Gaso Ganuun, Gasiin (Q9aad) W/Q: Prof. Cali Jimcaale Axmed

pizap-com14733349429952

Gaso Ganuun, Gasiin (Q8aad)

“Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!“
Odaygi reer Jabaq ayaa meel aan cidda ka fogeyn ciidda ka xaarxaartey. In ka yar dhudhun marki uu hoos u qoday ayaa biyo boodaaya faw ku soo dhaheen, oo sida sayr foolka ka qooyeen. Weelashi uu watey ayuu biyo ka soo buuxsadey, reerkii xaggoodana u soo dhaqaaqay. Waaba nin soo dhaansaday. Mase, waxaa hareerihiisa socda libaax aad moodday in ow laafyoonaayey. Odaygi ayaa istaagay. Libaaxina waa kii sidoo kale hakiyey laafyadiisi. Odaygi ayaa libaaxi xaggiisa u tallaabo qaaday. Libaaxi ayaa fariistey oo gaaddada dhulka dhigtay. Odaygi ayaa libaaxi biyo ugu shubay ganuun. Wax yar ka dib, waa kuwi isasoo dabagalay. Reerka agtooda ayaa waxaa ka soo muuqday libaaxi labaad, asii owsan odaygu u war haynin. Sidoo kale, waxuu ganuun buuxa oo biyaa hoos dhigay libaaxi labaad. Waxa uu bilaabay in uu la hadlo, sida iyaga oo is-fahmaaya, af qurana ku wada hadla. Waa kii ku yiri: “Xigaalkeeyow, wax aan idin siiyo ma haayo. Waxa aan jiscin ahaan u wadanana ma aha wax aan idiin quuro. Waa cambuulo, iyo dareerin. Waxaa intaa noo dheer sac iyo ri’ wixi aan xoolo laheeyn oo dhan ka soo haray. Labaduba waxay sed u yihiin isuma-qaddo.” Marki uu hadalki dhameestey ayuu reerki xaggooda aaday.

Labadi libaax ayaa u ekaa kuwo af gartay odaygi reer Jabaq. Wax yar ka dib waa kii ku soo noqday halki ay libaaxyadu fadhiyeen. Waxuu soo hordhigay ri’di. Waxay ri’du aheeyd mid aan dhiiq lahayn, balse beri hore aheeyd hebed-ri’. Inta ay dhasahay waxaa ka badnaa inta ay nuujisay. Haddase waxaad moodeysay in waayuhu soo legdeen. Saasooy tahay uma ekeyn weyd fildaran oo lagu tirsho xoolo ruqday oo kale. Labadi libaax ayaase gafuurka dhulka dhigtay. Waxay u ekeed in ay ka caroodeen diiqda odaygu soo hor dhigay. Odaygi ayaa gartay in uu meel kaga dhacay haybaddi iyo sharafti xigtadiis. Waa kii ka qoomameeyay. Foolka ayuu libaaxi ka dhunkaday. Haddana sankuu sanka u saaray, markaas ayuu wejigiisa kii libaaxa ku salsalaaxay. Waxaad arkaysey hilow gacaltooyo oo ka dhexeeyey odaygi iyo labadi libaax, oo hammuun isu qabey sida lammaano muddo kala maqnaa.

(Sankow sanka u saaray. Waxaan maantoo hore booqasho ku tagnay Bendar Qaasim. Waxaan la socdey wafdi uu hogaaminaayey aqoonyahan ruugcaddaa ah oo lagu magacaabo ina Adam Tanzania oo macallin iigu ahaa xarun cilmiyeed loogu magacdaray Lafo Doorshaan. Haddaad doonto in aad wax ka ogaato taariihkda goobtaasu leedahay, waxaad ka akhrin kartaa buugaag ay qoreen Cassanelli, Luling, Mad ina Malaaq Mukhtaar, Maadeey ina Eno, iyo kuwo kaloo asaagood ah. Bendar Qaasim ayaa la iigu sheegay Saydaliyad ama farmashiiye lagu magacaabo “San Ka San.” Waxaa la yiri dad ayaa isku qabtey magac-bixinti farmashiiyaha. Dadki ka biyo-diidey waxaa ka mid ahaa culimo ka dhiidhisey in magac u ek kii Eebe loogu waqlalo Saydaliyad ama wax la hal maala. Waxaan is iri, mar haddii farmashiiyihi loo daayay magaci, waxaa meesha yimid is-afgarad iyo sulux suuban oo lagu so af-jaray dooddi taagnayd.)

Jabaq ayaa hurdadi jaf ka soo yiri oo indhihi mar qura kala feyday ama qaaday. “Aaway aabow,” ayuu weydiiyay hooyadiis. Inti ay hooyadi ka jawaabin su’aashi, ayuu, sida ruux sassay, qaylo meel ay ka timid la aqoon afka labadiisa baar ku dhuftay. Hooyadii ayaa anfariirtay oo meeshi odaygu jiray indhaha la raacday. Waxay kala garan weyday in saygeedu af libaax ku jiray iyo in kale. Haddana indhahi Ayeey libiqsatay ama nibirsatay. Waaba odaygi oo gacantiisu saarantahay sanqaroor libaax. Haa heey! Inta ay dhoolla caddeysay, ayeey xaggi Jabaq ka jiray u jeesatay, ooy tiri, “Libaax nin yaqaan ayaa sanka ka taabta.” Iyada oon weli hadalki dhammayn ayeey sheedda ka aragtay Jabaq oo sida gammuun u duulaaya, una ul-xeerinaaya. Waxay u ekeed in cagahiisuba dhulka haynin. “Maandhow, dhib ma leh! Waa… xigto…xoolo loo hayn…lur badnaa …”

La soco qabaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.Ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN