayd meesha la isugu keeno tuug iyo taroox kasta oo mirasho lagu soo qabto.

Sab ama Allabarigii ugu weynaa ee lagu qabto tuulada, tan iyo waayihi wabarki wabarrada, ayaa maalintaas la isugu yimid. Raxanti libaax ayaa sooryo loo fidshay. Geel, lo’, eri iyo ido ayaa loo qalay marti sharafki meesha joogay oo libaaxu kow ka ahaa. Sagaal habeen oo kale ayaa dabbaaldeggu socday. Hilib iyo caano ayaa laga hirqaday. Sagaal hamiin oo naruuro la helay. Waxaa mar labaad la cusbooneysiiyay wacad alcan uur-wadaag laga dhaxlay. Waxaa lagu soo afjaray alalaase iyo mashxarad. Waxay u ekeyd in raxanti libaax iyaguna ku diirsadeen diiq gacaltooyo oon marna kala go’laheyn. Waaberigi maalintii tomanaad ayaa si rasmi ah loo soo gunaanadey ehelaysigi labada koox. Odayaashi goobta ayaa toox iyo ridasho la dhoollacaddeeyay. Waxaad u qabtey in la isugu yimid kulan lagu doogto duco iyo durraamo la aqbalay. Maalintaa wixi ka dambeeyay, tuuladi ayaa ka soo waaqsatay mooro duug medebbo badan. Libaaxow, Eebbe haku dhaafo! Hiillo libaaxaa leh. Waxaa saas ku celceshay Jabaq aabihiis. Haddana odaygu marna kala ma furin labadiisa indhood. Jabaq ayaa odaygi xaggiisa u soo kudey. Odaygi ayaa haddana ku celceshay –libaax. Libaax. Libaax.

Jabaq ayaa is weydiiyay goorta iyo meesha aabihiis uu ku arkay labada libaax ee “kadinka” hortiisa dangiigey. Waa kii hoos u yiri, War jiraaba cakaaruu imaan. Wax yar kadibna, hurdaa ku soo degtey. Odaygi ayaa indhaha ku kala qaaday jabaq oo hirdhifaaya. Waa kii yiri, “Maandhow, dulqaad badane, markaan waa tookadaadiye, waxoogaa jiifa hel.” Weertuba intey odayga afkiisa ka dhammaan, Jabaq waa kii geddacad u yiil. Odaygi iyo islaanti reerka ayaa hoos u showray. (Waxay aheyd wax aan hore looga baran. Jabaq iyo labada gebdhood ayaa intaba qayb ku lahaa talada reerka. Seddaxduba markaan waa jiifeen oo wacaal iyo ogaal midna ma laheyn.) Waalidki ayaa ku heshiiyey in odaygu biyo raadsho, hooyadana sacca listo inta ay ilmuhu jiifaan. Kobta ay salka dhigteen ayaa lahayd biyo badan. Nawaaxiga War Awliyo ayaa lagu sheegay in Eebe biyo ka haqab tiray. Afarti wadaad ee dulmiga ka soo baxsatay oo meel duur ah timid, oo Eebe ku toosiyay in ay dhulka xaartaan. Waa kuwi dhulka ilo biyo xareeda looga dhigay, biyo saafiyana sacabbada kaga dhergey. Biyaad ka dheregtaa meeshaad taabato ama aad xaarxaarato. Withaaygeey ama jaalkeey dhaqan yaqaan ina Wadaad ayaan ka maqlay: Waa qiso yaab leh, oo dhuuxid u baahan. Dib-u-milicso ifafaale soo jireen ah. Dhugo waayo la soo maray.

La soco Q.13aad
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.