Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:22AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:22AAD

 

Ninkii aad u qabtay in ow ahaa horjoogihii qowleysatada ayaa bilaabay in ow sici salsalaaxo. Muddo markii ow xoodihaayay ayow sici lammada lugood ee dambe kor u qaaday, iyada oo aad u qabtay in ow kor u kacaayo. Ninkii ayaa qoslay oo inta ow hal agtiisa rogay geesgees u fiiriyey, ku yir, “Xaan idin dhahay? Waa kaas xoodsigu shaqeeyey. Waxa uu kiish garabka midig ugu garraarsanaa kala soo baxay ganuun aad u qabtey in ow u ekaa kurbin beri hore la xooray. Waa kii bilaabay in ow u heeso sici. Waxaase uu ku billaabay hadal dheer oo u ekaa afgobaadsi asraar ku milantahay, asii anigu aan u qaatay in ow ahaa axal, dac iyo dacar. Waxow yiri, “Kurti gaanka aan ku abtirsano, waxaa nalagu yaqaan in aan nahay kuwo aan ku sifoobin caayibnimo iyo gacan hoorsi. Waxaan weligeynba aheyn duul isku nudan oo aan kala maarmin, xataa markay is maagaan, is rifaan, is haniifsadaan.

Waxaan xasuustaa oo aan goobjoog u ahaa maalin aabahay iyo nin usuga la dhashay ay isku qabsadeen deero ku dhacday siriq ama dabin ay dhulka dhigteen. Waxaa bilaabatay is-tatoon iyo haraati aan la isu arxamin ama naxariisan. Waxaan arkay aabbaheey oo sindadabyo lagu qaaday oo hal mar dhulka looga wareegay. Waxaan is iri u hiilli, waxaase reeddayda taagnaa xuur adeerku dhalay, ayna muuqatay in ow iga itaal roonaa. Waase yaab’e, waxaa hal mar dhulka jaw ka yiri odaygi i dhalay oo si lama filaan ah mar qura walaalkiis dhulka kala kacay. Waxaan arkay adeer oo caadka tirihaayo. Dhulka ayuu hal mar bashaq ku soo yiri. Waxaad u qabtay in ow kala dhambalmay. Igaarki aan ilmo adeerka ahayn ayaa hal mar qosol ka wareegay. Waa kii anna aan qosol ka wareegay. Ma hubo waxa aan ku qoslay iyo in ay meeshaba tiil wax lagu maadaysto. Ununkoo weli qosol la fugfugle, ayaan hal mar aragnay labadii oday oo gacmaha haatihaaya, marna cirka faraha ku fiiqaaya. Waxaan maqlay adeerkay oo na le: “kaalaya qod ka soo qabta hororka la baxsaday deeradi aan nasiibka u helnay.” Muggaas oo kale, xaad hee suubbee, ma buubee?.  

Annaga oo weli yaabban ayaa dad badan oo aanan ogeyn meel ay ka yimaadeen ay mar uun nagu soo baxeen oo meeshi ku soo shamuugmeen. Nin oday ah ayaa i weydiiyey waxa meesha ka dhacay. Marki aan si kooban ugu sheegay, ayow qosol ka wareegay. Waxaan is iri waa maalin qosol. Waxaan isiri, Belaayo waa tii kaa qoslisaa. Waxaan isiri, odaygu waxa uu ku farxay dhiillada reerkayna ku habsatay. Aniga oon ogeyn waxa afkayga ka soo baxaaya ayaan iri, “Ogoobeey, geeridii galbeed laga sheego, gondahaagaa laga dayaa.” Odaygi ayaa haddana qosol-quffac la jeestay. Waxaan maqlay isaga oo leh, “Bal arag, dafaa ka boojeeysay wixii shalay ilaa saakay oo dhan ay ka dhursugaayeen! Duf ku baxa. Abbabaay!”

(Ii kaadi bal. halkaanna waxaan ku nacay doc ka yeerka, weliba marka ay sheekadu isku dhacayso. Qorihii ayaa yiri, “U sheeg halka hadlaaya in owsan ahayn ina Xaaji Banaadir.  Haddaas rabo in aas nakhdo sidii Maki, u sheeg ha buubo, baddana ha galo.”

“Kuma fahmin,” ayaan ku iri.

“Ka soco. Adna waxaan kugu nacay dhegafudaydka. Saad u maqashaa waxa aan dhegtayda kollay ku tahay aan is iraa ka qari?”

 Inta aan dhoollacaddeeyay ayaan ku iri, “Ma waanan ahayn lammaano rubad qaybsi iyo dhareer wadaag ah.”

“Waa tahay’e, dib ugu noqo soo tebinti sheekadi Aw Qowleeysato aabaheed …”

Usuga oon hadalkii dhammayn ayaan iri: “Sheekadu waa sidii Jabaq uu wax u maqlay, una arkay, ee maaha sheekadii horjoogaha.”

“Teey doonto ha ahaatee, bal ka soco. Dad ayaa na horfadhiya oo xiisaynaaya dhegaysiga sheekadaada.” Waxaan iri: “Ma anaaba aqaan meel aan maraayey. Doc ka yeerku waa bah dilka sheekada. Marka fadlan, yaanan dib ugu noqon isku tuurtuurki shalay.”

Intaan maraayay? Haaheey. Jabaq ayaa hadlaayey oo noo soo tebinaayey hadalkii ninkii qowleysatada madaxda u ahaa. Dabcan Jabaq waxa uu la hadlaayey aabbihiis, annaguna qod aan ka dhegeysaneynay, isaga oo aan naga warheyn. Waa dhegeysi dhakasho ah.  Aniga sheekada sheegaaya, (ogoobeey, ma ahi qorihii), ayaa isku xira qoraha, Jabaq iyo duulka kale oo ku dhex nool aqalka sheekada, iyo idinka hortayda fadhiya oo sheekada dhegeysanaaya. Aan dib ugu noqdo sheekadi.

Ninki ayaa hadalkiisii sii qunsaday. Inta ow jabaq xaggiisa deymooday ayuu wejiga kaduuday. Jabaq ayaa dhanka kale u jeestay. Ninkii ayaa yiri: “Waxaa intaas iiga yaab badneed markii aan gurigi ku soo noqonnay ununkoo fara meran. Abootaa loo sheegay in faro mernaan igaarti ku soo noqdeen. Waxay tiri, “Ma waxaad i leedihiin, kolleey ku tahay sagaarona waa soo qabo weydeen.” Waxaa loo sheegay wixi dhacay. Inta ay ka jeesatay, ayey tiri, “Hororka dafay diiqdii aan helnay walbo ma ahaa mid xaafaddeyna deggan?”

Wiilasheedii ayaa is fiiriyey. Ma hubno, ayay wadajir u yiraahdeen. Xeyse isu kaa dhaamaan, mar haddii aad boob hilib ku weyday? Habarti ayaa tiri, “Caku, ciil badanaa, waa lammaan is dhaamin! Haddiiba ay noqoto in nala gefiyo, waxaa ii dhaami lahayd in horor keynaa walbo calfado.”

Ninki sheekada sheegaayey ayaa Jabaq indhaha ku gubay, oo yiri, “Weligaa ma aragtay, mase maqashay wajaq iyo waalli taas ka daran.”  

La soco Q.23aad     

W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

 ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.